City university of Mogadishu Alumni

City university of Mogadishu Alumni Welcome to The Official CUM Alumni Page

Forever connected by our shared experiences,and memories

01/10/2025

HAMBALYO!!

Jaamacadda City ee Muqdisho, waxay hambalyo u diraysaa, Ms. Faduma Abdi Ali, oo ah Madaxweynihii ugu h**eeyay ee Dowladda Ardayda Jaamacadda City ee Muqdisho, oo ku guuleystay Scholarship “Future Public Policy Leaders program of Blavatnik School of Government” ee *Jaamacadda Oxford*.

Hambalyo, waxaan kuu rajeyneenaa guul iyo mustaqbal ifaaya.




25/09/2025

HAMBALYO!!

Jaamacadda City ee Muqdisho, waxay hambalyo u diraysaa, Saida Mohamed Hassan, oo ka tirsan CU Alumni, oo ku guuleystay “Türkiye -Burslari Scholarships” Master’s Degree of Social Services Policies and Practices, ee Jaamacadda Ankara Yildirim Beyazit, ee dalka Turkiga.

Hambalyo, waxaan kuu rajeyneenaa guul iyo mustaqbal ifaaya.



Hambalyo!Bahweynta Qalinjebiyasha Jaamacadda City waxay hambalyo u dirayaan Cabdinuur Xassan Maxamuud, xubin kamid ah Ci...
20/09/2025

Hambalyo!

Bahweynta Qalinjebiyasha Jaamacadda City waxay hambalyo u dirayaan Cabdinuur Xassan Maxamuud, xubin kamid ah City university of Mogadishu Alumni oo ku guuleystay “Türkiye -Burslari Scholarships ” Master’s Degree of Economic Development and International Economics.

Hambalyo Mr. Cabdinuur, waxaan kuu rajeyneenaa guul iyo mustaqbal wanaagsan.

12/09/2025
HambalyoDhammaan bahweynta Qalinjebiyaasha City University of Mogadishu, Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynaynaa Y...
04/09/2025

Hambalyo

Dhammaan bahweynta Qalinjebiyaasha City University of Mogadishu, Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynaynaa Yaxye Cabdiweli, oo ka mid ah qalinjebiyaasha Jaamacadda City, ku guuleystay Chevening Awards (FCDO), taasoo ah abaalmarin caalami ah.

Yaxye, hambalyo ayaan kuleenahay waxaan kuu rajeyneynaa mustaqbal ifaya, sidoo kalena waxaan ku rajo weynahay in aad aqoonta aad barato dib ugu soo celin doonto bulshadaada iyo dalkaaaga hooyo .

Mustaqbal wanaagsa.

28/06/2025

The Civil Engineering Department at City University congratulates its alumnus, Mohamed Sharif Hassan on receiving the highly competitive ICCR's India-Africa Maitri Scholarship.

This is award is a testimony to his hard work, dedication, and exceptional academic performance.

Keep reaching for the stars, Mohamed. Your alma mater is cheering you on every step of the way!

Naadiga Qalinjebiyeyaasha City University of Mogadishu wuxuu u hambalyeynayaa Abdifatah Isak, xubin ka mid ah City unive...
04/10/2024

Naadiga Qalinjebiyeyaasha City University of Mogadishu wuxuu u hambalyeynayaa Abdifatah Isak, xubin ka mid ah City university of Mogadishu Alumni, oo ka qelinjebiyay Bursa Technical University ee dalka Türkiye. Abdifatah Isak wuxuu ku qalinjebiyay Master's Degree in Environmental Engineering.

Abdifatah wuxuu ka mid noqonayaa alumni-ga tayada badan ee City University of Mogadishu ee guulaha akadeemiga ah gaaray. Hambalyo ayaan leennahay mar kale.

