Midowga Ardayda Jaamacadda Daha - Faraca Kismaayo

Midowga Ardayda Jaamacadda Daha - Faraca Kismaayo Waa bogga rasmiga ah ee midawga ardayda jaamacadda daha faraca kismayo

22/04/2026

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Daha - Faraca Kismaayo ayaa Daahir Dhicis Cabdullaahi u magacaabay guddoomiyaha ardayda kulliyadda Caafimaadka.

22/04/2026
Midowga Ardayda Jaamacadda Daha– Faraca Kismaayo,waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ummadda islaamka gaar a...
19/03/2026

Midowga Ardayda Jaamacadda Daha– Faraca Kismaayo,
waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ummadda islaamka gaar ahaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Ilaahay ha naga aqbalo soonkii, salaaddii iyo camalkii wanaagsanaa ee aynu soo gudannay bisha barakeysan ee Ramadaan.
🌙 Bilashada bisha Shawaal ha noqoto mid kheyr iyo nabad ku bilaabata,
kana dhigta sanad barwaaqo iyo horumar leh.
Aynu sii xoojino midnimada, is-caawinta iyo walaaltinimada.
Eid Mubarak! Ciid Wanaagsan.

Ogaysiis Muhiim ah.Midowga Ardayda Jaamacadda DAHA wuxuu bilaabay Barnaamijka Taakulaynta Abaaraha si loo caawiyo walaal...
27/02/2026

Ogaysiis Muhiim ah.

Midowga Ardayda Jaamacadda DAHA wuxuu bilaabay Barnaamijka Taakulaynta Abaaraha si loo caawiyo walaalaheen ay saameeysay abaartu.

Qof kasta oo awood u leh inuu ka qayb qaato gurmadkan khayriga ah, waxaa laga codsanayaa inuu kaalin muuqata ka qaato. Wax yar oo aynu bixino maanta waxay badbaado iyo rajo u noqon kartaa qoysas badan.

Fadlan aan muujinno midnimo iyo walaalnimo.
MAHADSANIDIIN.

Guddiga Midowga Ardayda ee Jaamacadda Daha Faraca Kismaayo oo uu hoggaaminayey Guddoomiye Cabdiqafaar Cumar Cali ayaa ol...
17/02/2026

Guddiga Midowga Ardayda ee Jaamacadda Daha Faraca Kismaayo oo uu hoggaaminayey Guddoomiye Cabdiqafaar Cumar Cali ayaa olole nadaafadeed ka fuliyey xarunta jaamacadda.
Ujeeddada ololaha ayaa ahayd kor u qaadidda nadaafadda iyo bilicda jaamacadda si loo helo jawi waxbarasho oo habboon. Ardayda iyo guddiguba waxay si wadajir ah u nadiifiyeen fasallada iyo goobaha muhiimka ah.
Guddoomiyuhu wuxuu ku boorriyey ardayda in ay si joogto ah u ilaaliyaan nadaafadda, isagoo xusay in nadaafaddu ay muhiim u tahay caafimaadka iyo anshaxa. Waxa uu sidoo kale cadeeyey in guddigu sii wadi doono dadaallada noocan ah si loo xoojiyo wadajirka iyo mas’uuliyadda ardayda.

Barri waxaa xarunta jaamacadda inooga qabsoomaya barnaamij muhiim ah kaas oo uu soo agaasimay midowga ardeyda.Dhammaan a...
02/02/2026

Barri waxaa xarunta jaamacadda inooga qabsoomaya barnaamij muhiim ah kaas oo uu soo agaasimay midowga ardeyda.

Dhammaan ardeyda waxaa lagu wargalinayaa iney barnaamijkaas imaadaan kana faa'ideystaan.
Barnaamijka waxaa soo jeedinaya Ustaad Cabdifataax Qaasim oo magaalada marti ku ah waana salaadda duhur kadib iyo Hooka jaamacadda.

Address

Kismayo

Telephone

+252614100170

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Midowga Ardayda Jaamacadda Daha - Faraca Kismaayo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Midowga Ardayda Jaamacadda Daha - Faraca Kismaayo:

Share