B8 SNU: Agriculture and Environment science

B8 SNU: Agriculture and Environment science this is our page

Waxaa mahad usug naate alle oo inoo suurta galiye in aan u fadhiisano imtixaan ka k**a dambeyska waxbarashada heerkii ko...
21/01/2026

Waxaa mahad usug naate alle oo inoo suurta galiye in aan u fadhiisano imtixaan ka k**a dambeyska waxbarashada heerkii kowaad ee jamacadda 17/1/2026 waxaan alle ka waydisanenaa in uu naga dhigo dadkii lagu nafci lahaa
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
Kuliyadda Beeraha Iyo Cilmiga Deegaanka Ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed

TAHNIYAD AROOS  🎊 Waxan hambalyo leeyahay walaalkeena Möhämed Cabdulle iyo Marwadiisa   Ali huseen oo maanta meherkoodu ...
11/01/2026

TAHNIYAD AROOS 🎊

Waxan hambalyo leeyahay walaalkeena Möhämed Cabdulle iyo Marwadiisa Ali huseen oo maanta meherkoodu dhacay .

Isku barakooba, ubad baari wada hela
Gurigiina guri nagay guulle haka dhigo

بارك الله لهما وبارك عليهما وجمع بينهما في خير

🎊 🎊

waxaa maanta oo taariikhdu tahay 15 may 2025 jamacadda ummada soomaaliyeed gaar ahaan kuliyadad beeraha iyo cilmiga deeg...
16/05/2025

waxaa maanta oo taariikhdu tahay 15 may 2025 jamacadda ummada soomaaliyeed gaar ahaan kuliyadad beeraha iyo cilmiga deegaanka
lugu qabtay seminar Ay soo qaban qaabiyeen maamulka kuliyada beeraha iyo cilmiga deegaanka ee jaamacadda ummadda soomaaliyeed
oo ugu ugu horeeyo(DR MAXAMAD RASHIID SHIIQ ABDI SAMAD ) dhiinka kuliyada beeraha iyo cilmiga deegaanka ee jus
sidoo kalena uu qeyb lixaad leh ka qaatay (HOD) ga kuliyada beeraha waaxda wax soosaarka (Barafasoor Abdisalaan)
Presenter (Abdinasir omer osmaan
waxa uuna ardayda kulliyada beeraha iyo cilmiga deegaanka u noqday dhaxal reeb ay aqoon badan kaga faa iidaysten.
(Climate Smart Agriculture) waa fure muhiim u ah mustaqbalka wax-soosaarka beeraheena Soomaaliya, Waxaa muhiim ah in la taageero beeraleyda, oo nala siiyo aqoon iyo agab ay kaga faa'iideysan karaan farsamooyinkan si loo helo cunto ku filan.

HAMBALYO DUFCADDII 7-AAD EE KULLIYADDA BEERAHA IYO CILMIGA DEEGAANKA EE JAAMMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED-JUS.Hogaan ka f...
24/03/2025

HAMBALYO DUFCADDII 7-AAD EE KULLIYADDA BEERAHA IYO CILMIGA DEEGAANKA EE JAAMMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED-JUS.

Hogaan ka fasalka iyo ardayda waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayna ardayda dhamaysatay waxbarashadooda heerka 1-aad ee kulliyadda Beeraha iyo cilmiga deegaanka ee jamacadda Ummadda Somaliyeed-JUS. Maanta waa maalin taariikhi ah oo xusuus gaar ah idin leh, maalin muujinaysa dadaalkii iyo juhdigii aad geliseen waxbarashada. Dufcaddan 7-aad waxay isugu jirtaa arday bartay Wax-soosaarka Beeraha (Agriculture), Cilmiga Deegaanka (Environmental Science), iyo Badbaadada Dhirta (Plant Protection), kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona horumarinta dalka iyo ilaalinta deegaanka.

Ugu dambayn, hambalyo mar kale! Guushiinnu waa guusha waalidkiinna, macallimiintiinna, iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Waxaan idiin rajayneynaa mustaqbal ifaya, guulo joogto ah, iyo dadaal aad ku xaqiijin doontaan himilooyinkiinna. Waxaan rajeynayaa inaad noqotaan iftiin iyo rajo cusub oo u soo kordha bulshadeenna iyo dalkeenna.







.

Muqdisho, 25 Nofeembar, 2024, Hay'adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed ayaa  Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed qeybteda kuliyadd...
26/11/2024

Muqdisho, 25 Nofeembar, 2024, Hay'adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed ayaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed qeybteda kuliyadda Beeraha iyo Cilmiga deegaanka u qabatay bandhig hordhac u ah Xuska Maalinta Badqabka Cunnada Addunka, Madasha ayaa lagu soo bandhigay Qudaar kala duwan iyo Kaluunka kaas oo wacyigalin guud loogu sameeynayo bulshada Soomaaliyeed si ay kaga taxadaraan badqabkooda Caafimaad marka ay wax iibsanayaan si ay ugu hortagaan bacteria iyo cudurada halista ah ee laga qaado Cunnada aan badqabkeeda wanaagsaneen.

Hormuud kuliyadda Beeraha iyo Cilmiga deegaanka ee Jaamacadda Umadda Mudane Dr Mohamed Sheekh Abdisamad ayaa ka hadlay Ahmiyada ay leedahay xuska maalinta Cunnada adduunka oo sanad waliba laga xuso adduunka waxaana uu sheegay hormuudka kuliyadda in ay laga maarmaan tahay in wacyigalin iyo baraarujin loo sameeyo ganacstada iyo bulshada si looga bad baado cudurada halista ah.

