13/05/2026
Bismillaah 🤍
Ciyaartii saaka waxay ahayd mid aad u xiiso badan oo ay isaga hor yimaadeen:
⚽ Fasalka 8aad
⚽ Fasalka 6aad
Ciyaarta waqtigeedii caadiga ahaa waxay kusoo idlaatay barbaro :
🔹 Fasalka 8aad = 3
🔹 Fasalka 6aad = 3
Kadib waxaa la isla aaday gool ku laad, halkaas oo ay ciyaartu sii yeelatay xamaasad dheeraad ah. Ugu dambeyn guusha waxay raacday:
🏆 FASALKA 8AAD 🏆
Sidaas darteed, Fasalka 8aad wuxuu si rasmi ah ugu soo baxay FINALKA tartanka. 👏🎉
Hambalyo dhammaan ciyaartoyda iyo taageerayaasha Fasalka 8aad oo soo bandhigay dadaal iyo ciyaar qurux badan. Sidoo kale Fasalka 6aad waxay muujiyeen ciyaar adag iyo tartan wanaagsan oo lagu farxo. 🤝
📢 F.G:
Maalinta la ciyaari doono FINALKA dib ayaa loo shaacin doonaa Insha Allaah.