29/09/2024

Jaamacadda City waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Mulki Abukar oo ka mid ah ardayda qalinjebisay (alumni) ee Jaamacadda, kadib markii ay ku guuleysatay abaalmarinta weyn ee (𝐓𝐨𝐩 𝟏𝟎𝟎 𝐂𝐲𝐛𝐞𝐫𝐬𝐞𝐜𝐮𝐫𝐢𝐭𝐲 𝐖𝐨𝐦𝐞𝐧 𝐭𝐨 𝐖𝐚𝐭𝐜𝐡 𝐢𝐧 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚 (𝐓𝟏𝐂𝐖𝐖𝐀) 𝟐𝟎𝟐𝟒).
Waxaan leenahay hambalyo iyo bogaadin guusha aad usoo hoysay bahda Jaamacadda iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed. Guul iyo horumar intaa kasii badan ayaan ku rajaynaynaa.



27/09/2024

Naadiga Qalinjebiyeyaasha City University of Mogadishu wuxuu u hambalyeynayaa Mohamud Shawul Abdirahman, xubin ka mid ah City university of Mogadishu Alumni, oo ka qelinjebiyay 名古屋大学 Nagoya University ee dalka Japan. Mohamud Shawul wuxuu gabagabeeyay Master's Degree in Civil & Environmental Engineering ee uu waday labadii sano ee la soo dhaafay.

Mohamud Shawul wuxuu ka mid noqonayaa qalinjebiyeyaasha Jaamacadda City ee ka faa'idaystay minxooyinka caalamiga ah ee ay bixiyaan hay'adaha kala duwan, gaar ahaan Shawul wuxuu ka faa'isaystay scholarship ay bixiso Hay'adda JICA ee Japan. Guul ayaan u rajeynaynaa Mr. Shawul.

Hambalyo:~Naadiga QalinJebiyaasha City University of Mogadishu waxa ay u hambalyeeynayaan Ahmed Shookari oo ka mid ahaa ...
06/09/2024

Hambalyo:~
Naadiga QalinJebiyaasha City University of Mogadishu waxa ay u hambalyeeynayaan Ahmed Shookari oo ka mid ahaa arday h**e iyo bareyaasha Jaamacadda City University oo deeq waxbarasho (Full-Scholarship) ahna darajada sidaxaad (PhD Doctoral degree) kahelay mid kamid ah jaamacaddaha ugu horreeya dalka Japan UNIVERSITY.

Mr. Axmed, waxaa Japan kusoo dhaweeyay Eng. Shawul Abdirahman oo isna ah arday h**e ee Jaamacadda City oo hadda dalka Japan kadiyaarinaya darajada labaad.

QalinJebiyaasha jaamacadda City (City University Alumni) sida horay looga bartay ayaa kamid ah ardayda ugu badan ee ka faa'iidaysata deeqaha waxbarasho ee caalamiga ah taas oo ay ka saaciday aqoonta iyo tayada jaamacadda City u diyaarisay ardaydeeda una sahashay in ay sharuudaha deeqaha waxbarasho si sahal ah u buuxiyaan.

Aqoontu waa iftiin
[email protected]






Hambalyo:~Naadiga QalinJebiyaasha City University of Mogadishu waxa ay u hambalyeeynayaan. Eng/Arch Abdullahi Abdulrahma...
05/09/2024

Hambalyo:~
Naadiga QalinJebiyaasha City University of Mogadishu waxa ay u hambalyeeynayaan. Eng/Arch Abdullahi Abdulrahman Muhudiin Kalcaan Abdulrahman oo ka mid ahaa arday h**e ee Jaamacadda City ka aflaxay oo deeq waxbarasho (PhD Full-Scholarship) ahna darajada sidaxaad (Doctoral degree) kahelay Jaamacadda Central European University oo ku taalla dalka Austria, kana mid ah jaamacaddaha ugu darajada sarreeya dalkaas.

Waxaa sawirla ka muuqda qaar kamid ah ardayda Jaamacadda King Fahd University of Petroleum & Minerals oo iyana ah arday h**e uga aflaxday Jaamacadda City University of Mogadishu oo sagootinaya Abdullahi.

