25/10/2025
Kulliyadda Luqadaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa kulan jihayn ah u samaysay ardayda cusub ee sanad-dugsiyeedkan nasiibka u helay inay ku soo biiraan Kulliyadda Luqadaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Hormuudka Kulliyadda Luqadaha, Prof. Dr. Maxamed Cali Cumar Shiidow, maamulka kulliyadda, barayaasha iyo ardayda kulliyadda ayaa sharaxaad kooban ka siiyay ardayda hawlaha guud ee jaamacadda, kulliyadda iyo midowga ardayda.
Sidoo kale, ardayda cusub ayaa lala wadaagay talooyin wax ku ool ah oo sahay u noqon doona inta ay ku jiraan safarkooda waxbarasho ee jaamacadda.
Gabaggabada kulanka, ardayda cusub ayaa soo bandhigay dareenkooda ku aaddan safarka cusub ee u bilowday iyo sida ay u xiisaynayaan ka mid noqoshada Kulliyadda Luqadaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
__
The Faculty of Languages at the Somali National University held an orientation session for the new students who were fortunate to be admitted to the faculty for this academic year.
The Dean of the Faculty of Languages, Prof. Dr. Mohamed Ali Omar Shiidow, along with the faculty administration, lecturers, and students, gave the newcomers a brief explanation about the general activities of the university, the faculty, and the student union.
Additionally, the new students received practical advice that will serve as guidance throughout their academic journey at the university.
At the conclusion of the session, the new students shared their feelings about this new chapter of their journey and expressed their excitement about becoming part of the Faculty of Languages at the Somali National University.