Bédér awil abdullahi

Bédér awil abdullahi IsxasuusinTa wixii wanaagsaniba waa muhim

GEELA Geelu wuxuu awood u leeyahay inuu cabbo biyaha badda ee  cusbadu ku badan tahay, jirkiisana waxba uma dhimayso sab...
30/10/2022

GEELA

Geelu wuxuu awood u leeyahay inuu cabbo biyaha badda ee cusbadu ku badan tahay, jirkiisana waxba uma dhimayso sababtoo ah kelyihiisa ayaa awood u leh inay biyaha sifeeyaan oo cusbada ka saaraan, kadib ayuu jirkiisu isticmaalaa biyihii oo saafi ah.

Geelu wuxuu awoodi karaa inuu qodaxda cuno sababtoo ah dheecaanka afkiisa ayaa waxaa ku jira aysiidh burburin karta qodaxda oo ka dhigaysa wax jilicsan, reer baadiyuhu markay qodaxi muddo waxay marin jireen dhareerka geela markaas ayey qodoxdii oo jilicsan ka soo bixi jirtay jirkooda.

Geela indhihiisa waxaa ku daboolan laba lakab oo baalal ah, mid maqaar ah iyo mid jilicsan oo muraayad oo kale ah, marka uu geelu maraayo dhulka saxaraha ah ee dabaysha badan labadiisa indhood waxaa ku daboolma xuub muraayad oo kale ah oo ciidda iyo dabaysha ka celiya. Isla markaana u sahli kara inuu wax ku arko.

Geelu wuxuu awood u leeyahay inuu heerkulka jirkiisa kor u qaado marka uu joogo meel aad u qabow, sidoo kale heerkulka jirkiisa ayuu hoos u dhigi karaa markuu joogo meel aad u kulul.

Geelu wuxuu muddo badan joogi karaa biyo iyo baad la'aan, kuruska ayuu ku keydsadan karaa tamar uu ku noolaan karo muddo bil ku dhow.

Caanaha geelu waxay leeyihiin faa'idooyin badan oo cilmi baaris lagu ogaaday inay jirka bani'aadamka wax badan u taraan.

Caanaha geelu waxay la dagaalamaan kansarka caloosha, Waxay hoos u dhigaan dhiig karka, waxay daaweeyaan cudurka macaanka ama sonkorta, sidoo kale caanaha geelu waxay daaweeyaan cudurada ku dhaca beerka.

{ أَفَلَا يَنْظُرُونَ إِلَى الْإِبِلِ كَيْفَ خُلِقَتْ }

•  FADLIGA MAALINTA JIMCAHA.Jumcaha waa Maalin Fadli badan waayo waa Ciidda Muslimiinta, waa Maalin ay Muslimiintu ku Ku...
27/10/2022

• FADLIGA MAALINTA JIMCAHA.

Jumcaha waa Maalin Fadli badan waayo waa Ciidda Muslimiinta, waa Maalin ay Muslimiintu ku Kulmaan Masaajidka iyagoo ka kala yimi meelo kala Fog, si ay u Dhagaystaan Xuska Alle iyo Wacdiga Imaamka.

Qofka Muslimka ah haduusan Dhageysan Wacdi Muddo Dheer Qalbigaa Mirira, marka Xigana ka Awdma (ka Xirma) Kheyrka, Nabiga CSW, wuxuu yiri:-

{ ﻟَﻴَﻨْﺘَﻬِﻴَﻦَّ ﺃَﻗْﻮَﺍﻡٌ ﻋَﻦْ ﻭَﺩْﻋِﻬِﻢْ ﺍﻟْﺠُﻤُﻌَﺎﺕِ ﺃَﻭْ ﻟَﻴَﺨْﺘِﻤَﻦَّ ﺍﻟﻠَّﻪُ ﻋَﻠَﻰ ﻗُﻠُﻮﺑِﻬِﻢْ ﺛُﻢَّ ﻟَﻴَﻜُﻮﻧُﻦَّ ﻣِﻦْ ﺍﻟْﻐَﺎﻓِﻠِﻴﻦَ } ﺭﻭﺍﻩ ﻣﺴﻠﻢ

Ragga haddii eeyan ka joogin ka Tegidda ay ka Tegayaan Salaadaha Jimcooyinka Ilaahay wuxuu ka Dabooli doonaa Quluubta, ka dibna waxay noqonayaan kuwo Kheyrka Hilmaansan.

