15/06/2026
Waxaa si guul leh u soo gabagaboobay tababar socday muddo saddex maalmood ah oo ku saabsan Maaraynta Cadaadiska iyo Dhaawacyada Nafsiyeed (Stress and Trauma Management), kaas oo loo qabtay ardayda dhigata Diploma-ga Saxaafadda.
Tababarku wuxuu ardayda siiyay aqoon iyo xirfado wax-ku-ool ah oo ku saabsan sida loo aqoonsado, loo maareeyo, loogana hortago saameynta cadaadiska iyo dhaawacyada nafsiyeed, gaar ahaan marka ay gudanayaan hawlaha la xiriira saxaafadda iyo warbaahinta.
Intii uu tababarku socday, ka qaybgalayaashu waxay barteen farsamooyin lagu xoojinayo caafimaadka maskaxda, adkaysiga shaqsiga, iyo hababka looga falceliyo xaaladaha adag ee ay la kulmi karaan inta ay ku guda jiraan xirfaddooda mustaqbalka.
Kuliyadda Culuumta Bulshada waxay sii waddaa dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo dhisidda awoodda ardayda, si ay u noqdaan xirfadlayaal leh aqoon, karti, iyo adkaysi, kana qayb qaata horumarinta bulshada iyo warbaahinta dalka.