02/04/2022
Dakhliga iyo kharashaadka dawladda federalka Somaliya sannadkii 2020
Dakhliga .
Dakhliga guud ahaan soo galay dawladda Federaalka Soomaaliaya sannadkii 2020 waa 494$ milyan .kaas oo ka soo galay laba meelood oo kala ah
1) Deeqaha
2 ) Cashuurta.
Deeqaha
Soomaaliya waxay heshay sannadkii 2020 lacago deeq oo gaadhaysa 286$ 00 milyan oo u dhiganta 58% dakhligeeda guud. Deeqdaas waxa ay ka kala heshay :
Bangiga adduunka 181$ milyan oo u dhiganta 63%
Midowdiga Yurub 58.3$ milyan oo u dhiganta 20%
Bangiga Horumarinta Afrika 27.7$ milyan oo u dhiganta 9.7%
Turkiga 15$ milyan oo u dhiganta 5.3%
Qaramada midoobay 2.4$ milyan oo u dhiganta 0.87%
Ururka waxbarashada caalamiga 1.43$ oo u dhiganta 0.5%
2 : Cashuurta
Dakhliga cashuurta ka soo xarooday sannadkii 2020 guud ahaan waa 208$ milyan oo u dhigma 42% guud ahaan dakhliga .
Sannadkii 2o2o dakhliga waaxda cashuurta ka soo xarooday aad buu u yaraa sababta oo ah waxa saameeyey xanuunka safmareenka ah ee COVID-19 , kaasoo keenay in xarumihii ganacsigu is xidho .
KHarashaad.
Kharashaadka baxay sannadii 2020 waxa aynnu u qaybinaynaa afar waaxoood oo waaweyn oo kala ah :
1) Maamulka guud
Maamulka guud waxaa ku baxay kharashaad gaadhaya 236$ milyan oo u dhigma 48% . Maamulka guud waxaa ka mid ah xubnaha baarlamaanka , xafiiska madaxtooyada , xafiiska Ra’iisulwasaaraha , ciidanka asluubta , safaaradaha , wasaaradda maaliyadda wasaaradda arrimaha gudaha ,iyo wasaaraddda arrimaha dibedda .
2) Difaaca amniga
Difaaca amniga waxaa ku baxay kharashaad dhan 145$ milyan oo u dhigma 29% kharashaadkaas oo iskugu jira mushaharka ciidamada qaybahooda kala duwan .
Bulshada
Bulshada qayba heeda kala duwan waxaa ku baxay kharashaad dhan 81$milyan oo u dhigma 17% . kharashaadk bulshada ku baxay waxaa ka mid ah
Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada 41$ milyan
Wasaaradda waxbarashada 9.72$ milyan
Jaamacadda umadda 6.48$ milyan
Wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada 0.5$ milyan
Dhaqaalaha
Dhaqaalaha waxaa ku baxay kharashaad dhan 32$ milyan oo u dhiganta 6.5%
Kharashaadkaas oo ku kala baxay :
Wasaaradda warfaafinta 4.16$
Hay’adda saadaasha iyo duulista hawada 7$ milyan
Wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska 6.4$ milyan .
Tixraac:
Bogga wasaaradda maaliyada DFS
Dakhliga iyo kharashaadka sannadkii 2020

https://mof.gov.so/fiscal/REVexplorer.html.
Qore : Maxamed Cali Cabdilaahi