29/04/2026
Kulliyada beeraha iyo culuumta deegaanka Jaamacada Mogadishu ayaa qabatey dhowr activity usbuucii la soo dhaafey;
qaar kamid ah ardeyda kulliyada aya dhir beeris ku sameeyey kambaska weyn ee jaamacada iyagoo xusayey munaasabada maalinta dhir beerista qaranka, kulliyada ayaa soo agaasintey workshop aad muhiim u ahaa kasoo cinwankiisu ahaa Adeegsiga Badbaadsan ee Sumaha Beeraha si loo ilaaliyo badqabka deegaanka loona hormariyo waxsoosaarka beeraha. Sidoo kale kulliyada waxey maalinta Axada (26-04-2026) qabatey seminar aad muhiim u aha oo la xiriirey maadada Plant biotechnology.