28/09/2026
Soo Dhaweynta Ardayda Semesterka 1aad iyo Xil Kala Wareejinta
Waxaa Jaamacadda Kismaayo lagu qabtay munaasabad lagu soo dhaweynayay ardayda cusub ee Semesterka 1aad ee Kulliyadaha Information Technology and Computer Science iyo Engineering.
Sidoo kale, munaasabadda waxaa lagu qabtay xil kala wareejinta Guddoomiyaha Kulliyadda IT,iyadoo Guddoomiyihii h**e, Aden Iise Ali, uu xilka ku wareejiyay Guddoomiyaha cusub, Aaden Gulled Ibrahim.
Munaasabadda waxaa goob-joog ahaa Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Kismaayo, Nimcaan Weli Ali, iyo Deanka Kulliyadda, Ustaad Mohammed Sakhaawe.
Waxaan si gaar ah u soo dhaweynaynaa ardayda cusub, waxaana u rajaynaynaa guul, dadaal iyo horumar waxbarasho. Sidoo kale, waxaan Guddoomiyaha cusub u rajaynaynaa inuu si wanaagsan u guto masuuliyadda loo igmaday.