Plasma university students union-WJU

Plasma university students union-WJU This is the official page of Plasma University Students Union, Webi Jubba campus in Kismayo.

“Galabta waxaa si guul leh u qabsoomay khudbadjeedinda  musharixiinta  xisbiyada midowga Ardayda Jaamacadda Plasma. Xaru...
27/12/2025

“Galabta waxaa si guul leh u qabsoomay khudbadjeedinda musharixiinta xisbiyada midowga Ardayda Jaamacadda Plasma. Xarunta Webi Jubba”



27/12/2025
27/12/2025

Khudbadjeedintaa Musharixiinta Xisbiyada – Midowga Ardayda
Jaamacadda Plasma | Webi Juba Campus
🗣️ Abdullahi Feysal Siraad – Xisbiga Wadajir
🗣️ Khadro Mohamed Mire – Xisbiga Halgan
📅 27 December 2025
⏰ 3:40 PM
📍 Barxadda Jaamacadda





Guddoomiyaha golaha dhexe, mudane ciise cabdi salad  ayaa magacaabay guddiga dorashada oo ka kooban  saddex guddi oo kal...
31/10/2025

Guddoomiyaha golaha dhexe, mudane ciise cabdi salad ayaa magacaabay guddiga dorashada oo ka kooban saddex guddi oo kala ah:-

1. Guddiga Doorashada
2. Guddiga Protocol-ka
3. Guddiga xalinta khilaafaadka

Si loo dardar galiyo howlaha doorashada guddoonka midowga ardeyda jaamacadda plasma faraceeda webi jubba.

24/08/2025

Hambalyo hambalyo
Dhammaan ardayda fasalka 12 ee ka gudubtay imtixaanka Qaranka ee dugsiga sare sanad dugsiyeedka 2024-2025


Jaamacadda Plasma Xarunta Webi Jubba waxa ay qabanaysaa tababar ku saabsan doorashada takhasuska jaamacadeed kaas oo loo...
07/08/2025

Jaamacadda Plasma Xarunta Webi Jubba waxa ay qabanaysaa tababar ku saabsan doorashada takhasuska jaamacadeed kaas oo loo qorsheeyay ardayda sanadkan dhamaysay waxbarashada dugsiga sare kuna guda jirta diyaar garowga bilaabista waxbarashada jaamacadeed.

Tababarku wuxuu ka dhacayaa:
📍 Hoolka Jaamacadda
🗓️ Galabnimada Axadda, 10-ka August 2025
🕞 Saacadda: 3:30 galabnimo.

Waxaa inoo idlaaday tartanka kubadda cagta ee lagu maamuusayo sanad-guurada 20-aad ee ka soo wareegatay xilligii la aas ...
16/05/2025

Waxaa inoo idlaaday tartanka kubadda cagta ee lagu maamuusayo sanad-guurada 20-aad ee ka soo wareegatay xilligii la aas aasay Jaamacadda Plasma.

Tartankaan oo ay isku arkeen dhamaan kooxaha kala duwan ee kuliyadaha Jaamacaddda ayaa waxaa ciyaarta k**a dambaysta ah iskugu soo haray kuliyadaha kale ah Information Technology lyo Caafımaadka waxeyna ciyaartu ku soo dhamaatay 4:2 halkaas oo ay guushuna ku raacdey kuliyadda caafımaadka.



15/05/2025

TARTANKA KUBADDA CAGTA EE LAGU MAAMUUSAYO SANAD-GUURADA 20,AAD EE KASO WAREEGATAY XILLIGII LA AASASAY JAMACADDA PLASMA.

Waxaa gebi ahaanba soo idlaaday tartankii kubadda cagta ee lagu maamusaye sanad-guuradi 20,Aad Ee kaso wareegtay xilligii la Aasasay jamacadda plasma kaas oo soo socday muddo hal isbuuc ah ayaa waxaa galabta ciyaarta k**a dambeysta ah wada ciyaaray kulliyadda Information Technology iyo kulliyadda Health Sciences.

Tartanka oo ujeedkiisu ahaa sare u qaadida isdhexgalka iyo wada shaqeynta ardeyda jaamacadda Plasma ayaa waxaa ka qaybgalay 6 kulliyadood waxaana ku guuleysatay kulliyadda Health Sciences oo qaaday koobka tartanka kubadda cagta ee kulliyadaha.🏆🏅

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan ardeyda jaamacadda oo si mug iyo miisaan leh ugu qeyb qaatay tartankan, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa ciyaartoydii soo bandhigay ciyaar wanaagga muujiyeyna akhlaaqda iyo dulqaadka intii uu socday tartanka.

Waxaan mahad ballaaran u celinaynaa Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda Plasma oo uu ugu horeeyo Eng. Mohamed Abdi Jama oo door libaax iyo libin leh ka qaatay taabagalinta iyo talabixinta tartanka ayna adkaan laheyd in tartanku la’aantooda qabsamo.

Sidoo kale waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinaynaa howl-wadeenada garoonka iyo Garsoorihii tartanka inoo dhex-dhexaadinaayey inta uu tartanka socday.

Ugu dambeyn waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Agaasimaha waaxda Tacliinta sare ee Wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare mudane Mohamed Dayib Mohamed oo nagala soo qaybgalay xiritaanka tartanka iyo abaalmarinta guuleystayaasha.

MAHADSANIDIIN DHAMMAANTIIN.
.................... DHAMMAAD.......................

CIYAARTA K**A DAMBEYSTA AH.Waxaa Berri la ciyaari doonaa ciyaarta k**a dambeysta ah (final) ee lagu maamuusayo sanad-guu...
14/05/2025

CIYAARTA K**A DAMBEYSTA AH.

Waxaa Berri la ciyaari doonaa ciyaarta k**a dambeysta ah (final) ee lagu maamuusayo sanad-guurada 20-aad ee ka soo wareegatay xilligii la aas aasay Jaamacadda Plasma, waxaana wada ciyaari doono kulliyadda INFORMATION TECHNOLOGY iyo kulliyadda HEALTH SCIENCE.

Kulliyaddii guuleysata ayaa qaadi doonto koobka tartanka kubadda cagta ee kulliyadaha sanadka 2025.





Plasma University -Kismayo Compus.

Tartanka kubadda cagta ee lagu maamuusayo sanad-guurada 20-aad ee ka soo wareegatay xilligii la aas aasay Jaamacadda Pla...
13/05/2025

Tartanka kubadda cagta ee lagu maamuusayo sanad-guurada 20-aad ee ka soo wareegatay xilligii la aas aasay Jaamacadda Plasma.

Waxaa kulanka galabta wada ciyaaray kulliyadda Health Sceince iyo kulliyadda Agriculture.





Plasma University -Kismayo Compus

NATIIJADA CIYAARTII GALABTA.Natiijada Ciyaartii u dhaxaysay kulliyadda Cafimaadka iyo kulliyadda Beeraha ayaa kusoo idla...
13/05/2025

NATIIJADA CIYAARTII GALABTA.

Natiijada Ciyaartii u dhaxaysay kulliyadda Cafimaadka iyo kulliyadda Beeraha ayaa kusoo idlaatay 3-2, waxay guusha ku raacday kulliyadda Cafimaadka.



.

Address

Caymiska, Farjano
Kismayo
252

Telephone

+252610666991

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Plasma university students union-WJU posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Plasma university students union-WJU:

Share