Somali Students Training Association - SOSTA

Somali Students Training Association - SOSTA SOSTA, raising a qualified and talented generation.

Waxa si guul leh inoogu soo idlaaday tababarkeenii ku saabsanaa ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ฆ๐ฎ๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š - ๐ƒ๐ข๐ฌ๐š๐ฌ๐ญ๐ž๐ซ ๐Œ๐š๐ง๐š๐ ๐ž๐ฆ๐ž๐ง๐ญ, isla mark...
06/02/2026

Waxa si guul leh inoogu soo idlaaday tababarkeenii ku saabsanaa ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ฆ๐ฎ๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š - ๐ƒ๐ข๐ฌ๐š๐ฌ๐ญ๐ž๐ซ ๐Œ๐š๐ง๐š๐ ๐ž๐ฆ๐ž๐ง๐ญ, isla markaana ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Ururkani SOSTA iyo Akadhamiyadda Qarni.

Tababarka waxa jeedinayay, ๐ƒ๐ซ. ๐‡๐š๐ฌ๐ฌ๐š๐ง ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐„๐ง๐จ๐ฐ PhD, waxana aan uga mahadcelineynaa soojeedintiisa qiimaha badan ee mowduuca.

Tababarka waxa ka qeyb galay arday heerarka kala duwan ee waxbarashadda ah iyo daneyayal mowduuca tababarka ah.

Tababarka waa martigeliyay machadka tabaradda injineeriyadda iyo Tiknoolajiyadda ee SkillLab, waxana uu tababarku inoogu soo idlaaday jawi qurux badan.

SOSTA, waxa ay diiradda saareysa hormarinta aqoonta iyo xirfadaha ardayda si ay uga guul gaaraan safaradooda tacliinta iyo ka qeybqaadashooda hormarimta iyo hagaajinta arimaha bulshadda.

SOSTA - Saaxiibka ardayda.



๐‚๐€๐’๐”๐”๐Œ๐€๐€๐ƒ Waxa aan si sharaf leh idinku casuunnaynaa ka-qaybgalka Barnaamij tababar hal maalin ah oo ku saabsan Maareynt...
01/02/2026

๐‚๐€๐’๐”๐”๐Œ๐€๐€๐ƒ

Waxa aan si sharaf leh idinku casuunnaynaa ka-qaybgalka Barnaamij tababar hal maalin ah oo ku saabsan Maareynta Musiibooyinka(Disaster Management), kaasi oo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan Ururka Tababarada Ardayda Soomaaliyeed ee SOSTA iyo Akadeemiyadda Qarni.

Tababarkani waxa uu diiradda saari doonaa kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha ka-qaybgalayaasha ee la xiriira fahamka, u-diyaargarowga, ka-hortagga, iyo ka-jawaabista musiibooyinka kala duwan, si loo yareeyo khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhasha musiibooyinka.

๐”๐‰๐„๐„๐ƒ๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐“๐€๐๐€๐๐€๐‘๐Š๐€:

โœ…๏ธFahamka noocyada kala duwan ee musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aadane sameega ah
โœ…๏ธBarashadda hababka u-diyaargarowga iyo yareynta halista musiibooyinka
โœ…๏ธHelitaanka aqoon ku saabsan hababka degdegga ah ee wax looga qabto musiibooyinka marka ay dhacaan
โœ…๏ธFahamka doorka bulshada, hayโ€™adaha dowladda, iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ku aaddan maareynta musiibooyinka iwm.

๐…๐€๐€๐‡๐…๐€๐€๐‡๐ˆ๐๐“๐€ ๐“๐€๐๐€๐๐€๐‘๐Š๐€:

๐Œ๐ฎ๐๐๐š๐๐š: Hal maalin
๐“๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก: 5ta Febraayo, 2026
๐–๐š๐ช๐ญ๐ข๐ ๐š: 2:00pm - 4:00pm
๐†๐จ๐จ๐›๐ญ๐š: SkillLab Institute of Engineering & Technology, Isgoyska Hawlwadaag, Mogadishu.
๐Š๐š-๐ช๐š๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š: Arday, dhalinyaro, iyo xubno ka socda bulshada.

