17/07/2026
TACSI TIIRAANYO LEH
Maamulka, macallimiinta, shaqaalaha, iyo ardayda Jaamacadda Somali Mogadişu Sağlık Bilimleri Üniversitesi waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, iyo bahda Jaamacadda Somali Mogadişu Sağlık Bilimleri Üniversitesi geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Ali Xusein Maxamuud (Ali Asaf).
Marxuum Ali Xusein Maxamuud (Ali Asaf) wuxuu ka mid ahaa ardayda Jaamacadda Somali Mogadişu Sağlık Bilimleri Üniversitesi, wuxuuna si gaar ah uga tirsanaa hoggaanka ardayda isagoo ahaa Xoghayaha Guud. Wuxuu ahaa arday lagu yaqaanay akhlaaq wanaagsan, xilkasnimo, daacadnimo, iyo dadaal uu ugu adeegayay ardayda iyo jaamacadda.
Muddooyinkii u dambeeyay, marxuumku wuxuu howlo shaqo ugu maqnaa Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, halkaas oo uu ku geeriyooday. Geeridiisu waxay murugo iyo tiiraanyo ku reebtay bahda Jaamacadda Somali Mogadişu Sağlık Bilimleri Üniversitesi.
Waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu u naxariisto, Janatul Firdowsana ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo, dambigiisana dhaafo. Sidoo kale waxaan Alle ka baryeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo dhammaan bahda jaamacadda.
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.