12/05/2026
Kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Soomaaliya ayaa soo agaasintay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Kalkaaliyaasha, taasoo sanad walba la xuso 12ka May,
Maalintan waxa ay fursad u tahay in lagu maamuuso kaalinta muhiimka ah ee kalkaaliyaashu kaga jiraan daryeelka caafimaadka, badbaadinta nolosha iyo horumarinta adeegyada caafimaad ee bulshada.
Jaamacadda Soomaaliya waxay u hambalyaynaysaa dhammaan kalkaaliyaasha Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka, waxaad tihiin geesiyaal u heellan badbaadinta nolosha.