Jimcadu waxay ka mid tahay Xilliyada Samaddu Furan tahay oo hadduu Addoonku Ducaysto Ilaahay SW, ka Aqbalaayo Ducada Nabiga CSW, wuxuu yiri:-

ﺧَﻴْﺮُ ﻳَﻮْﻡٍ ﻃَﻠَﻌَﺖْ ﻓِﻴﻪِ ﺍﻟﺸَّﻤْﺲُ ﻳَﻮْﻡُ ﺍﻟْﺠُﻤُﻌَﺔِ ﻓِﻴﻪِ ﺧُﻠِﻖَ ﺁﺩَﻡُ ﻭَﻓِﻴﻪِ ﺃُﺩْﺧِﻞَ ﺍﻟْﺠَﻨَّﺔَ ﻭَﻓِﻴﻪِ ﺃُﺧْﺮِﺝَ ﻣِﻨْﻬَﺎ ﻭَﻟَﺎ ﺗَﻘُﻮﻡُ ﺍﻟﺴَّﺎﻋَﺔُ ﺇِﻟَّﺎ ﻓِﻲ ﻳَﻮْﻡِ ﺍﻟْﺠُﻤُﻌَﺔِ . ( ﺭﻭﺍﻩ ﺍﻟﺘﺮﻣﺬﻱ

Maalin ay qorraxi usoo baxdo waxaa u Kheyr badan Maalinta Jimce, waayo waa Maalintii la Abuuray Nabi Aadam, waana maalinta jannada la geliyay, waana Maalintii Xageeda laga soo bixiyay, Qiyaamaduna Dhici mayso Maalin aan Jimco aheyn.

Sidaa awgeed Allaah SW, wuxuu noo dardaarmay in loo degdego salaadda jimce marka laysugu yeero wuxuuna yiri:-

( ﻳَﺎ ﺃَﻳُّﻬَﺎ ﺍﻟَّﺬِﻳﻦَ ﺁﻣَﻨُﻮﺍ ﺇِﺫَﺍ ﻧُﻮﺩِﻱ ﻟِﻠﺼَّﻼﺓِ ﻣِﻦ ﻳَﻮْﻡِ ﺍﻟْﺠُﻤُﻌَﺔِ ﻓَﺎﺳْﻌَﻮْﺍ ﺇِﻟَﻰ ﺫِﻛْﺮِ ﺍﻟﻠَّﻪِ ﻭَﺫَﺭُﻭﺍ ﺍﻟْﺒَﻴْﻊَ ﺫَﻟِﻜُﻢْ ﺧَﻴْﺮٌ ﻟَّﻜُﻢْ ﺇِﻥ ﻛُﻨﺘُﻢْ ﺗَﻌْﻠَﻤُﻮﻥَ ) ﺍﻟﺠﻤﻌﺔ : 9
Kuwa Alle iyo Xaqa Rumeeyow marka la Adimo Salaadda Jimce u Degdega Xuska Alle, kana taga wax kala Iibsiga, saasaana idiin Kheyr Roon haddaad tihiin kuwo wax Garanaaya.

Haddaba waxaa Habboon in loo Darbado Jimcaha oo Qofka Muslimka ah uu Qubeysto oo Weyso qaato, Nabiga CSW, wuxuu yiri:-

{ ﻋَﻠَﻰ ﻛُﻞِ ﻣُﺴْﻠِﻢٍ ﺍﻟﻐُﺴْﻞُ ﻳﻮﻡَ ﺍﻟﺠُﻤْﻌَﺔِ ﻭﻳَﻠْﺒَﺲ ﻣِﻦْ ﺻَﺎﻟِﺢِ ﺛِﻴَﺎﺑِﻪِ ﻭَﺇﻥْ ﻛﺎﻥَ ﻟﻪُ ﻃِﻴْﺐٌ ﻣَﺲَ ﻣِﻨْﻪُ } ﺍﻟﺸﻴﺨﺎﻥ ﻭﺃﺣﻤﺪ

Qof kasta oo Muslim ah waxaa ku Waajibay inuu Qubeysto Maalinta Jimcaha iyo inuu ku Labisto Dharkiisa kuwa ugu Wanaagsan, iyo inuu Iscarfiyo hadduu heli karo.

Maadaama jimcaha loogu talagalay in dadka la Wacdiyo, lana Waaniyo waxaa Waajib ah in la Dhageysto Khudbada Imaamka, mana Banaana in la Hadlo ama la Buuqo intey Khudbadu socoto Nabiga CSW, wuxuu yiri:-

{ﺇﺫَﺍ ﻗُﻠﺖَ ﻟِﺼَﺎﺣِﺒِﻚَ ﻳَﻮﻡَ ﺍﻟﺠُﻤْﻌَﺔِ ﻭَﺍﻹﻣَﺎﻡُ ﻳَﺨْﻄُﺐُ ﺃﻧْﺼِﺖْ ﻓَﻘَﺪ ﻟَﻐﻮﺕَ } ﺭﻭﺍﻩ ﺍﻟﺠﻤﺎﻋﺔ ﺇﻻ ﺍﺑﻦُ ﻣﺎﺝ
Jimcaha markuu Imaamka khudbeynayo, haddaad Saaxiibkaa ku tiraahdo: Aamus! Hadalkaagu waa mid Micno Darro ah.

Hadduuse Qof qaldamo oo uu hadlo ama buuqo waxaa Waajib ah in laga aamuso intey khudbadu socoto, ka dibna si Xigmad leh loogu Sheego.

RB.

