Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Directions

Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Bogga Rasmiga ee Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

16/09/2026
22/08/2026

OGEYSIIS

Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay ku wargelinaysaa Dufcadihii h**e uga baxay Dibloomada Laba (2) sano ee Saxaafadda, ee danaynaya inay sii wataan waxbarashadooda si ay u gaaraan Heerka Koowaad ee Jaamacadda (Bachelorโ€™s Degree), inay is-diiwaangeliyaan muddada u dhexeysa:

23-08-2026 ilaa 10-09-2026

Shuruudaha Diiwaangelinta:

1. Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA).
2. Laba (2) sawir oo teesaro ah.
3. Shahaadada Dugsiga Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
4. Gal (File) bir leh, midabkiisuna aheyn madow ama baluug.

F.G:

Xarunta Diiwaangelintu waa Kulliyadda Farsamada ee KM4.

Kulan Soo Dhaweyn ah oo loo Sameeyay Hormuudka Kulliyadda Culuumta BulshadaKulliyadda Culuumta Bulshada ayaa kulan soo d...
15/08/2026

Kulan Soo Dhaweyn ah oo loo Sameeyay Hormuudka Kulliyadda Culuumta Bulshada

Kulliyadda Culuumta Bulshada ayaa kulan soo dhaweyn iyo is-xog-waraysi ah u qabatay Hormuudka Kulliyadda Culuumta Bulshada, kaas oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib muddo uu dalka ka maqnaa.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Hormuud-ku-xigeenka Kulliyadda, Prof. Omar Cabdi, madaxda HOD-yada, macallimiinta Kulliyadda Culuumta Bulshada iyo maamulka kulliyadda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray soo dhaweynta Hormuudka, is-xog-waraysiga, iyo qorshayaasha sannad-dugsiyeedka cusub.

Sidoo kale, maanta waxaa la shaaciyay natiijooyinka ardayda, iyadoo maamulka iyo macallimiintu ay ardayda ugu hambalyeeyeen natiijooyinka ay gaareen, una rajeeyeen guul iyo horumar dheeraad ah.

Waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay ardayda Dibloomada Saxaafadda iyo saxafiyiinta ka hawlgala warbaahinta dowladda iyo ...
06/08/2026

Waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay ardayda Dibloomada Saxaafadda iyo saxafiyiinta ka hawlgala warbaahinta dowladda iyo kuwa madaxa-bannaan ee soo dhammaystay tababarka Maaraynta Cadaadiska iyo Dhaawacyada Nafsiyeed (Stress and Trauma Management), kaas oo socday Saddex maalmood, isla markaana ay iska kaashadeen Kulliyadda Culuumta Bulshada, gaar ahaan Waaxda Isgaarsiinta iyo Daraasaadka Warbaahinta, iyo Fojo Media Institute

Ka qaybgalayaashu waxay tababarka ka kororsadeen aqoon iyo xirfado muhiim u ah ilaalinta caafimaadka maskaxda, maaraynta cadaadiska iyo la tacaalidda xaaladaha adag ee ay la kulmaan saxafiyiintu, iyadoo tababarkani uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo xirfadaha saxafiyiinta iyo tayeynta waxbarashada saxaafadda.

Isniin Tr: 29/6/2026 Ujeedo: MagacaabisHormuudka ๐—ž๐˜‚๐—น๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ Culuumta Bulshada Prof.Abdulqadir Mohamed Dhicisow,Madaxa Ma...
29/06/2026

Isniin Tr: 29/6/2026

Ujeedo: Magacaabis

Hormuudka ๐—ž๐˜‚๐—น๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ Culuumta Bulshada Prof.Abdulqadir Mohamed Dhicisow,Madaxa Maamulka, Madax Qeebeedyada,iyo Guddiga ๐—ž๐˜‚๐—น๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ Culuumta Bulshada waxay si rasmi ah ugu magacaabeen Mr. Iman Abdirahman Abdi ahna arday dhameeyay Kuliyadda Culuumta Bulshada in uu noqdo ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ Naadiga ๐—”๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ Qalin-jebiyaasha (๐—”๐—น๐˜‚๐—บ๐—ป๐—ถ ๐—”๐˜€๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ถ๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป) ee Kulliyadda Culuumta Bulshada ( Faculty of Social Sciences).

Mr. Iman Abdirahman Abdi wuxuu ka mid yahay aqoonyahannada Dhalinyarada ah ee ku suntan hal-abuurnimo, dadaal iyo u adeegidda bulshada meel walbo ee joogaan.

Waxaan u rajaynaynaa Guul iyo Horumar buuxa xilka cusub ee uu qaaday, annagoo kalsooni buuxda ku qabna in uu noqdo Hoggaamiye mideeya Ardayda dhameysay iyo kulliyadda, isla markaana sii xoojiyo xiriirka, isdhexgalka, iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee guud ahaan bulshada. Wadashaqeyn wacan

Kulliyadda Culuumta Bulshada oo markale gaartay Finalka Tartanka Ciyaaraha Jaamacadda Ummadda SoomaaliyeedTartanka ciyaa...
25/06/2026

Kulliyadda Culuumta Bulshada oo markale gaartay Finalka Tartanka Ciyaaraha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
Tartanka ciyaaraha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa maraya heer gabagabo ah, iyadoo galabta la ciyaaray wareegga Semi-finalka oo dhex maray Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Kulliyadda Culuumta Bulshada.
Ciyaar adag oo xiiso badan kadib, Kulliyadda Culuumta Bulshada ayaa xaqiijisay guul muhiim ah, taasoo u suurtagelisay inay u gudubto Finalka tartanka.
Kulliyadda Culuumta Bulshada ayaa ah kooxda difaacanaysa koobka, maadaama ay ku guuleysatay horyaalka sanadkii h**e.

