Jaamacadda Daha Faraca Kismaayo

Jaamacadda Daha Faraca Kismaayo Official page for DAHA International University Kismayo Campus is a non-profit, non-governmental educational institution. More info diu.edu.so.

Waxaa xarunta jaamacadda si toos ah uga socda diiwaangalinta ardeyda cusub ee sanad dugsiyeedka 2026-2027
18/08/2026

Waxaa xarunta jaamacadda si toos ah uga socda diiwaangalinta ardeyda cusub ee sanad dugsiyeedka 2026-2027

Hambalyo dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleystay Imtixaanka Qaranka, gaar ahaan 3-da arday ee ugu sarreeya Jubbal...
15/08/2026

Hambalyo dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleystay Imtixaanka Qaranka, gaar ahaan 3-da arday ee ugu sarreeya Jubbaland, kuwaas oo sharaf weyn u soo hoyay Jubbaland, kana mid noqday 10-ka arday ee ugu sarreeya dalka.

Guushan waa mid ka dhalatay dadaal, adkaysi iyo karti, waxayna tusaale dhiirrigelin leh u tahay dhammaan ardayda Soomaaliyeed.

Waxaan idiin rajaynaynaa mustaqbal ifaya, guulo badan iyo waxbarasho heer sare ah.

๐ŸŽ‰๐๐€๐“๐ˆ๐‰๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐ˆ๐Œ๐“๐€๐—๐€๐€๐๐Š๐€ ๐Š๐€๐Œ๐€๐ƒ๐€๐Œ๐๐„๐˜๐’๐Š๐€ ๐–๐€๐€ ๐ƒ๐ˆ๐˜๐€๐€๐‘!๐ŸŽ“Jaamacadda Caalamiga Daha FARACA KISMAYO  waxey si farxad leh ugu warg...
13/08/2026

๐ŸŽ‰๐๐€๐“๐ˆ๐‰๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐ˆ๐Œ๐“๐€๐—๐€๐€๐๐Š๐€ ๐Š๐€๐Œ๐€๐ƒ๐€๐Œ๐๐„๐˜๐’๐Š๐€ ๐–๐€๐€ ๐ƒ๐ˆ๐˜๐€๐€๐‘!๐ŸŽ“

Jaamacadda Caalamiga Daha FARACA KISMAYO waxey si farxad leh ugu wargelinaysaa dhammaan ardayda in dhibcihii imtixaanka kamadambeyska (๐…๐ข๐ง๐š๐ฅ ๐„๐ฑ๐š๐ฆ ๐‘๐ž๐ฌ๐ฎ๐ฅ๐ญ๐ฌ) hadda diyaar yihiin.

Ardayda waxaa lagu dhiirigelinayaa inay galaan ๐’๐ญ๐ฎ๐๐ž๐ง๐ญ๐ฌ ๐๐จ๐ซ๐ญ๐š๐ฅ-๐ค๐š si ay u hubiyaan natiijooyinkooda si fudud oo degdeg ah.

๐Ÿ“ฑ Ka hubi hadda Student portalaaga: https://db.diu.edu.so/Portal/
Waxaan idiin rajeyneynaa horumar iyo guulo kale oo badan.๐ŸŒŸ

Saxiibkaaga hoos uga yeer!



OGAYSIIS MUHIIM AHJaamacadda Daha Faraca Kismaayo waxay ku wargelinaysaa dhammaan ardayda doonaysa inay sii wataan waxba...
11/08/2026

OGAYSIIS MUHIIM AH

Jaamacadda Daha Faraca Kismaayo waxay ku wargelinaysaa dhammaan ardayda doonaysa inay sii wataan waxbarashadooda sare in Admission-ka sannad-dugsiyeedka 2026โ€“2027 uu hadda furan yahay.

Fursaddaada Aqooneed Ha Seegin
Ku biir Jaamacadda Daha, kuna dhiso mustaqbalkaaga aqoon, xirfad iyo horumar.

Diiwaangelintu way socotaa.

Galabta waxaa si guul ah u qabsoomay tababar muhiim ah oo loo qabtay ardaydii ka qalin-jebisay fasalka 12-aad ee dugsiya...
05/08/2026

Galabta waxaa si guul ah u qabsoomay tababar muhiim ah oo loo qabtay ardaydii ka qalin-jebisay fasalka 12-aad ee dugsiyada sare.