Maxaad ka Ogtahay Faa'iidooyinka caafimaad ee Afakaadhadda (Avocado)?——————————————————————Afka Soomaaliga waxaa looyiqa...
16/08/2022

Maxaad ka Ogtahay Faa'iidooyinka caafimaad ee Afakaadhadda (Avocado)?
——————————————————————
Afka Soomaaliga waxaa looyiqaan Afakaadho oo ah kelmad af ingiriisi ah, halka luuqada carabidana loogu yeedho (أفوكادو). Bahda cilmiga Saynisku waxay u yiqaanaan "Persea americana" Asal ahaan geedkani wuxuu kasoo jeeddaa dalalka Magsiko iyo badhtamaha Ameerika, isagoo ka tirsan dhirta ubaxleyda ah nooca loo yiqaanno(Laurakeae).

Guud ahaan midhaha Afakaadhada waa mid leh nafaqo badan oo jidhka aad ugu baahan yahay waxaa midhaha Afakaadhadu caan ku tahay duxa aan lahayn mid loo yiqaanno (Pro-saturated fats). Dalka Mareekanka, gaar ahaan gobolka Kalifoorniya waxaa laga soo saaraa afakaadho aad u badan, waxaana kuyaala ilaa shan kun oo beerood kuwaas oo soo saara ilaa 400 milyan oo rodol oo afakaadho ah sannad kasta. Afakaadhada waxa laga helaa Faytamiino, Fayber, Booratiino iyo Dux.

80g oo Afakaadho ah ayaa ka kooban:
-------------------------------------------------------------
✔ 152 Kcal / 627KJ ✔ 5g borotiin
✔ 6g dux ✔ 5g carbohydrates
✔ 6g fiber ✔ 360mg potassium
✔ 56mg fiitamiin E

Faa'iidooyinka caafimaad ee Geedka Afakaadhadda(Avocado)
===============================
1). Waxa loo isticmaalaa daawaynta dhagxaanta kelyaha.
2). Waxay ka caawisaa inay hoos u dhigto cadaadiska dhiigga3). Waxay caawisaa dhimista gariirka ka yimaada qalalka.
4). Waxay wanaajisaa caafimaadka dheefshiidka.
5). Waxay caawisaa daawaynta calaamadaha neefta sababtoo ah waxa ku jira pinene oo furta marinka hawada
6). Waxay qani ku tahay in jidhka ka saarto sunta.
7). Waxay ka hortagtaa xanuunka kansarka
8). Waxay ka caawisaa jirrada dumarka ee subaxii(moring sickness)
9). Waxa ay hoos u dhigi kartaa Heerarka Kolestaroolka iyo Triglyceridej jidhka.
10). Waxa laga yaabaa inay ka caawiso yaraynta calaamadaha xunuunka is-goosyada (Arthritis)

Fiiro gaar ah: Dadka qaadanaaya dawooyinka dhiigga Xinjireeya waa in ay dhakhtarada kala tashadaan inta aanay isticmaalin afakaadhada, waayo taasi waxay sababi kartaa dhibaato xagga xinjirowga dhiiga ah.

والعلم عند الله

5- shan faaido oo laga helo cabista biyaha  ( 5 Benefits of Drinking Water ) 1.  Relieves Fatigue.........Waxeeey kaaa b...
12/08/2022

5- shan faaido oo laga helo cabista biyaha ( 5 Benefits of Drinking Water )


1. Relieves Fatigue.........

Waxeeey kaaa bogsiiyaaan daaalka guud ahaan ...gaar ahaan midka maskaxeed Maaadaama maskaxdaada 75% ( boqolkiiba todobaatan iyo shan ) eee biyo ka sameeysantahay hadii aaa cabto biyo badan waxaa kor ukacaayo hab fikirkaada, sidoo kale waxaaa noqoneee qof firfirfoon oo caajiskiisa yaryahay 👇👇👇👇

💗( Since your brain is 75% water
so drinking it helps you think, focus and concentrate better and be more alert. As an added bonus, your energy levels are also boosted! ) 💗

2. Promotes Weight Loss

Biyo cabista badan waxeeey hoos udhigtaaa miiskaaankaada sababtoo ah qofka marka uu biyo badan cabo waxaaa yaraaado cuna qaadashadiisa oo baaahi badan ma qabato sidaas darteed hadii cuna qaadashadaada ee yaraato waxaaa sida caadiga ah hoos udhacaayo miisaankaada...

💗reduces eating intake (by filling up your tummy if consumed prior to meals), reduces hunger (hello natural appetite suppressant!), raises your metabolism and has zero calories!💗

3. Flushes Out Toxins

Biyo cabista badan waxeey jirka ka nadiifisaaa sunta jirka ku jirto taas oo keeneeyso in jirka gaar ahaan kiliyaha ka badbaadaan dhagxaanta ku sameeyso iyo sidookale waxeey ka hortagaaan caabuqyada ku dhaca kiliyaha iyo kaaadi mareenka

💗Gets rid of waste through sweat and urination which reduces the risk of kidney stones and UTI’s (urinary tract infections).💗

4. Improves Skin Complexion

Biyo cabista badan waxeeey maqaarka ka ilaaliyaan inuu qalalo waxeeyna ku sababaan inuu maqaarka noqdo mid qoyan oo ifaaya misna jilcan...sidoo kale waxeey ka hortagaan in maqaarka laablaabmo waxaana lagu tilmaamaa dadka inta badan biyaha cabo in eee adagtahay in da,da eeka muuqato hadii biyaha badsadaan oo waxeey umuuqdaan marwalbo kuwa da, yar ..

