28/07/2026
Jaamacadda Kismaayo waxa ay soo dhaweysay Dr. Dennis Matanda, oo ah Cilmi-baare Sare oo ka socda Population Council (Kenya), booqasho shaqo oo laba maalmood ah, 28–29 Luulyo 2026.
Booqashadan waxa ay qayb ka tahay iskaashiga socda ee u dhexeeya Jaamacadda Kismaayo, Population Council, iyo Jaamacado dhowr ah oo ka howlgala Bariga Afrika iyadoo Barnaamijkan Cilmi-baarista Wadajirka ah (JARP) ay taageereyso hayadda GIZ isla markaana ay maal-galisay Wasaaradda Federaalka Jarmalka ee Iskaashiga Dhaqaale iyo Horumarinta (BMZ). Ujeedka iskaashiga ayaa ah in Jaamacaduhu sameyaan nooc cilmibaaris ah oo loo yaqaan “Action Research” taas oo lagu sameynayo howlgal socdo si loola xaliyo caqabada uu howlalkaas wajahayo.
Inta ay booqashadu socoto, Dr. Matanda iyo xafiiska cilmibaarista Jaamacadda waxa uu dib u eegis ku sameeyn doonaan qorshaha cilmi-baarista, nidaamka xog-uruurinta, iyo hab-maamulka xogta ee cilmi-baarista lagu sameynayo mashruuca Rajokaabo ee Jaamacadda Kismaayo la fulineyso Wasaaradda Waxbarashada, gaar ahaan mowduuca cilmibaarista ee ah: "Siyaabaha sare loogu qaadi karo Soo-Xaadiridda Duruusta iyo Guud ahaan Waxbarashada Ardayda Dheddigga ee Barnaamijka Waxbarashada Sare ee Gabdhaha ee lagu magacaabo Rajo Kaaba, Jubbaland.”
Jaamacadda Kismaayo waxaa ka go’an in ay dadaal ku bixiso sidii loo xoojin lahaa cilmibaarista isla markaana la isaga kaashan lahaa horumarinta waxbarashada iyo sare u qaadida aqoonta iyo xirfadaha macalimmiinteeda iyo ardaydeeda intaba.