QalinJebiyaasha jaamacadda City sida horay looga bartay ayaa ah ardayda ugu badan ee ka faa'iidaysata deeqaha waxbaraaho ee caalamiga ah taas oo ay ka saaciday aqoonta iyo tayada jaamacadda City u diyaarisay ardaydeeda una sahashay in ay sharuudaha deeqaha waxbarasho si sahal ah u buuxiyaan.

Aqoontu waa iftiin
[email protected]


22/08/2024

🎓 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐢𝐭𝐲 𝐨𝐨 𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚 𝟏𝟎𝟎 𝐚𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐨𝐨𝐝𝐞𝐞𝐪 𝐰𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐚𝐧 🎓
Deeqda waxbarasho waxey ka kooban tahay:
✅Master of Social Work (Mental Health Specialization)
✅Master of Agribusiness and Value Chain Development
✅Bachelor of Maritime Studies
✅Bachelor of Agriculture
✅Bachelor of Law
✅Bachelor of Public Health
✅TOEFL Certification
✅Certificate in Graphics and Multimedia

✍🏼𝑺𝒊 𝒂𝒂𝒅 𝒊𝒔𝒖 𝒅𝒊𝒊𝒘𝒂𝒂𝒏𝒈𝒆𝒍𝒊𝒔𝒐 𝒃𝒐𝒐𝒒𝒐 𝒘𝒆𝒃𝒔𝒊𝒕𝒆-𝒌𝒂 𝒋𝒂𝒂𝒎𝒂𝒄𝒂𝒅𝒅𝒂

https://www.cu.edu.so/scholarships.html

Daneeyayaasha Master of Social Work (Mental Health) ha booqdaan bogga facebook ee jaamacadda oo ay ka heli doonaan macluumaad dheeraad ah https://www.facebook.com/share/p/pRQDP92AG7DeSzLn/

Daneeyayaasha 𝐌𝐚𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐨𝐟 𝐀𝐠𝐫𝐢𝐛𝐮𝐬𝐢𝐧𝐞𝐬𝐬 𝐚𝐧𝐝 𝐕𝐚𝐥𝐮𝐞 𝐂𝐡𝐚𝐢𝐧 𝐃𝐞𝐯𝐞𝐥𝐨𝐩𝐦𝐞𝐧𝐭 ha booqdaan bogga facebook ee jaamacadda oo ay ka heli doonaan macluumaad dheeraad ah

https://www.facebook.com/share/r5KZmvvrZdd7Tu2X/

Daneeyayaasha bachelor’s degrees iyo certificate programs waxaa lagu wargelinayaa in la qaadi doono imtixaan guud maalinta 𝗔𝘅𝗮𝗱𝗱𝗮, 𝟭 𝗦𝗲𝗽𝘁𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟰, 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶𝗴𝗮 𝟭𝟬:𝟬𝟬 𝘀𝘂𝗯𝗮𝘅𝗻𝗶𝗺𝗼.

📍𝑮𝒐𝒐𝒃𝒕𝒂 𝒊𝒎𝒕𝒊𝒙𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 waa xarunta Jaamacadda City ee 𝑩𝒐𝒐𝒏𝒅𝒉𝒆𝒆𝒓𝒆 (𝒀𝒖𝒔𝒖𝒇 𝑨𝒍-𝑲𝒂𝒘𝒏𝒂𝒚𝒏 𝑪𝒂𝒎𝒑𝒖𝒔) oo u dhaxeeya Daljirka Dahsoon iyo Hotel Juba. Haddii aad u baahato in lagu tilmaamo fadlan soo wac telefankan 𝟎𝟔𝟏𝟔𝟓𝟕𝟖𝟖𝟗𝟖.

Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo xarumaha jaamacadda ee kala ah: Town Campus (Taleex), Tre-piano campus, Yusuf Al-Kawnayn campus (Boondheere).

Address

Makkah Al Mukarramah Road KM-4, Square
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when City university of Mogadishu Alumni posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share