16/07/2025
Waxaa si rasmi ah uga bilowday Jaamacadda Jazeera maanta koorsada Visual Design (Naqshadeynta Muuqaalka) taas oo qayb ka ah barnaamijka Summer Trainings ee JUFOCOSIT. iyada oo ujeedkoodu yahay in la kobciyo xirfadaha iyo hal-abuurka ardayda.
Koorsada Visual Design ee tababarka xagaaga waxa ay si qoto dheer diiradda u saaraysaa barashada naqshadeynta muuqaalka ee casriga ah, iyada oo ardaydu ku baranayaan xirfado muhiim ah sida sameynta naqshadaha suuq-geynta ee loo adeegsado baraha bulshada, naqshadaha ganacsiga sida ID cards, business cards, iyo letterheads, iyo sidoo kale isticmaalka mockups si nashqadaha loogu bandhigo si xirfadaysan. Koorsadu waxa ay sidoo kale xooga saareysaa fahamka dhismaha aqoonsiga shirkadeed (brand identity), oo ay kamid yihiin naqshadeynta logos iyo qaabeynta muuqaalka guud ee shirkadda.