22/08/2026
Xil-Magacaabis:
Maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ka Agoosto 2026, waxaan magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda Sahal ee Laascaanood.
Magacaabistan waxay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo hoggaanka, maamulka iyo horumarinta Jaamacadda, si kor loogu qaado tayada waxbarashada iyo adeegga ay u hayso ardayda iyo bulshada.
Waxaan Guddoomiye Ku-xigeenka cusub u rajaynayaa guul, karti iyo hufnaan gudashada masuuliyadda loo igmaday. Waxaan sidoo kale rajaynayaa inuu aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa uga faaβiideeyo horumarka Jaamacadda, isla markaana uu si dhow ula shaqeeyo maamulka, macallimiinta, shaqaalaha iyo ardayda.
Masuuliyaddu waa amaano, hoggaankuna waa adeeg.
Alle ha u fududeeyo xilka iyo waajibaadka loo igmaday, hana ka dhigo mid miro wanaagsan u dhala Jaamacadda Sahal iyo bulshada ay u adeegto.
Hambalyo, hana kuu noqoto xil lagu guulaysto.
Gudoomiyaha Guud Jaamacada Sahal
Eng Mohamed Jama Sahal