07/07/2026
Jaamacadda Almaas ayaa si rasmi ah u soo xirtay Tabobarkii Dhagxaanta Qaaliga ๐๐ฒ๐บ๐ผ๐น๐ผ๐ด๐, munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen maamulka Jaamacadda Almaas, marti sharaf kala duwan, iyo arday ka kala socday jaamacadaha dalka kuwaas oo si guul leh u dhammeystay.
Munaasabadda ayaa ahayd mid lagu maamuusay guusha ardayda, laguna bogaadiyay dadaalkii iyo waqtigii ay geliyeen barashada cilmiga Gemology, oo ah aqoonta lagu barto aqoonsiga, qiimeynta, iyo fahamka dhagaxyada qaaliga ah.
Intii ay munaasabaddu socotay, waxaa hadallo dhiirrigelin iyo hambalyo isugu jiray jeediyay masuuliyiinta Jaamacadda Almaas. Ugu horreyn, waxaa munaasabadda ka hadlay Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Jaamacadda Almaas, ๐๐ป๐ด. ๐ ๐ผ๐ต๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฏ๐ฑ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ต๐บ๐ฎ๐ป, oo hambalyo u diray ardayda qalin-jabisay, kuna ammaanay dadaalkooda iyo sida ay uga faa'iideysteen fursadda waxbarasho ee Jaamacaddu bixisay. Sidoo kale, wuxuu adkeeyay sida Jaamacadda Almaas uga go'an tahay horumarinta xirfadaha iyo aqoonta casriga ah ee bulshada Soomaaliyeed.
Dhankiisa, ๐๐ป๐ด. ๐ ๐ผ๐ต๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฏ๐๐ฏ๐ฎ๐ธ๐ฎ๐ฟ ๐๐น๐ถ oo ahaa macallinka bixiyay Barnaamijka Diploma Gemology, ayaa uga mahadceliyay ardayda dadaalkooda iyo sida ay uga go'neyd barashada cilmigan. Wuxuu sidoo kale ku boorriyay inay aqoontooda u adeegsadaan horumarinta xirfaddooda iyo kobcinta bulshada.