22/08/2022
**********Mihiimadda Siyaasadda******
Siyaasaddu waa aasaaska nolosha. Markasta & meelkasta oo ay nololi ka jirto waa ay ka jirtaa. Bini-aadmigu waa noole bulshaawi ah. Ma noolaan karo qofku keligiis haddii aanu bulsho ku dhex jirin. Waxa lama huraan ah in nolosha bulshadu ay noqoto nolol deganaansho dhaqaale, ammaan, farxad & kala dambayn leh. Bilowga nolosha siyaasiga ah waa siyaasadda dhaqanka. Siyaasadda dhaqanku iyada ayaa ugu fac-weyn uguna wanaagsan maadaama oo ay tahay mid aad ugu dhow nolosha bulshada. Waa sababta ay waddamada galbeedku qayb ahaan ugu sii dheggan yihiin siyaasadda dhaqanka. Waxa tusaale inoogu filan dalka ingiriiska oo kuraaska aqalka odayada (house of lords) ay xubnaha qaarkood dhaxal ku soo galaan. Waa arrin mihiima in bulsho kastaa yeelato dhaqan siyaasadeed oo iyada u gaar dhaqankaas siyaasiga ah oo ay iskaga soocdo bulshooyinka kale ee ay deriska yihiin. Dadkeenu waxa ay dhaqan siyaasadeed u leeyihiin xeer hoosaadyo ku qottoma dhaqan asal adag oo gaamurey dadkana ugu adeegi kara sida ugu fudud uguna macquulsan ee ay noloshoodu la qabsan karto. Markasta oo bulshadu ay ka jeesato arrimaha siyaasadda waxa meesha ka baxa nolosha mihiimadeeda. Waxa bulshooyinka siyaasadda dayacaa ay noqdaan dad aan dhaqaale lahayn, dhul lahayn sida oo kalena ka dambeeya dadka kale ee siyaasadda leh dhankasta oo arimaha bulshada ah. Bulshooyinka dunida koowaad ee awooda badan waxa ay aad ugu dedaalaan/een sidii siyaasadoodu u saldhigan lahayd, waxa ay tijaabiyeen qaabab kala duwan oo maamul & fikrado aan markii h**e u muuqan in ay suuragal yihiin. Waa mihiim in bulshadu ay ku dhiirrato in ay siyaasaddeeda jihhayso. Waa daruuri in ay bulshadu fahanto in markasta oo meesha go’aanka siyaasadda lagu goynayaa ay ka fogtahay deegaankooda in ay adag tahay in uu horumar ka soo gaadho dhulkooda. Waa lama huraan in ay bulshadu fahamto in dhamaan arrimaha bulshada ay lagama maarmaan u tahay siyaasad fadhida oo ka turjumeysa rabbitaanka dadka deegaankaas ku nool.
La soco qaybaha dambe.