Jaamacadda Daha Faraca Kismaayo

Call Directions Website Contact the university

Jaamacadda Daha Faraca Kismaayo Official page for DAHA International University Kismayo Campus is a non-profit, non-governmental educational institution. More info diu.edu.so.

Galabta ayaa si rasmi ah loo soo gebagabeeyey munaasabaddii Tijaabi Nasiibkaaga oo Ku Guulayso Deeq Waxbarasho (Scholars...
16/09/2026

Galabta ayaa si rasmi ah loo soo gebagabeeyey munaasabaddii Tijaabi Nasiibkaaga oo Ku Guulayso Deeq Waxbarasho (Scholarship) oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Daha Faraca Kismaayo.

Munaasabadda ayaa loo qabtay 200 oo arday iyadoo ujeeddadeedu ahayd in ardayda loo abuuro fursad ay kaga faa’iidaystaan deeq waxbarasho, isla markaana lagu dhiirrigeliyo waxbarashada iyo horumarinta mustaqbalkooda aqooneed.

Jaamacaddu waxay uga mahadcelinaysaa dhammaan ardaydii ka qaybqaadatay munaasabadda, iyadoo rajaynaysa in fursaddan ay horseed u noqoto guulo waxbarasho iyo mustaqbal wanaagsan.

Galabta waxaa Jaamacadda Daha Faraca Kismaayo ka qabsoomay xaflad si gaar ah loogu dhiirrigelinayo ardayda, taas oo hal-...
15/09/2026

Galabta waxaa Jaamacadda Daha Faraca Kismaayo ka qabsoomay xaflad si gaar ah loogu dhiirrigelinayo ardayda, taas oo hal-ku-dhiggeedu ahaa “Tijaabi Nasiibkaaga oo Ku Guulayso Deeq Waxbarasho (Scholarship)”.

Barnaamijkan waxaa loo qabtay 200 oo arday, waxaana loogu talagalay in uu socdo muddo laba maalmood ah, iyadoo ardayda la siinayo fursad ay ku tijaabiyaan nasiibkooda, kuna kasbadaan fursado waxbarasho oo wax weyn ka tari kara mustaqbalkooda.

Xafladdu waxay xambaarsanayd himilo iyo hiigsi iyadoo Jaamacaddu mar kale muujisay dadaalkeeda ku aaddan kobcinta aqoonta iyo abuuridda fursado waxbarasho oo ay ka faa’iidaystaan jiilka soo kacaya.

14/09/2026

Jaamacaddu waxaa ay qabanaysaa barnaamijga tijaabi nasiibkaaga oo hel deeq waxbarasho oo dhamaystiran.









FURSAD DEEQ WAXBARASHOMararka qaar rabitaanka waxbarashadu wuu weyn yahay riyaduna way jirtaa balse duruufo dhaqaale aya...
09/09/2026

FURSAD DEEQ WAXBARASHO
Mararka qaar rabitaanka waxbarashadu wuu weyn yahay riyaduna way jirtaa balse duruufo dhaqaale ayaa ardayga ku qasbi kara inuu hakiyo waxbarashadiisa.
Si ay ardayda reer Kismaayo ugu fududeyno helitaanka fursad waxbarasho Daha International University – Kismayo Campus waxay bixinaysaa 200 FURSADOOD OO DEEQ WAXBARASHO AH.
FURSADAHA DEEQDA WAXAY KALA YIHIIN:
1. Full Scholarship – Deeq Waxbarasho Buuxda
2. Half Scholarship – Deeq Waxbarasho Nus ah
3. Discount 30% – Qiimo-dhimis 30%
Arday kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu tijaabiyo nasiibkiisa si uu uga mid noqdo ardayda ku guuleysanaysa mid ka mid ah fursadahan waxbarasho.
HABKA BAKHTIYAANASIIBKA LOO QABANAYO
Fursadaha deeqaha waxbarasho waxaa si toos ah loogu soo bandhigi doonaa ardayda hortooda, si loo helo hannaan furan, hufan oo caddaalad ah iyadoo arday kasta uu ardayda hortooda uu ku heli karo fursad uu ku tijaabiyo nasiibkiisa.
GOORTA: 15-16 SEP 2026
GOOBTA: Hoolka jaamacadda Daha- kismayo campus

Ma xiisaynaysaa maamulka, siyaasadda, culuumta bulshada, horumarinta, hoggaaminta ama xiriirka bulshada iyo warbaahinta?...
28/08/2026

Ma xiisaynaysaa maamulka, siyaasadda, culuumta bulshada, horumarinta, hoggaaminta ama xiriirka bulshada iyo warbaahinta? Haddaba, Kulliyadda Fanka iyo Culuumta Bulshada (Faculty of Arts & Social Science) ee Daha International University – Kismayo Campus ayaa kuu diyaarsan.

Kulliyaddani waxay ku siinaysaa aqoon iyo xirfado muhiim u ah maamulka, siyaasadda, bulshada, horumarinta, hoggaaminta iyo warbaahinta, si aad ugu diyaar garowdo mustaqbal aqooneed iyo xirfadeed.

Barnaamijyada Bachelor-ka:

1️⃣ Bachelor of Public Administration
2️⃣ Bachelor of Political Science
3️⃣ Bachelor of Social Science
4️⃣ Bachelor of Development Studies
5️⃣ Bachelor of Leadership & Good Governance
6️⃣ Bachelor of Public Relations & Media Management

Haddii aad hiigsanayso inaad noqoto maamule, siyaasi, hoggaamiye, khabiir horumarineed ama xirfadle ku takhasusay Xiriirka Bulshada iyo Warbaahinta, fursaddaada waxaad ka heli kartaa Kulliyadda Fanka iyo Culuumta Bulshada ee Daha International University.

