01/05/2026
Hambalyo iyo Bogaadin
Jaamacadda Tayo ee Soomaaliya waxay si sharaf iyo qaddarin leh hambalyo ugu diraysaa Dr. Xasan Maxamed Sayid, Guddoomiyaha University of Somalia (UNISO), munaasabadda loo doortay xilka Guddoomiyaha Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU).
Tani waa guul muhiim ah oo muujinaysa kalsoonida, hoggaanka hufan, iyo doorka muuqda ee uu ku leeyahay horumarinta waxbarashada sare ee Soomaaliya.
Waxaan Alle uga baryaynaa inuu ku garab galo masuuliyaddan culus, kana siiyo xikmad, caafimaad, iyo guul uu ku hormariyo iskaashiga jaamacadaha Soomaaliyeed, tayeynta aqoonta, iyo horumarka jiilka mustaqbalka.
Hambalyo sharaf leh, waxaana kuu rajaynaynaa guul, horumar, iyo hoggaan miro-dhal ah.