27/04/2026
La kulan Amin Abukar Amin.
Waxaan kasoo qalin-jabiyay Iskuulka Global P.S.S, halkaas oo aan ku soo qaatay waxbarashadayda heerka dugsiga sare. Intii aan ku jiray dugsiga sare, waxaan aad u jeclaa aqoonta farsamada iyo in aan gacanta wax ku qabto. Markii aan dhammeeyay dugsiga, su’aasha ugu weyn ee aan isweydiinayay waxay ahayd: jaamacad noocee ah ayaan ku biiraa?
Baraha bulshada gaar ahaan bogga Facebook ee Jaamacadda Farsamada ee Hano Technical University, ayaan ka arakay Waxqabadka Jaamacadda kadib wada-tashi waxaaan aniga iyo qoyskayga go’aansanay in aan ku biiro jaamacadda. Sababta ugu weyn ayaa ah in ay kaga duwan tahay jaamacadaha kale waxbarasho farsamo oo ku saleysan gacan-ku-qabasho iyo xirfad dhab ah.
Haa, waan xasuustaa maalintii ugu horreysay ee aan jaamacadda tagay. Waxaa ila socotay hooyaday, waxaana naloo sharaxay nidaamka waxbarashada jaamacadda oo ah mid farsamo.
Intaas waxaa dheer, waxaa la noo sheegay in waxbarashada ay la socoto fursado xirfadeed oo aan ku shaqeysan karo, iyo in marka aan xirfadaha barto aan heli doono tababar shaqo ama xitaa shaqo geyn. Tani waa waxa ay u baahan yihiin dhalinyarada maanta si ay u noqdaan kuwo isku filan oo leh mustaqbal ifaya.
Hadda waxaan bartaa xirfadda Solar System, oo aan dhawaan bilaabay. Waa fursad ay jaamacaddu ardayda ku barayso xirfado la taaban karo, waxaana ka qaataa Machadka Xirfadaha ee Hano Academy. Marka aan xirfaddan dhammeeyo, waxaa noola ballan qaaday in nala geeyn doono khibrad shaqo, iyadoo ay fududeynayso xarunta Hano Employment Hub.
Sidoo kale, sanadkii Foundation Year-ka waxaan aad u xiiseeyaa maadada Ingiriisiga, oo aan ku barto qaab “English to English” ah, iyadoo macallimiin ajaanib ah na baraan. Waxaan dareemayaa isbeddel muuqda oo ku yimid luqaddayda Ingiriisiga tan iyo markii aan ku biiray jaamacadda Hano Technical University.
Weli ma go’aansan kulliyadda aan dooranayo. Waxaan isku hayaa laba degree midkood in aan barto, balse waxaa la ii sheegay in xafiiska Arrimaha Ardayda ee jaamacadda uu bixiyo talo-bixin (career counselling). Marka aan dhammeeyo Foundation Year-ka, waxaan rajeynayaa in aan go’aan cad qaato kadib marka aan talo ka helo xafiiskaas.
Ugu dambeyn, ardayda kale waxaan kula talinayaa in ay ku soo biiraan jaamacaddan, oo ka nidaam duwan jaamacadaha kale oo idil. Waxaan ku dhiirigelinayaa ardayda in ay doortaan:
Farsamo, Xirfad, Fursado, Tababar, Khibrad shaqo, iyo Shaqo-gayn.