💗Moisturizes your skin, keeps it fresh, soft, glowing and smooth. Gets rid of wrinkles. It’s the best anti-aging treatment around!💗

5. Maintains Regularity

Biyo cabista badan waxeey caawiyaaan burburinta cuntada dheefshiidka waxeeyna qofka ka ilaaliyaaan ineeey saxarada ku dhagto oo caloosha ayeey jilcilaan

💗Aids in digestion as water is essential to digest your food and prevents constipation.💗

Waxaaan kula talineenaa bulshadeena ineeey badsadaaan biyo cabista oo ugu yaraan qofka cabo 1--2 liitar oo biyo ah insha allaah....

20/04/2022

Ugu h**eyn RamaDaaan kariiim

Ceergaapo Cudurkiii aaar aaaray ee waa ku HabSaday Hadeeer Waa kasooo Kabanaysa oo magaaaladiu waata shaqo u dhaqaaaqdey oo Qof walpaaa aaaminay inuuu shaQeyn san karaaaayo nin walpaana wxiii uu isla hayey Ganacsi buuu ku bilaaaaaabay waaa ilaaaahay mahaddii

Anigu shakhsiyan waxaaan kamid ahaa dadkii dhaliiilsana arrintiii lagu saarayey aaar aaareyda palse hadaaan xaqiiiqsadey iney Faaaaiiido u aheyd dadka iyo Dalkaba

Ramadaaaandan Jaalayaaal🤚🤚🤚

CUNOOYINKA WAXYEELEEYA WADNAHA1 Sugar, Salt, Fat xaddi badan oo milix ah, sonkor, dufan cufan, iyo kaarboono la sifeeyay...
12/04/2021

CUNOOYINKA WAXYEELEEYA WADNAHA

1 Sugar, Salt, Fat
xaddi badan oo milix ah, sonkor, dufan cufan, iyo kaarboono la sifeeyay ayaa sare u qaadaya halista wadno qabad ama istaroog. Haddii aad ka walaacsan tahay wadnahaaga, waxaad u baahan doontaa inaad ka ilaaliso kuwan cuntadaada maalinlaha ah
taabadalkeedna waa inad cunto miraha, khudrada iyocaanaha dufanka yar ee aan sameyneyn wadnahaaga .
2 HILIBKA CAS
Cunista hilibka cas ayaa laga yaabaa inay sare u qaado fursadahaaga wadna xanuun iyo sonkorowga. sababtoo ah waxa hilibka cas ku badan dufanka buuxa, oo kor u qaadi kara kolestaroolkaga.
3 SOODAHA
cabbida qasacad soodhaha ah ayaa leh sonkor ka badan inta khubaradu kula taliyaan maalinkii qofku inuu cuno . daraasad lagu sameeyayey dadka cabba qasacadaha Soodha ah ayaa la ogaadey innu kordho miisaankooda sidoo kale darsada waxa lagu ogaadey inay dadkaasi ay ku dhaco wadne xanuun iyo nooca labaad ee sonkorawga iyo waliba blood pressurekooda oo kor u kaca
4 PIZZAHA
pizza haddii si saxda ah loo dhigo saameeyntisu wey yaran karta
laakiin inta badan pizzaha waxa ku jira xaddi badan oo sodium ah, dufan iyo colories badan kuwaas oo dhamaantood kor u qaadi kara halista wadne qabadka
5 AL CAHOL
cabbitaanka alcahol inta badan waxa uu jaanis siiya kor u kaca caadiska dhiiga sidoo kale wuxu ku horseedi kara dhiig kar ama triglycerides oo sare noqda taasoo sare u qaadi karta fursada ah wadnahaaga oo istaaga, istaroog kugu yimaado, iyo miisaankaaga oo kordha.
6 BUTTERKA(SUBBAGA)
butterku waxa weeye high in saturated fat,, kaasoo kor u qaadi kara kolestaroolkaaga xun ama(ldl) isla markaana kagu noqon kara cudur wadne. Waxaana kafiican inaad ku bedesho subagga ama butterka saliida saytuunka ama saliida cuntada, kuwaasoo ay ku jiraan dufanka polyunsaturated oo u fiican caafimaadka wadnaha
7 JEBISTA
jabistu waxey leedahay fats iyo cusbo badan taaso wadne xanun keeni karta .
haldaraasad ayya lagu ogaadey in dadka cuna jebista asbuuci 4 jeer ay la kulmaan wadne xanuun soo booda ah sidaa daraadeed yareyso jebista oo asbuuci halmar cun walipa jabista fiican waa jabista lagu shiiley siliid seytuun

8 CANNED SOUP(MARAQA QASACADEYSAN)
maraqa qasacadeysan oo aynu ognahay inay ku jiraan waxyaalo badan oo faaiido leh sida protien iyo fiberka haddana waxaan shaki ku jirin in maraqa qasacadeysan lagu soo daro maadooyinka sodium taso sababi karta dhiig kar, iyo wadne qabad degdega sidaa owgeed waxaan kugu latalinaya hadaanad ka maarmeyn maraqa qasacadeysan inad cunto midba midkuu ka sodium, milix, iyo dufan yar yahey dooratid

