Faculty of Agriculture & Veterinary, Salaam University

Faculty of Agriculture & Veterinary, Salaam University The faculty is committed to academic excellence, provides students with practical trainings, and strengthens their research efforts through experimental farms.

πƒπ€π€π‡π…π”π‘πŠπ€ πƒπˆπ…π€π€π‚π€ shada π“π‡π„π’πˆπ’-πŠπ€ – 𝐂𝐋𝐀𝐒𝐒 πŽπ… πŸπŸŽπŸπŸ” Mogadishu | 8 August 2026Waxaa maanta Jaamacadda ka qabsoomay xafladda...
08/08/2026

πƒπ€π€π‡π…π”π‘πŠπ€ πƒπˆπ…π€π€π‚π€ shada π“π‡π„π’πˆπ’-πŠπ€ – 𝐂𝐋𝐀𝐒𝐒 πŽπ… πŸπŸŽπŸπŸ”

Mogadishu | 8 August 2026

Waxaa maanta Jaamacadda ka qabsoomay xafladda daahfurka difaaca Thesis-ka ee ardayda ka qalin-jabinaysa sanadkan (𝐂π₯𝐚𝐬𝐬 𝐨𝐟 πŸπŸŽπŸπŸ”).

Xafladda waxaa kasoo qaybgalay Maamulka Jaamacadda, macallimiinta, ardayda iyo marti-sharaf kale, iyadoo si rasmi ah loo daahfuray marxaladda difaaca cilmi-baarista ardayda.

Difaaca Thesis-ku waa tallaabo muhiim ah oo ka mid ah safarka aqooneed ee ardayda, taas oo u saamaxaysa inay soo bandhigaan cilmi-baaristooda, aqoontooda iyo natiijooyinka ay gaareen.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda Class of 2026, waxaana u rajaynaynaa guul, dadaal miro-dhal ah iyo mustaqbal ifaya. πŸŽ“πŸ‘






Ardayda Kulliyadda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ee Jaamacadda Salaam ayaa u baxay tababar (practical) oo ka dhacay  Dee...
31/05/2026

Ardayda Kulliyadda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ee Jaamacadda Salaam ayaa u baxay tababar (practical) oo ka dhacay Deeyniile si lo xoojiyo aqoontooda dhanka beeraha,
Intii lagu guda jiray tababarka, ardaydu waxay barteen
Diyaarinta dhulka beeraha
Beerista khudaarta sida yaanyada, Qajaarka, Basbaaska, Barbarooniga, iyo diyaarinta Green House, iyo
Daryeelka dalagga iyo ka hortagga cudurada beeraha
Goosashada dalaga.

Tababarku wuxuu ujeedkiisu ahaa in ardaydu helaan khibrad aqooneed oo dhab ah isla markaana ay fahmaan sida beeraha loo maareeyo.

Tababarkani wuxuu ahaa mid muhiim ah oo ardayda ka caawiyey inay helaan xirfado wax ku ool ah, gaar ahaan dhanka wax-soo-saarka Beeraha.

Waxaa si guul ah  u soo dhamaaday difaacashada buuga qalinjabinta (Thesis Proposal Defense) ee Kuliyada  Beeraha iyo Xan...
07/05/2026

Waxaa si guul ah u soo dhamaaday difaacashada buuga qalinjabinta (Thesis Proposal Defense) ee Kuliyada Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha.

Waxaan u hambalyeyneeynaa dhammaan ardayda difaacatay Proposal-ka, sidoo kale waxaan u mahad celinaynaa Maamulka iyo macallimiinta, doorkii muhiimka aha ay ka qaateen qabsoomida munaasabada difaacashada Buuga Proposal-ka.

Address

KM4 Road
Mogadishu
000

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Faculty of Agriculture & Veterinary, Salaam University posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share