26/11/2025
Maanta waxaa iskuulka Al-ma'mun Al-azhari primary and secondary Institute Mugadisho xaruntiisa caymiska ka dhacday xafladda Maalinta Macallinka, taas oo si qurux badan oo habaysan loo agaasimay.
Xafladdan waxaa lagu maamusay doorka weyn ee macallimiintu ka qaataan dhismaha aqoonta, anshaxa iyo mustaqbalka ardayda.
Ardaydu waxay soo bandhigeen barnaamijyo kala duwan sida heeso, gabayo iyo hadallo kooban oo mahadnaq ah. Waxa ay muujiyeen ixtiraam iyo qadarin ay u hayaan macallimiinta dadaalka badan galiya tarbiyadda iyo waxbarista.
Maamulka iskuulkuna wuxuu u mahadceliyay macallimiinta, isaga oo xusay in maalintaan ay tahay maalin lagu maamuuso haldoorka bulshada, kuwaas oo iftiimiya waddada aqoonta.
Xafladda ayaa kusoo dhammaatay jawi farxad, isku-duubni iyo mahadnaq guud.