Ka-qaybgalka tababarkani waa fursad muhiim ah oo gacan ka geysanaysa dhisidda bulsho u diyaarsan ka hortagga iyo ka jawaabista musiibooyinka.

๐…๐†: Ka qeyb-galka tababarku waa BILAASH, waxa uuna leeyahay shahaado.

Si aad uga qeyb gasho tababarka kusoo biir Groupka ka qeyb galayaasha tababarka adiga oo gujinaya lifaaqaan(link) hoose: ๐Ÿ‘‡

https://chat.whatsapp.com/K51kcdx7oDb1ArA5p0jxPt

Sidoo kale buuxi FOOMKAAN HOOSE si aad u xajisato booskaada ka qeyb galka tababarka. ๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡

https://forms.gle/nEo8z8HWkGEyNq4H9

Ka qeybgal wacan inshaa allah.

Ururka Tababaradda Ardayda Soomaaliyeed ee SOSTA, oo ah hay'ad waxbarsho oo u jeedkeedu yahay hormarinta iyo sare uqaadi...
15/09/2025

Ururka Tababaradda Ardayda Soomaaliyeed ee SOSTA, oo ah hay'ad waxbarsho oo u jeedkeedu yahay hormarinta iyo sare uqaadista aqoonta ardayda Soomaaliyeed ee gudaha dalka, dalalka deriska iyo dunidaba, waxa uu aad uga xunyahay natiijada imtixaanka Ardayda Dowladd Deegaanka Somali State ee uu shaaciyay Xafiiska Waxbarashada DDS.

Ururka SOSTA, waxa uu aqoonyahanka, bahda waxbarashadda iyo dowladdaba usoo jeedinayaa in arintani fadhiyo ka yeeshaan, la garto halka fashilka uu ka jiro iyo cida dayacday masuuliyadeeda si loo badbaadiyo mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed ee deegaanka niyad ahaan iyo waxbarasho ahaan.


Haddi aad qorsheysay in aad ku biirto Kuliyadda Daweynta iyo Culuumta Caafimaad (Faculty of Medicine & Health Sciences),...
08/09/2025

Haddi aad qorsheysay in aad ku biirto Kuliyadda Daweynta iyo Culuumta Caafimaad (Faculty of Medicine & Health Sciences), waxa aan kuu heynaa fursado waxbarasho heerka koowaad ah. Wixi faahfaahin ah nagala soo xirir 0618558456 ama WhatsAppka hoose๐Ÿ‘‡

๐–๐€๐— ๐Š๐€๐๐€๐‘๐Ž ๐Š๐”๐‹๐ˆ๐˜๐€๐ƒ๐ƒ๐€๐‡๐€ ๐Š๐€๐‹๐€ ๐ƒ๐”๐–๐€๐ ๐„๐„ ๐‰๐€๐€๐Œ๐€๐‚๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐“๐€๐๐€๐’๐”๐’๐˜๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐‡๐Ž๐Ž๐’ ๐ˆ๐Œ๐€๐€๐๐€๐˜๐€:Halkani, SOSTA waxa ay kugula wadaageysaa...
08/09/2025

๐–๐€๐— ๐Š๐€๐๐€๐‘๐Ž ๐Š๐”๐‹๐ˆ๐˜๐€๐ƒ๐ƒ๐€๐‡๐€ ๐Š๐€๐‹๐€ ๐ƒ๐”๐–๐€๐ ๐„๐„ ๐‰๐€๐€๐Œ๐€๐‚๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐“๐€๐๐€๐’๐”๐’๐˜๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐‡๐Ž๐Ž๐’ ๐ˆ๐Œ๐€๐€๐๐€๐˜๐€:

Halkani, SOSTA waxa ay kugula wadaageysaa Kuliyadaha kala duwan ee heerka jaamacadeed iyo taqasusyadda hoos yimaadda si aad u dooratid taqasuska iyo kuliyadda kugu habboon, isla markaana aad usii ambaqaadid safarkaadda waxbarashadda tacliinta sarre. La wadaag fariintaan saaxiibkaadda, si uu udoorto kuliyadda ku habboon.