10 ICE CREAM
Jalaatada waxaa ku badan sonkorta, kalooriyada, iyo dufanka ama saturated fats, . Cunista cuntooyinka ay ku raran yihiin dufanka iyo sonkorta waxay keeneysaa miisaanka oo kordha. Waxay sidoo kale kor u qaadi kartaa triglycerides-kaaga waxayna kuu horseedi kartaa wadno qabad. Iska yaree kalooriyadaada iyo dufanka adoo dooranaya sorbet, yogurt dufan yar ama aan laheyn dufanba

like

WAAD KU MAHDSANTAHAY AKHRISKAAGA

DR DAVID
W/Q beder awil

FADLIGA BISHA RAMADAANSoonku wuxuu leeyahay fadli wayn, oo qormadeenan aan lagu soo wada koobi karin, laakiin waxaa qaar...
12/04/2021

FADLIGA BISHA RAMADAAN

Soonku wuxuu leeyahay fadli wayn, oo qormadeenan aan lagu soo wada koobi karin, laakiin waxaa qaarkiis faah-faahinaysa axaadiistan soo socota:
• 1: Soonka Jannada ayaa lagu galaa: waxaa laga wariyey saxaabi la yiraahdo Abuu Umaama (a.k.n) in uu Rasuulka SCW ku yiri: “Waxaad itustaa camal aan Jannada ku galo? markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri: Soonka qabso, oo ka adkaaw, wax isaga la mid ahi ma jiraane”.
• 2: Soonku waa gaashaan Naarta la iska xijiyo: wuxuuna Rasuulka SCW yiri “Soonka waa gaashaan uu addoonku iska xijiyo Naarta”. Soonku wuxuu kala dhex galaa addoonka sooman iyo Naarta, sidoo kale wuxuu ka hor istaagayaa waxyaabaha naftu jeceshahay oo Naarta darbigeeda ah. Naarta waxaa ood looga dhigay waxyaabaha naftu ay jeceshahay, ayna u sahlan tahay inay ku dhaqaaqdo, sida waajibaadka oo laga tago iyo xaaraanta oo la iska dabaasho, ooddaa Naartuna waa mid jilicsan oo ay sahlan tahay in inta laga tillaabsado loo gudbo Naarta.
Jannada laftikeedu way u baahan tahay soonka, sababtoo ah Jannada waxaa lagu wareejiyey oo darbi iyo xayndaab looga dhigay waxyaabaha naftu dhibsato oo ku adag, soonkuna wuxuu nafta ka gooyaa waxyaabaha ay marka h**e jeceshahay, oo loo yaqaan “Shahawaatka”, laakiin ay dib uga shallayso. Camalka Jannada lagu gaaraa wuxuu la mid yahay buur la fuulayo, midka Naarta lagu gaaraana wuxuu la mid yahay iyadoo buurta laga soo degayo oo kale.
• 3: Dadka soomani waxay leeyihiin albaab albaabada Jannada ka mid ah, oo layiraahdo “Ray-yaan”, albaabkaa iyaga oo kaliya ayaa loo sii qabtay (loo xajisay), cid kalena ka gali mayso, sida ku xusanba xadiis ay Bukhaari iyo Muslim wada wariyeen.
• 4: Soonka iyo Qur’aanku waxay u shafeeco qaadaan qofka sooman, oo Ilaaheey ayey kala hadlaan iyadoo soonku leeyahay: Ilaaheyoow waxaan anigu u diiday raashinkiisii iwm, ee shafeeca qaadka aan u shafeeco qaadayo iga yeel. Qur’aankuna uu leeyahay: Ilaaheyoow waxaan u diiday hurdadiisii oo aniga aqrintayda ayuu ku soo jeeday, markaa ayaa Ilaaheey shafeecadooda aqbalayaa oo Jannadiisa galinayaa.
Qofkii wanaag sameeyey oo Qur’aan ku soo jeeday xaaladdiisu waa middaa quruxda badan oo aan xusnay, laakiin qofkii ku soo jeeday turub, dubnad, filin iwm, waa inuu ogaado in waxyaabahaasi aysan Alle SW Janno uga codsan karin, waxay ay qaban karaanna waa lala wada socdaa.

