20/11/2025
Seminar ku Saabsan Caafimaadka Maskaxda Hooyada iyo Murugada Ka Dhalata Dhalmada (Postpartum Depression, PPD)
Bishii 19-ka November, 2025, Jaamacadda Sombrige waxay martigelisay seminar ardayda caafimaadka lo qabtay oo diiradda lagu saaray Caafimaadka Maskaxda Hooyada iyo Murugada Ka Dhalata Dhalmada (PPD). Madashan waxay ardayda siisay fursad ku faa'iideystaan cilmi oo ay ku fahmaan caafimaadka maskaxda inta lagu jiro iyo ka dib uurka, iyadoo xoogga la saarayo ogaanshaha h**e iyo caawinta hooyooyinka.
Seminarka waxaa si qoto dheer uga hadlay Dr. Faysal M. Daleel, khabiir ku xeel dheer arrimaha caafimaadka maskaxda hooyada, isaga oo iftiimiyay muhiimadda wacyigelinta, ka hortaga xanuunka iyo waqtiyada ugu habboon, iyo caawinta hooyooyinka dhalmada ka dib.
Jaamacadda Sombrige waxay ku faantaa dhiirrigelinta aqoonta caafimaadka maskaxda hooyada iyo abuurista jawi waxbarasho oo dhiirrigeliya cilmi-baarista iyo wacyigelinta bulshada.