24/03/2025
HAMBALYO DUFCADDII 7-AAD EE KULLIYADDA BEERAHA IYO CILMIGA DEEGAANKA EE JAAMMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED-JUS.
Hogaan ka fasalka iyo ardayda waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayna ardayda dhamaysatay waxbarashadooda heerka 1-aad ee kulliyadda Beeraha iyo cilmiga deegaanka ee jamacadda Ummadda Somaliyeed-JUS. Maanta waa maalin taariikhi ah oo xusuus gaar ah idin leh, maalin muujinaysa dadaalkii iyo juhdigii aad geliseen waxbarashada. Dufcaddan 7-aad waxay isugu jirtaa arday bartay Wax-soosaarka Beeraha (Agriculture), Cilmiga Deegaanka (Environmental Science), iyo Badbaadada Dhirta (Plant Protection), kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona horumarinta dalka iyo ilaalinta deegaanka.
Ugu dambayn, hambalyo mar kale! Guushiinnu waa guusha waalidkiinna, macallimiintiinna, iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Waxaan idiin rajayneynaa mustaqbal ifaya, guulo joogto ah, iyo dadaal aad ku xaqiijin doontaan himilooyinkiinna. Waxaan rajeynayaa inaad noqotaan iftiin iyo rajo cusub oo u soo kordha bulshadeenna iyo dalkeenna.
.