LIKE

WAAD KU MAHADSANTAHAY AKHRISKAAGA

W/Q BEDER AWIL

بسم الله الرحمن الرحيم ●.8DA WAQTI EE UGU FIICAN EE BIYAHA LA CABO IYO FAAIIDADA LAGA HELO.1= markaad hurdada subaxdii k...
12/04/2021

بسم الله الرحمن الرحيم
●.8DA WAQTI EE UGU FIICAN EE BIYAHA LA CABO IYO FAAIIDADA LAGA HELO.
1= markaad hurdada subaxdii ka soo kacdo in aad cabto biyo badan ayaa jirka ka caawinaysa in ay si fiican u shaqeeyaan xubnaha uur ku jirta, sida caloosha, kelyaha, beerka iyo wadnahaba.
2= markaad shaqo adag qabato ama aad jimicsi ama orad sameyso in aad biyo badan cabto ayaa ka caawineysa wadnuhu in uu garaaciisii caadiga ahaa ku soo laabto.
3= 30 daqiiqo cuntada ka hor in aad cabto biyaha ayaa ka caawinaysa habdhiska dheef shiidka in uu u shaqeeyo si wanaagsan.
4= ka hor intaadan qubeysan in aad biyo cabto ayaa kaa caawineysa in cadaadisku dhiigu uu hoos u dhaco.
5= hurdada ka hor intaadan seexan in aad biyo cabto ayaa ka caawineysa jirku in uusan fuuq bixin.
6= marka aad xanuunsantahay in aad biyo badan cabto ayaa ka caawineysa jirku in uu si fiican u guto shaqadiisii.
7= marka aad daalantahay in aad biyo badan cabto ayaa kaa caawineysaa in awoodii murqaha ay soo laabtaan.
8= marka aad la joogto ama ka agdhawdahay dad xanuunsan in aad cabto adigu biyo badan ayaa kaa caawineysa in difaaca jirkaadu uu awoodii uu xanuunadaas uga hartagi lahaa ay sii laba jibaarmato.
Cel-celis ahaan waxaa la rabaa 24kii saac qofka bini aadamka ah in uu cabo 3 ilaa 5 liitar oo biyo ah, hadaba adigu meeqa liitar oo biyo ah ayaad cabtaa 24kii saac?
Ugu yaraan hadii aad qoraalkaan kaheshay isaar wll pageka lawadaag walaalaha
Oo U garee

waad ku mahadsantahay akhriskaaga

Beder Awil

Xaqiiqooyin ku saabsan wadnaha bani  aadamka Waxaa laga yaabaa inaadan ka fikirin wadnahaaga  badanaa, laakiin halkan wa...
10/04/2021

Xaqiiqooyin ku saabsan wadnaha bani aadamka

Waxaa laga yaabaa inaadan ka fikirin wadnahaaga badanaa, laakiin halkan waxaa ku yaal xaqiiqooyin xiiso leh oo aadan rabin inaad seegto.

wadnahaagu maalinba maalinta ka dambaysa wuxuu sameeyaa waxyaabo yaab leh. Shaqada ugu weyn ee wadnahaagu waa inuu ilaaliyo dhiigga oksijiinta ee ku wareegaya jirkaaga oo dhan.
1. wadnaha aadanaha qiyaastii waa feedh weyn oo la duubay.

2. Wadnaha ayaa culeyskiisu u dhexeeyaa 9 ilaa 12 wiqiyadood (250 iyo 350 garaam).

3. Wadnuhu wuxuu garaacaa sameeya ilaa 100,000 jeer maalintii (qiyaastii saddex bilyan oo garaac ah noloshiisa)
4. Wadnaha qofka qaangaarka ah wuxuu garaca sameeya qiyaastii 60 illaa 80 jeer daqiiqaddii.

5. Wadnaha dhallaanka hadda dhasha ayaa ka garaaca badan wadnaha dadka waaweyn, qiyaastii 70 -190 garaac daqiiqad kasta.

6. Wadnuhu wuxuu ku shubaa ilaa 6 litar (5.7 litir) oo dhiig ah jirka oo dhan.

7. Wadnuhu wuxuu ku yalaa bartamaha laabta, badiyaa bidix ayuu waxyar u jeedaa.

8. Wadnahaagu wuxuu ku yaalaa laabtaada wuxaana sifiican ugu ilaaliyaa qafiska feerahaaga.

9. Maalin kasta, wadnuhu wuxuu abuuraa tamar ku filan taasoo laugu kaxeyn lahaa gaari xamuul ah 20 mayl.

10. wadnaahaga haddi lago jaro jirka intiisa kale garaaca wuu sii wadi kara daqiiqado kooban

11. “Thump-thump” ee garaaca wadnaha waa dhawaqa ay sameeyaan afarta valves marka uu wadnuhu is xirayo.

12. Wadnaha haweeneyda ayaa caadiyan ka garaac badan kan ninka. Wadnaha ninka celcelis ahaan wuxuu garaac sameeya qiyaastii 70 jeer daqiiqadii, halka dumarka celcelis ahaan ay garaaca wadnaha tahay 78 garaac daqiiqad kasta.

13. Inta lagu jiro celceliska nolosha, wadnuhu wuxuu soo saari doonaa ku dhowaad 1.5 milyan oo foosto oo dhiig ah - oo ku filan inuu buuxiyo 200 baabuur taangiga tareenka leh.

14. Dhakhtar Faransiisa oo la odhan jirey Rene Laennec (1781-1826) ayaa ikhtiraacay stethoscope ee wadnaha garaaacisa lagu dhageysto markii uu dareemay inaysan haboonayn in dhagtiisa la saaro laabta bukaankiisa bucbuurta weyn ee dumarka ah.