Tababarka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda xirfadaha waxbarasho, diyaarinta ardayda ee heerka jaamacadeed, iyo dhiirrigelinta ardayda si ay u gaaraan guulo waxbarasho iyo horumar mustaqbalka ah.

Barnaamijkan oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Daha Faraca Kismaayo ayaa waxaa casharro iyo talooyin qiimo leh ka jeediyay:

- Ustaad Ibrahim Cabdi Xuseen
- Prof. Ibrahim Faarax Bursaliid
- Prof. Cabdirisaaq Maxamed Xaashi

Ugu dambeyn, ardaydii ka qeyb gashay tababarka ayaa ka faa'iideystay aqoon iyo tilmaamo wax ku ool ah oo ka caawin doona safarkooda waxbarasho, iyagoo uga mahadceliyay Jaamacadda Daha Faraca Kismaayo dadaalka ay ugu jirto horumarinta aqoonta iyo tayeynta ardayda.

MAGACAABIS RECTOR-KA JAAMACADDA DAHA FARACA KISMAAYO. Waxaa si rasmi ah loo magacaabay Mudane Mahad Sheekh Cabdisalaan A...
03/08/2026

MAGACAABIS RECTOR-KA JAAMACADDA DAHA FARACA KISMAAYO.

Waxaa si rasmi ah loo magacaabay Mudane Mahad Sheekh Cabdisalaan Axmed inuu noqdo Rector (Maamulaka guud) ee Jaamacadda Daha Faraca Kismaayo.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada Jaamacaddu ku xoojinayso hoggaanka iyo horumarinta tayada waxbarashada, iyadoo Jaamacadda Daha ay tahay hayโ€™ad waxbarasho sare oo bixisa barnaamijyo kala duwan oo tacliimeed kana howlgasha meelo badan oo dalka ah .

Mudane Mahad Sheekh Cabdisalaan Axmed ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato horumarinta nidaamka waxbarasho, kobcinta cilmi-baarista, iyo sare u qaadista adeegyada ardayda, si Jaamacaddu u gaarto heerar sare oo aqooneed.

Ugu dambeyn, maamulka, macallimiinta iyo ardayda Jaamacadda Daha waxay hambalyo u dirayaan hoggaanka cusub, iyagoo Alle uga baryaya inuu ku asturo xilka culus ee loo igmaday, kana dhigo mid u fudud gudashadiisa.

02/08/2026

Ogaysiis ogaysiis

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardaydii ka qalin bedelatay fasalka 12-aad in maalinta Arbaca, 5-ta bisha, la qaban doono tababar muhiim ah oo ay si wadajir ah u bixin doonaan:

- Ustaad Ibrahim Cabdi Xuseen
- Prof. Ibrahim Faarax Bursaliid
- Prof. Cabdirisaaq Maxamed Xaashi

Barnaamijkan ayaa si gaar ah loogu talagalay ardaydii ka qalin bedelatay fasalka 12-aad, waxaana diiradda lagu saari doonaa kor u qaadidda xirfadaha waxbarasho, iyo dhiirrigelinta ardayda si ay u gaaraan guulo waxbarasho.

Waxaa lagu boorinayaa dhammaan ardayda inay ka soo qayb galaan tababarkan muhiimka ah si ay uga faa'iideystaan aqoonta iyo waayo-aragnimada macallimiinta.

Prof. Ibraahim Faarax Bursaliid ayaa maanta seminaar gaaban oo ku saabsanaaa habka cimibaarista uu ardayga u sameysan ka...
29/07/2026

Prof. Ibraahim Faarax Bursaliid ayaa maanta seminaar gaaban oo ku saabsanaaa habka cimibaarista uu ardayga u sameysan karo inta uu waxbarashada uu ku jito.

29/07/2026

Abdullahi Ali Hassan oo kamid ah Ardayda kuliyadda dhakhaatiirta iyo culuunta caafimaadka ee Jaamacadda Daha - Faraca Kismaayo ayaa ka warbixiyey dareenkiisa farxadeed maalintiisi difaacashada Buugga qalin-jabinta.

Address

Kismayo

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:00
Tuesday 07:00 - 17:00
Wednesday 07:00 - 17:00
Thursday 07:00 - 17:00
Friday 07:00 - 17:00
Saturday 07:00 - 17:00
Sunday 07:00 - 17:00

Telephone

+252615861704

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jaamacadda Daha Faraca Kismaayo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Jaamacadda Daha Faraca Kismaayo:

Shortcuts

Share