Aden Adde International University-AAIU

Aden Adde International University-AAIU official page for Aden Adde International University learn at aden Adde,please visit us: www.aaiu.edu.so.

Bahda Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde (AAIU) waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Ismahan Ismail Ali, oo loo ma...
24/08/2026

Bahda Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde (AAIU) waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Ismahan Ismail Ali, oo loo magacaabay Secretary of Postgraduate Studies & Aden Abdulle Campus Director .

Magacaabistan waxay ka tarjumaysaa kalsoonida iyo aqoonta ay jaamacaddu ku qabto Ismahan, iyadoo looga fadhiyo inay sii xoojiso adeegyada maamulka Jaamacadda.

Waxaan u rajaynaynaa Ismahan Ismail Ali guul, horumar iyo masuuliyaddan cusub oo ay si hufan ugu adeegto jaamacadda iyo bulshada.

23/08/2026

๐Ÿ“ข OGEYSIIS MUHIIM AH

Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde (AAIU) waxay ogeysiinaysaa Ardayda sanadkan kasoo baxday dugsiga sare iyo kuwa rabo inay sii wataan aqoontooda in ay furantahay diiwaangelinta sannad-dugsiyeedka 2026โ€“2027.

Haddii aad raadineyso waxbarasho tayo sare leh, macallimiin khibrad leh, iyo jawi waxbarasho oo ku diyaarinaya hoggaaminta mustaqbalka, maanta waa waqtigii aad tallaabada qaadi lahayd.
๐Ÿ“š Isdiiwaangeli maanta, kana mid noqo jiilka hoggaamiyeyaasha berrito.

๐Ÿ“ž Call Center: 7979
๐Ÿ“ฑ +252 613 960 706 | +252 613 960 708
๐ŸŒ www.aaiu.edu.so

Aden Adde International University
Home of Symbolic Leaders
See less

Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde, Dr. C/Qaadir Axmed Mahad, ayaa qayb ka ah High-Level Panel Discussi...
22/08/2026

Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde, Dr. C/Qaadir Axmed Mahad, ayaa qayb ka ah High-Level Panel Discussion oo looga hadlayo:

โ€œFrom Policy to Practice: Building a Trusted, Equitable and Sustainable Social Health Insurance System.โ€

Kulankan oo diiradda lagu saarayo horumarinta iyo hirgelinta Caymiska Caafimaadka Bulshada, ayaa isu keenaya khubaro iyo hoggaamiyeyaal ka kala socda hayโ€™adaha caafimaadka, jaamacadaha iyo ururrada caafimaadka, si looga doodo sidii loo dhisi lahaa nidaam caymis caafimaad oo la isku halleyn karo, loo siman yahay, waara, isla markaana bulshada si hufan ugu adeegaya.




Ma rabtaa inaad ogaato koorsooyinka, deeqaha waxbarasho iyo habka is-diiwaangelinta ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan ...
19/08/2026

Ma rabtaa inaad ogaato koorsooyinka, deeqaha waxbarasho iyo habka is-diiwaangelinta ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde?

Nagula kulan anagoo ah Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde bandhigga ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข ๐‡๐ข๐ ๐ก๐ž๐ซ ๐„๐๐ฎ๐œ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐„๐ฑ๐ฉ๐จ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” ( #๐’๐Ž๐Œ๐‡๐„๐—๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”), halkaas oo aad ka heli karto dhammaan macluumaadka aad uga baahan tahay waxbarashada jaamacadda, fursadaha waxbarasho iyo habka is-diiwaangelinta.

๐Ÿ“ Goobta: Beerta Banaadir
๐ŸŽŸ๏ธ Fiiro Gaar ah: Gelitaanka Beerta Banaadir waa BILAASH!

Waxaan sugaynaa si aan idiinla wadaagno fursadaha waxbarasho ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Isdiiwaangeli maanta, kana mid noqo jiilka hoggaamiyeyaasha berrito.

๐Ÿ“ž Call Center: 7979
๐Ÿ“ฑ +252 613 960 706 | +252 613 960 708
๐ŸŒ www.aaiu.edu.so

Aden Adde International University
Home of Symbolic Leaders.

Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde waxay qayb Ka tahay Third Annual Peace Conference, oo maanta, 19 Agoosto 2026, la...
19/08/2026

Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde waxay qayb Ka tahay Third Annual Peace Conference, oo maanta, 19 Agoosto 2026, lagu qabanayo Muqdisho.