Haddana waxay mar kale fadhiisatay Finalka, iyadoo higsanaysa inay sii haysato hanashada koobka isla markaana qorto taariikh cusub oo guulo xiriir ah.
Taageerayaasha iyo maamulka kulliyadda ayaa muujiyay farxad iyo kalsooni ay ku qabaan kooxda, iyagoo rajeynaya in ciyaarta Finalka ay kusoo afjari doonaan guul iyo koob kale

Waxaa si guul leh u soo gabagaboobay tababar socday muddo saddex maalmood ah oo ku saabsan Maaraynta Cadaadiska iyo Dhaa...
15/06/2026

Waxaa si guul leh u soo gabagaboobay tababar socday muddo saddex maalmood ah oo ku saabsan Maaraynta Cadaadiska iyo Dhaawacyada Nafsiyeed (Stress and Trauma Management), kaas oo loo qabtay ardayda dhigata Diploma-ga Saxaafadda.

Tababarku wuxuu ardayda siiyay aqoon iyo xirfado wax-ku-ool ah oo ku saabsan sida loo aqoonsado, loo maareeyo, loogana hortago saameynta cadaadiska iyo dhaawacyada nafsiyeed, gaar ahaan marka ay gudanayaan hawlaha la xiriira saxaafadda iyo warbaahinta.

Intii uu tababarku socday, ka qaybgalayaashu waxay barteen farsamooyin lagu xoojinayo caafimaadka maskaxda, adkaysiga shaqsiga, iyo hababka looga falceliyo xaaladaha adag ee ay la kulmi karaan inta ay ku guda jiraan xirfaddooda mustaqbalka.

Kuliyadda Culuumta Bulshada waxay sii waddaa dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo dhisidda awoodda ardayda, si ay u noqdaan xirfadlayaal leh aqoon, karti, iyo adkaysi, kana qayb qaata horumarinta bulshada iyo warbaahinta dalka.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 11 Juun 2026, Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ...
11/06/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 11 Juun 2026, Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta isgarsiinta iyo Warbaahinta, waxa lagu qabtay tababar loogu talagalay 15 arday oo ka qalin-jabisay Diploma-ha saxaafadda. Tababarkan ayaa ah wajigii labaad ee tababarka Maaraynta Walbahaarka iyo Qalbiga Jabka Nafsadeed (Stress and Trauma Management), wuxuuna socon doonaa muddo saddex maalmood ah

Tababarka waxaa bixinaya shan (5) Tababare Tababarayaal (TOT) oo ku soo tababartay wajigii koowaad ee tababarka, kaas oo la qabtay 4โ€“6 May 2026
Tababarka waxaa furay Ku-simaha Hormuudka Kulliyadda Culuumta Bulshada, Prof. Cumar Maxamed Cabdi, Waxaana goob-joog ka ahaa Madaxa Qaybta isgaarssinta iyo Warbaahinta, Ustaad Xasan Shiikh Cumar, iyo Madaxa Qaybta Shaqada Bulshada iyo Cilmiga Bulshada, Dr. Cabdiraxmaan Daahiye. Sidoo kale, tababarka waxaa qayb ka ahaa labo khabiir oo horay u tababary shanta tababare oo ahaa Khubaro dibadeed (external experts) oo qabtay tababarkii koowaad: oo kala ah Dr. Maxamed Daahir oo ku takhasusay Cilmi-nafsiga. (psychology), iyo Ahmed Cali Maxamed oo ah khabiir ku takhasusay warbaahinta (media expert).
Masโ€™uuliyiinta ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ardayda saxaafadda iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ay helaan tababaro la xiriira maaraynta walbahaarka iyo qalbiga jabka nafsadeed ee ka dhalan kara shaqada saxaafadda iyo xaaladaha kala duwan ee nolosha.

Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa maanta qabatay kulan cilmiyeed muhiim ah oo uu mart...
24/05/2026

Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa maanta qabatay kulan cilmiyeed muhiim ah oo uu marti ku ahaa Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda wadajirka bulshada, ilaalinta qiyamka mideeya ummadda, iyo doorka dhalinyarada ee horumarka dalka.

Danjiraha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta taariikhda iyo dhaqanka bulshada si loo xoojiyo midnimada iyo xasilloonida qaranka. Sidoo kale, wuxuu ka hadlay kaalinta waxbarashada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dhismaha bulsho mideysan.

Ardayda kulliyadda ayaa madasha ku weydiiyay suโ€™aalo la xiriira xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, horumarinta waxbarashada, iyo doorka dhalinyarada ee horumarka bulshada.

Kulliyadda Culuumta Bulshada waxay sii waddaa qabashada kulamo aqooneed oo kor u qaadaya fahamka iyo wacyiga bulshada.

โ€” DHAMMAAD โ€”

Address

KM4
Mogadishu

Opening Hours

Monday 07:30 - 15:30

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share