BU Faculty of Engineering and Technology

BU Faculty of Engineering and Technology we offers:
1. Batchelor of Civil Engineering
2. Batchelor of Electrical & Electronic Engineering

26/02/2026
22/01/2026
17/01/2026

Hey’adda Injineerada Soomaaliyeed (IES) ayaa qabanaysa seminar muhiim ah oo ay martigelisay Jaamacadda Benadir University (BU), cinwaankiisu yahay:

“Beyond the Degree: Essential Industry Skills for Future Engineers.”

Seminarkan waxa bixindoonaa:

Eng. Abdulkadir Mohamed Hussein
Honorary Member of IES & Senior Civil Engineering Specialist in Large-Scale Construction and Institutional Projects.

📅 Taariikh: Arbacada, 21-ka Janaayo, 2026
⏰ Waqtiga (EAT): 3:30 PM – 6:00 PM
📍 Goobta: 3rd Floor, Seminar Hall, Prof. Addow Campus, Benadir University

Halkaan iska diiwangeli👇
https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSfdRH2zpRzkiX4n0NtGb5ffbn9PUqQamCexPNsowVCHLx7KnA/viewform?usp=publish-editor

WhatsApp kaan kusoo biir si aad ula socato wixii information la xiriira Seminarka👇
https://chat.whatsapp.com/KDgt4e8H07DBgSCWBshKFa

For more information:
📞 61 2267178 | 61 2267137
📧 [email protected]
🌐 www.iesomalia.org.so

07/12/2025

Kuliyadda Injineeriyada iyo Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Benadir ayaa qabaneysa seminar muhiim ah oo ku saabsan:
“Advanced Structural Design for Tall Buildings: Methodology, Design Sequence, Best Practices & Construction vs Design Challenges.”
Waxaa soo jeedin doona:
Eng. Abdisalam Ahmed, Structural & Safety Engineer (NEBOSH – UK),
Founder, Rayan Engineering Consultant.
📅 Taariikh: 10 December 2025
⏰ Saacadda: 9:30 AM

Waxaan hambalyo & Mahadcelin lawadaagaynaa ardaydii Kulliyadda Injineeriyadda &Teknolojiyada qaybteeda Dhismaha ee Jaama...
16/11/2025

Waxaan hambalyo & Mahadcelin lawadaagaynaa ardaydii Kulliyadda Injineeriyadda &Teknolojiyada qaybteeda Dhismaha ee Jaamacadda Benadir ee ka qayb qaadatay hindisaha hal-abuurka kudhisan ee “Innovative Low-Cost Housing Solutions Competition”, oo ay soo agaasintay IOM Somalia, iyadoo kaashaneysa YACademy iyo Wasaaradda Dib u Dhiska iyo Guriyeynta. Tartankan oo ahaa mid heer qaran ah ayaa isu keenay arday, khubarro iyo xirfadlayaal caalami ah si ay u naqshadeeyaan xalal guryo waara oo qiimo jaban, kuwaas oo loogu talagalay barakacayaasha Soomaaliyeed. Ka qayb galka Kuliyada ee Barnaamijkan ayaa muujinaya dadaalka & hal abuurka ardayda & barayaasha Kuliyada Injineeriyada oo marwalba heegan u ah sidii xal waara loogu heli lahaa ciladaha kala duwan ee dhismayaasha & howlaha laxariira Injineeriyada casriga ah.
Benadir University of Engineering & Technology & Sustainability for Somalia.

20/09/2025
Maamulka Jaamacadda Beandir, Kulliyadda Handasada & Teknolojiyada, waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Ardayda Dufc...
19/09/2025

Maamulka Jaamacadda Beandir, Kulliyadda Handasada & Teknolojiyada, waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Ardayda Dufcadda 17aad ee Kuliyada oo si guul leh u difaacday mashruuca qalin-badalashada (Graduation Project) maalintii Khamiista 18 Sebtembar 2025.

Tani waa guul taariikhi ah oo muujinaysa dadaalka, hal-abuurka iyo aqoonta ardayda, waxaana sidoo kale ay caddeyn u tahay tayada dadaalkii joogtada ahaa ee ardayda , Barayaashad kuliyada & maamulka iska kaashadeen.

Maamulka iyo macallimiintu waxay u rajaynayaan dufcada 17aad ee kuliyada mustaqbal ifaya, guul iyo horumar joogto ah, iyagoo door muuqda ka qaadan doona horumarinta dalka iyo bulshada.

Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo!

Address

Benadir University
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when BU Faculty of Engineering and Technology posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share