15. Sannadkii 1903, aqoonyahan cilmu-nafsiga ah Willem Einthoven (1860-1927) wuxuu ikhtiraacay 'electrocardiograph', kaas oo cabbira korantada wadnaha.

16. Sannadkii 1929, dhakhtar Jarmal ah oo lagu magacaabo Werner Forssmann (1904-1979) ayaa baadhay gudaha wadnihiisa isaga oo ku dhejinaya kateetarka xididka gacanta isaga oo ku riixaya 20 inji , isagoo ikhtiraacay qalliinka wadnaha, oo ah hanaan caadi ah oo hadda la adeegsado...

LASACO QAYBTA XIGTA
like

Waad ku mahadsantahay akhriskaaga
W/Q BEDER AWIL

MARKA Aad 30 jir Gaadho Iska Ilaali CuntooyinkanMarka ay da'da qofku 30 jir gaadho waxaa hoos u dhacda awoodda uu jidhku...
10/04/2021

MARKA Aad 30 jir Gaadho Iska Ilaali Cuntooyinkan

Marka ay da'da qofku 30 jir gaadho waxaa hoos u dhacda awoodda uu jidhku u leeyahay dheefshiga cuntada, sidaas awgeed waxaa la gudboon in uu fiirogaar ah u yeesho cuntada uu da'dan kaddib cunayo. Haddii kale waxa uu halis u yahay in uu miisaankiisu kordho, ama buurnimada iyo dhibaatooyinka caafimaad darro ee ka dhasha. Warbixin ay Aljazeera ka soo xigatay shabakad Nutrition lagu magacaabo oo ka faalloota arrimaha nafaqada ayaa sheegaysa nidaam cunto oo caafimaad ahaan sax ah haddii uu qofku da'dan kaddib raaco in ay ka hortag u noqonayso guud ahaan calaamadaha gabowga oo ugu yaraan dib u dhacaya.

- Cuntooyinka ay warbixintu ka digtay 30 jirka kaddib waxaa ka mid ah:

* SONKORTA: Waxa ay sababtaa in xaydhu ay ku ururto bawdyaha iyo caloosha, misaankana waa ay kordhisa. Sida oo kale, waxaa la aaminsanyahay in cunista sonkorta badani ay madhalaysnimada ka qayb qaadato iyo in ay soo dedejiso coodhcoodhka maqaarka iyo calaamadaha kale e gabowga.
* CUNTADA QASACADAYSAN: Sida cilmibaadhiso tiro badani daahfurayaan cuntooyinka qasacadaysani mar kasta khatar ayaa ay ku yihiin caafimaadka qofka. Cuntooyinka qasacadaysan oo biiniska 'Beans', sharaabka iyo kalluunku ka mid yahay waxaa ku badan milixda, dufanka, iyo sonkorta.Kuwaas oo dhammaantood dhibaato ku ah caafimaadka. Sida oo kale waxaa cuntada qasacadaysan ama warshadaysan lagu daraa maaddooyin kiimikaad oo ay ka mid yihiin kuwa ka ilaalinaya in ay is beddelaan iyo kuwa midabka dhowra, waxa kale oo dhacda in maaddooyinka kiimikaad ee ku jira samayska birta ama caagga weelka ay cuntadani ku jirtaa in ay ku milmaan cuntada, arrimahaas oo dhammaantood keena khataro caafimaad oo aanu muran ku jirin. Waxaa ka mid ah noocyo xanuunka kansarka ah iyo xanuunnada maqaarka. Haddaba mar kasta oo uu qofku da' ahaan sii weynaado waxaa hoos u dhaca awoodda habdhiska dheefshiidka iyo habdhiska difaaca oo intuba ka qayb qaadan lahaa yaraynta khatarta ka iman karta cuntooyinkan, sidaa awgeed waxaa si aad ah u sii kordhaysa khatarta awalba jirtay ee cuntadani ku keenayso caafimaadkiisa. Marka intaas laga yimaaddo, cuntooyinka qasacadaysan waxaa ku yar ganku / galka, sidaa awgeed qofka cunaa dhaqso ayaa uu u gaajoodaa, waxa aanay taasi keentaa in uu cunto badan cuno. Cuntada qasacadaysan samayskeeda waxaa lagu daraa maadadda Monosodium glutamate (MSG), maadaddani waxa ay wanaajisaa dhadhanka cuntada waxa aanay kordhisaa doonista cuntada (Amateedka).
- Labadaas arrimood oo sababa in qofku cunto badan cuno, sidaas awgeedna miisaankiisu kordho. Ugu dambayntii daraasadaha lagu sameeyey cuntooyinka qasacadaysani waxa ay muujiyeen in ay ku badan tahay maadadda Bisphenol oo xeeldheereyaal badan oo caafimaad aaminsan yihiin in ay sababto Khalkhal dhinaca hormoonnada ku dhaca, kansar, ma dhalaysnimo iyo miisaanka oo kordha. -

like

Waad Ku Mahadsantahay akhriskaaga

W/Q beder awil

SEE LOO KORDHIYA RABITANKA CUNADA EE CARUURTA Forever kids waa vitamin supplements oo dabici ah kaas oo kor uqadaya difa...
08/04/2021