La xiriir Xafiiska Qaabilaadda (Admission Office) si aad u hesho macluumaad dheeraad ah iyo habka is-diiwaangelinta.

Ma xiisaynaysaa Shareecada Islaamka, Culuumta Islaamka ama Sharciga? Haddaba, Kulliyadda Shareecada iyo Sharciga (Facult...
27/08/2026

Ma xiisaynaysaa Shareecada Islaamka, Culuumta Islaamka ama Sharciga? Haddaba, Kulliyadda Shareecada iyo Sharciga (Faculty of Sharia & Law) ee Daha International University – Kismayo Campus ayaa kuu diyaarsan.

Kulliyaddani waxay ku siinaysaa aqoon, faham iyo xirfado muhiim ah oo ku saabsan shareecada, fiqiga, qawaaniinta iyo culuumta Qur’aanka, si aad ugu diyaar garowdo mustaqbal aqooneed iyo xirfadeed.

Qaybaha Waxbarashada:

1️⃣ Qaybta Shareecada iyo Sharciga
2️⃣ Qaybta Fiqiga iyo Usuulihiisa
3️⃣ Qaybta Qur’aanka iyo Culuumtiisa

Haddii aad hiigsanayso inaad noqoto aqoonyahan, macallin, cilmi-baare ama xirfadle ku takhasusay Shareecada iyo Sharciga, fursaddaada waxaad ka heli kartaa Kulliyadda Shareecada iyo Sharciga ee Daha International University.

Admission-ka Academic Year 2026–2027 waa furan yahay.

Daha International University – Kismayo Campus

La xiriir Xafiiska Qaabilaadda (Admission Office) si aad u hesho macluumaad dheeraad ah iyo habka is-diiwaangelinta.

Kulliyadda Waxbarashada (Faculty of Education) ee Daha International University – Kismayo Campus waxay kuu diyaarisay ba...
26/08/2026

Kulliyadda Waxbarashada (Faculty of Education) ee Daha International University – Kismayo Campus waxay kuu diyaarisay barnaamijyo Bachelor ah oo ku dhisan aqoon, xirfad iyo faham qoto dheer oo ku saabsan maaddooyinka kala duwan ee waxbarashada.

Haddii aad xiisaynayso xisaabta, cilmiga sayniska, luqadaha, taariikhda, juqraafiyadda ama culuumta Islaamka Kulliyadda Waxbarashadu waxay kuu hayaa fursad aad ku dhisato mustaqbalkaaga aqooneed iyo xirfadeed.

takhasusay ay ku hayso waxaa ka mid ah:

1️⃣ Bachelor of Mathematics & Physics
2️⃣ Bachelor of Geography & History
3️⃣ Bachelor of Biology & Chemistry
4️⃣ Bachelor of Arabic Language & Literature
5️⃣ Bachelor of English Language & Literature
6️⃣ Bachelor of Islamic Studies

Haddii aad hiigsanayso inaad noqoto macallin xirfad leh, aqoonyahan ama khabiir ku takhasusay mid ka mid ah maaddooyinkan, fursaddaadu waxay ka bilaaban kartaa Kulliyadda Waxbarashada ee Daha International University.

La xiriir Xafiiska Qaabilaadda (Admission Office) si aad u hesho macluumaad dheeraad ah iyo habka is-diiwaangelinta.

ISDIIWAANGELINTA SANNA DARAASADEEDKA 2026–2027 WAA FURAN TAHAY!Ma tahay arday dhammeeyey dugsiga sare oo raadinaya jaama...
24/08/2026

ISDIIWAANGELINTA SANNA DARAASADEEDKA 2026–2027 WAA FURAN TAHAY!

Ma tahay arday dhammeeyey dugsiga sare oo raadinaya jaamacad iyo takhasus kuu horseeda aqoon, xirfad iyo mustaqbal wanaagsan?

Daha International University – Kismayo Campus waxay kuu soo bandhigaysaa fursad aad ku dooran karto takhasusyo kala duwan oo ka tirsan Kulliyadda Caafimaadka & Culuumta Caafimaadka (Faculty of Medicine & Health Science).

Takhasusyada la heli karo waxaa ka mid ah:

1️⃣ Bachelor of Medicine & Surgery
2️⃣ Bachelor of Medical Laboratory Science
3️⃣ Bachelor of General Nursing
4️⃣ Bachelor of Midwifery
5️⃣ Bachelor of Public Health
6️⃣ Bachelor of Nutrition & Dietetics
7️⃣ Bachelor of Clinical Medicine

Dooro takhasuska ku habboon hamigaaga, kuna bilow maanta safarkaaga aqooneed iyo xirfadeed.

📢 Diiwaangelintu waa furan tahay!

Si aad u hesho xog dheeraad ah ama aad isaga diiwaangeliso, fadlan booqo:
🏛️ Daha International University – Kismayo Campus
WhatsApp number: 61 1412333


-Aargo


Address

Kismayo

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:00
Tuesday 07:00 - 17:00
Wednesday 07:00 - 17:00
Thursday 07:00 - 17:00
Friday 07:00 - 17:00
Saturday 07:00 - 17:00
Sunday 07:00 - 17:00

Telephone

+252615861704

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jaamacadda Daha Faraca Kismaayo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Jaamacadda Daha Faraca Kismaayo:

Shortcuts

Share