14/08/2026
إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
"Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun."
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Kulliyadda Xisaabaadka (FASA), xubnaha ururka, macallimiinta, iyo dhammaan ardayda Kulliyadda Xisaabaadka waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan wasiirka arimaha gudaha FASA Abdullahi Osman Mahamud geerida naxdinta leh ee ku timid awoowgiis, Marxuum Mohamud Jiisow Cosoble, oo ku geeriyooday magaalada Mogadishu.
Waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu u naxariisto marxuumka, dembigiisana dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo, kitaabkiisana gacanta midig ka siiyo, kana waraabiyo Janatul Firdows.
Sidoo kale, waxaan Alle uga baryeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, iyo dhammaan intii uu ka baxay.
Alle ha u naxariisto Marxuum Mohamud Jiisow Cosoble, Janatul Firdowsana haka waraabiyo. Aamiin.