SEE LOO KORDHIYA RABITANKA CUNADA EE CARUURTA
Forever kids waa vitamin supplements oo dabici ah kaas oo kor uqadaya difaca jidhka ilmaha, waxa u kor uqada rabitana cuno ee ilmaha, waxa u kor uqada korinka ilmaha maskax ahan iyo jidh ahaan
*waxa kujirta madada looyaqan (Zinc )waxay door muhiim ka qadata korinka ilmaha waxa ay kor uqada difaca jidhka ilmaha sokale waxy kahortagata cuno xumada caruurta waxay ka hortaga bakteriyonika kaga dhasha calosha caruurta.
*waxa ku jirta madada loyaqano kalshiyeem (calcium )taso ka qayb qadata korinka lafaha, ilkaha ee ilmaha.
*waxa kujirta madada loyaqan (mg)taaso hoos idhigta xanuunada kudhaca neefmareenka sida oof warenka waxay kor uqadan habka dheefshidka ilmaha.
*waxa kujirta madoyinka loyaqan (B vitamins complex ) waa gruub fitamino ah oo ka kooban 8 qaybood waxa ay kordhiyan korina maskaxda ee ilmaha waxa ay ka qayb qadatan dheefshiid ka cunada waxa ay yaree yan dhiig yarida so wajahda caruurta waxay kor uqadan difaca jidhka ee ilmaha .
Soo kale waxa ku jira fitamino iyo macdano kala duwan oo muhiim u ah korinka caruurta oo qoral lagu sokobi karin waxana lasiin kara caruurta ka wayn labo sano
Wixi intaa dheer fadlan kala la xidhiidh boga nutritional counseling and fitness
Siina share gree si ay dad badani uga fa idaystaan

WAAD KU MAHADSANTAHAY AKHRISKAAGA

TALO CAAFIMAADDaalka iyo Caajisku Xagee Kaaga Yimaadeen?Daalku waa magac guud waana qofku in uu dareemo tabar yari, caaj...
06/04/2021

TALO CAAFIMAAD

Daalka iyo Caajisku Xagee Kaaga Yimaadeen?

Daalku waa magac guud waana qofku in uu dareemo tabar yari, caajis, inuu iska jiifo in uu jecel yahay iyo firfircoonida qofka oo dhamaan lunta. Daalka waxaa keena cudurro fara badan waxaana halkaan kusoo qaadanaynaa dhowr cudur oo ay qasab tahay in aad ogaato marka daalka laga hadlo
1. Dhiig La'aan: Marka qofku yahay dhiig la'aan ama dhiigiisu yar yahay waxa uu dareemaa daal iyo tabar yari. Dumarka dhiigoodu waxaa ugu fiican in uu yahay HB: 11, raggana waxaa ugu fiican HB: 13.5. Hadii dhiiga ragga ama dumarku tiradaas ka yaraado waxay u badan tahay in tabar yari, caajis iyo firfircooni la'aan isku arko
2. Qanjirada shaqadooda oo aan fiicnayn: Jirka binadamka waxaa ku jiea qanjiro soo daaya dhacaamo si jirka uu uga faaiidaysto, hadii qanjiradaas ay soo daayaan dhacaamo ka badan ama ka yar kuwii normlka ahaa waxaa dhacayaa in qofku dareemo daal iyo caajis
3. Sokorta: Marka aan kubdhaho sokor waxaan ka hadlayaa laba qof, qofka cudurka sokoeta qaba iyo qofka sokorta aadka u cuna, labadaba waxay dareemaan daal fara badan madama sokortu disho xididada iyo awooda jirka
4. Pressure-ka qofka oo dhacsan: Sida caadiga ah qofka marka saacada looga cabiro gacanta, waxaa laga rabaa tirada saxda ah in ay noqoto inta u dhaxaysa 80/120. Hadi qotka dhiigiisa uu ka yar yahay tiradaas aan kor ku xusnay wuxuu dareemaa qotku tabar yari iyo daal jirka iyo murqaha ah
5. Barafka: Jirku qabow waa uu u baahan yahay balse uma baahna qabowga gacan ku samayska ah sida barafka, mukayfka, marwaxadaha iyo wixii la mid ah. Barafka waxaa laga qaafaa cuduro badan oo baaris u baahan waxa uuna ka mid yahay waxyaabaha keena daalka iyo tabaryarida qotka haduu la qabsadana waxa uu u noqdaa balwad
6. Dhafarka: Qofka aadka u dhafra waxaa maskaxdiisa iyo neerfihiisa ku yaraanaya awooda, taas oo ugu dambayn keenaysa in maskaxdu jirka kale ku amarto in ay awoodooda hoos u dhigaan madama maskaxdii jirka dhan amraysay aysan nasan, tabar badan oo ay wax ku amartana aysan hayn. Barafku cuduro ka dhasha oo u baahan in qofku dhakhtar aqoon u leh kala xiriiro ayaa iyaganaa jira
La Wadaag Walalaaha Kale Si Taladu U Caawiso

dr shaahid
dr Aaz

Address

Maraje

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bédér awil abdullahi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share