--DHAMMAAD--

Mogadishu, 12 maayo, 2023.Kulliyadda Beeraha iyo Cilmiga Deegaanka gaar ahaan Waaxdeeda Bad-baadada Dhirta(Plant Protect...
12/05/2023

Mogadishu, 12 maayo, 2023.

Kulliyadda Beeraha iyo Cilmiga Deegaanka gaar ahaan Waaxdeeda Bad-baadada Dhirta(Plant Protection Department) ayaa soo agaasintay Xuska Maalinta Caalamiga ee Caafimaadka Dhirta: Waxaana lasoo jeediyey Siminaar kusaabsan: Muhiimada Caafimaadka Dhirtu uu u leeyahay Beeraleyda Soomaaliyeed iyo Sidoo kale dood-cilmiyeed loogaga hadlayey kaallinta iskaashiga Khubarada, Hay'addaha dowliga iyo kuwa aan dawliga ahayn ku leeyihiin yareynta Aafooyinka beeraha.

Waxaana kasoo qeybgalay dhammaan daneeyiyaasha barnaamishkan oo kala ahaa: Khubaro kutakhasuatay Cilmiga bad-baada Dhirta, iyo khubaro kakala socotay, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Beeraley, Ururada beeraha sida Ururka Badbaadada Dhirta(SPPS) ,Ururka Gabdhaha beeryahanada (SAGA) iyo Shirkaddaha ka ganacsada Sumaha Beeraha sida (Beero -kaab, Targed iyo Green Life): Waxaana la islagartay in si wadajir ah la isaga kaashdo maareeynta dullinada beeraha.

DHamaan ardayda kulliyada beeraha iyo cilmiga degaanka gaar ahaan B8 waxa ay  hampalyo udirayaan dufacadii 5aad ee kuliy...
07/05/2023

DHamaan ardayda kulliyada beeraha iyo cilmiga degaanka gaar ahaan B8 waxa ay hampalyo udirayaan dufacadii 5aad ee kuliyada beraha iyo cilmiga degaanka JUS qeebata beeraha oo maanta difaacday buuga qalin badalashada, marlabaad iyo mar sadaxaad hampalyo aqonyahanada cilmiga beeraha waxaan idiin rajenenaa mustaqbal ifaya I.a.
Cilmigaad barateen kii lagu intifaacsado Alle hanooga dhigo.
Amiin Amiin.

Ardeyda dufcada 8aad ee kulliyadda Beeraha iyo Deegaanka JUS iyagoo kaashanaayo Ustaad Abdelfitah Ali, ayaa waxa ay same...
27/04/2023

Ardeyda dufcada 8aad ee kulliyadda Beeraha iyo Deegaanka JUS iyagoo kaashanaayo Ustaad Abdelfitah Ali, ayaa waxa ay sameeyeen tijaaba iyo daarasad ku saabsan soo saaridda calafka xoolaha Galley Iyo Masago iyadoo loo beeray qaab carro la'aan ah. (Hydroponic Farming on Maize and Sorhum fodder crops For livestock). Calafkaan ayaa muhiimad gaara uleh xoolaleyda waxeyna adeegsan karaan xilliyada biyo yarida ama abaaraha ay jiraan iyadoo ay xusid mudantahay in calafkaan lagu soo saari karo wax ka yar 12 maalmood. calafkaan xoolaha lagu tijaabiyey ayaa sifiican udaaqay maadama uu biyo badan leeyahay, aadna u jilicsanyahay, dhadhan fiicanna u leeyahay xoolaha loo dhiga.

Muqdisho Talaado 18october 2022Waxa bilawday tartankan sporstka ee ardayda kulliyadda beeraha iyo cilmiga deeganka Waxaa...
18/10/2022

Muqdisho
Talaado 18october 2022

Waxa bilawday tartankan sporstka ee ardayda kulliyadda beeraha iyo cilmiga deeganka
Waxaa kulanka furintaanka ka qaybgalay gudoomiyaha ardayda abdifitah mohamud ali iyo madaxa sportska kulliyadda Ahmed osmaan ibraahim

Kulanka daahfurka waxa ka wada dheelay fasalada kala ah
Batch8 vs batch7 agri

Natiijada ciyaarta waxay kusoo dhamaatay
Batch8:6Goals
Batch7 agri:1Goal
Guushana waxay sidaa kuraacday batch8
Oo helay 3dhibcood

Hampaliyo Hampaliyo Beeraleyda somaliyed
15/10/2022

Hampaliyo Hampaliyo Beeraleyda somaliyed

Ardayda kulliyadda beeraha iyo cilmiga deegaanka ee jaamacadda ummadda soomaaliyeed gaar ahaan dufcada 8aad (batch8) aya...
12/10/2022

Ardayda kulliyadda beeraha iyo cilmiga deegaanka ee jaamacadda ummadda soomaaliyeed gaar ahaan dufcada 8aad (batch8) ayaa sameeyey practical ku saabsan soil test gaar ahaan Carro madowda (clay type) ayagoo kaashanaya Dr. Cilmi warfaa oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga carrada ( soil science).

Address

Mogadishu

Telephone

+252619017212

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when B8 SNU: Agriculture and Environment science posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share