Mr. Hassan Mohamed Olad, Ku-xigeenka Guddoomiyaha dhanka Maamulka iyo Maaliyadda ee AAIU, ahna cilmi-baare, ayaa shirka ku soo bandhigayo cilmi-baaris ku saabsan dekedaha, saldhigyada iyo loollanka siyaasadeed ee UAE, Saudi Arabia iyo Qatar ee Geeska Afrika.

Jaamacaddu waxay ku faanaysaa aqoonyahannadeeda ka qaybqaadanaya shirarka, cilmi-baarista iyo doodaha muhiimka u ah nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.

Hambalyo iyo BogaadinBahda Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Ustaad C/qaadir...
19/08/2026

Hambalyo iyo Bogaadin

Bahda Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Ustaad C/qaadir Maxamed Xasan, oo markale loo doortay Guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Doorashadan waxay ka tarjumaysaa kalsoonida bahda waxbarashadu ku qabto Ustaad C/qaadir, iyo dadaalka uu ku bixiyay horumarinta waxbarashada.

Waxaan kuu rajaynaynaa hoggaan wanaagsan, guul iyo horumar joogto ah muddada aad xilka hayso.

Hambalyo Ustaad C/qaadir Maxamed Xasan!

18/08/2026

Hormuudka Kuliyadda Medicine and Surgery, Prof. Dr. Maxamuud Zahid Maxamuud, ayaa warbixin guud ka bixinaya Kuliyadda Dawada iyo Qalliinka, isagoo si faahfaahsan uga hadlay fursadaha waxbarasho, tayada aqoonta iyo tababarrada ay kuliyaddu u diyaariso ardayda.

Diiwaangelinta Sanad-dugsiyeedka 2026โ€“2027 waa Furan Tahay!

Haddii aad doonayso inaad barato Medicine and Surgery oo aad hesho waxbarasho tayo leh, tababarro caafimaad iyo jawi waxbarasho oo heer sare ah, Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa kuu diyaarsan.

Kusoo Dhawoow Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde Hoyga Hoggaamiyeyaasha ku Dayashada Mudan!











Bahda Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Ku-xigeenka Xafiiska Arrimaha Ardayd...
16/08/2026

Bahda Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Ku-xigeenka Xafiiska Arrimaha Ardayda, Mss. Ismahaan Ismaaciil Cali, oo soo afmeertay heerka labaad ee waxbarashada jaamacadda (Masterโ€™s Degree).

Guushan waa mid ka tarjumaysa dadaal iyo goโ€™aan adag oo aad ku horumarinayso aqoonta iyo xirfaddaada.

Waxaan kuu rajaynaynaa guulo iyo horumar intan ka sii weyn, adigoo aqoontaada uga faaโ€™iideynaya bulshada iyo jiilka soo socda.

Hambalyo Ismahaan, Guul iyo horumar joogto ah ayaan kuu rajaynaynaa.









16/08/2026

๐Ÿ“ข OGEYSIIS MUHIIM AH

Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde (AAIU) waxay ogeysiinaysaa Ardayda sanadkan kasoo baxday dugsiga sare iyo kuwa rabo inay sii wataan aqoontooda in ay furantahay diiwaangelinta sannad-dugsiyeedka 2026โ€“2027.

Haddii aad raadineyso waxbarasho tayo sare leh, macallimiin khibrad leh, iyo jawi waxbarasho oo ku diyaarinaya hoggaaminta mustaqbalka, maanta waa waqtigii aad tallaabada qaadi lahayd.

๐Ÿ“š Isdiiwaangeli maanta, kana mid noqo jiilka hoggaamiyeyaasha berrito.

๐Ÿ“ž Call Center: 7979
๐Ÿ“ฑ +252 613 960 706 | +252 613 960 708
๐ŸŒ www.aaiu.edu.so

Aden Adde International University
Home of Symbolic Leaders

Hambalyo Ardayda Fasalka 12aadBahda Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde (AAIU)  waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaa...
15/08/2026

Hambalyo Ardayda Fasalka 12aad

Bahda Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde (AAIU) waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan ardayda fasalka 12aad ee dugsiyada sare, kuwaas oo maanta si guul leh uga gudbay Imtixaanka Qaranka.

Guushan waxay astaan u tahay dadaalkii, samirkii iyo juhdigii aad geliseen waxbarashadiinna, waxaan idiin rajaynaynaa mustaqbal ifaya, guul waxbarasho iyo horumar , idinkoo u gudbaya marxaladda jaamacadeed iyo nolol aqooneed oo cusub.

Hambalyo dhammaantiin, Guushu waa bilowga safar cusub.










Address

Aden Adde Street
Mogadishu
N/U

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Aden Adde International University-AAIU posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Aden Adde International University-AAIU:

Shortcuts

Share