28/10/2025
🏆 WARSHIIKH OO ISKA XADIRTAY FINAL-KA DAGMOOYINKA GOBOLKA BANAADIR 🏆
Kooxda degmada Warshiikh ayaa si rasmi ah ugu gudubtay final-ka koobka dagmooyinka gobolka Banaadir kaddib ciyaar adag oo ay guul ka gaartay dhigooda kaaraan
Ciyaarta oo ahayd mid xiiso iyo tartan adag leh ayaa Warshiikh muujisay dadaal, isku-duubni iyo xirfad sare, taasoo u suurtagelisay inay xaqiijiyaan booska finalka.
Guushan ayaa soo jiidatay taageerayaasha degmada oo si weyn u dabaaldegay, iyagoo ballan qaaday inay si buuxda u garab istaagi doonaan kooxda kulanka k**a dambeysta ah.
👉 Final-ka ayaa la filayaa inuu noqdo mid taariikhi ah, Warshiikhna waxay u muuqataa koox diyaar u ah inay qaado koobka sanadkan.