19/08/2026
TACSI
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.
Maamulka, macallimiinta iyo dhammaan ardayda kulliyadda waxbarashada iyo Culuumta aadanaha waxay ka tacsiyeynayaan geerida ku timid Ustaad Mohamed Omar Mayow, oo kamid ahaa ardeydii ka qalin badalatay kulliyadda waxbarashada iyo Culuumta aadanaha.
Waxaan murugada iyo xanuunka geerida la qeybsaneyna qoyska, ehelka, asxaabta iyo dhammaan intii uu ka baxay.
Waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu marxuumka naxariistiisa waasac ah ku gallado, qabrigiisana u waasiciyo, kitaabkiisana midigta ka siiyo. Sidoo kale, waxaan Alle uga baryeynaa qoyskiisa iyo dhammaan eheladiisa samir iyo iimaan inuu ka siiyo.
إنا لله وإنا إليه راجعون