FG: Kuliyaddaha iyo Taqasusyadda halkaan ku xusan waa kuwa ugu badan ee ay badi Jaamacaddaha dalku bixiyaan. Waxa jira kuliyaddo iyo taqasusyo intaan ka badan oo weli dalkeena aysan ka hirgelin culeysyadda iyo marxaladdaha dagaal ee dalkeenu soo maray darteed.

๐™†๐™๐™‡๐™„๐™”๐˜ผ๐˜ฟ๐˜ฟ๐˜ผ ๐˜ฝ๐™€๐™€๐™๐˜ผ๐™ƒ๐˜ผ & ๐™“๐˜ผ๐™‰๐˜ผ๐˜ผ๐™‰๐˜ผ๐˜ฟ๐˜ฟ๐˜ผ ๐™“๐™Š๐™Š๐™‡๐˜ผ๐™ƒ๐˜ผ (๐™๐˜ผ๐˜พ๐™๐™‡๐™๐™” ๐™Š๐™ ๐˜ผ๐™๐™‚๐™„๐˜พ๐™๐™‡๐™๐™๐™๐™€ & ๐™‘๐˜ผ๐™๐™€๐™๐™„๐™‰๐˜ผ๐™๐™” ๐™Ž๐˜พ๐™„๐™€๐™‰๐˜พ๐™€), ๐™’๐˜ผ๐™“๐˜ผ ๐™ƒ๐™Š๐™Š๐™Ž ๐™„๐™ˆ๐˜ผ๐˜ผ๐™‰๐˜ผ๐™”๐˜ผ ๐™’๐˜ผ๐˜ผ๐™“๐™”๐˜ผ๐™ƒ๐˜ผ๐˜ผ๐™‰ (๐˜ฟ๐™€๐™‹๐˜ผ๐™๐™๐™ˆ๐™€๐™‰๐™๐™Ž):

1. Department of Agriculture(Beeraha)
2. Department of Veterinary(Xanaanadda Xoolaha)
3. Department of Plant protection(Ilaalinta dhirta)
4. Department of Horticulture(Culumta naqshadeynta iyo korinta dhirta)
5. Department of Agronomy

๐™†๐™๐™‡๐™„๐™”๐˜ผ๐˜ฟ๐˜ฟ๐˜ผ ๐˜พ๐™๐™‡๐™๐™๐™ˆ๐™๐˜ผ ๐˜ฟ๐™ƒ๐™๐™‡๐™†๐˜ผ, ๐™ˆ๐˜ผ๐˜พ๐˜ฟ๐˜ผ๐™‰๐™๐˜ผ & ๐˜ฟ๐™€๐™€๐™‚๐˜ผ๐˜ผ๐™‰๐™†๐˜ผ (๐™๐˜ผ๐˜พ๐™๐™‡๐™๐™” ๐™Š๐™ ๐™‚๐™€๐™Š๐™Ž๐˜พ๐™„๐™€๐™‰๐˜พ๐™€ & ๐™€๐™‰๐™‘๐™„๐™๐™Š๐™‰๐™ˆ๐™€๐™‰๐™) ๐™’๐˜ผ๐™“๐˜ผ ๐™ƒ๐™Š๐™Š๐™Ž ๐™„๐™ˆ๐˜ผ๐˜ผ๐™‰๐˜ผ๐˜ผ ๐™’๐˜ผ๐˜ผ๐™“๐™”๐˜ผ๐™ƒ๐˜ผ๐™‰ (๐˜ฟ๐™€๐™‹๐˜ผ๐™๐™๐™ˆ๐™€๐™‰๐™๐™Ž):

1. Department of Geology(Dhulka & Macdanta)
2. Department of Enivornment & Climate Change(Deegaanka & Isbadalka Cimiladda)

๐Š๐”๐‹๐ˆ๐˜๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐’๐‡๐€๐‘๐„๐„๐‚๐€๐ƒ๐ƒ๐€ & ๐๐€๐€๐๐”๐”๐๐Š๐€ (๐…๐€๐‚๐”๐‹๐“๐˜ ๐Ž๐… ๐’๐‡๐€๐‘๐„๐€ & ๐‹๐€๐–), ๐–๐€๐—๐€ ๐‡๐Ž๐Ž๐’ ๐ˆ๐Œ๐€๐€๐๐€๐˜๐€, ๐–๐€๐€๐—๐˜๐€๐‡๐€ (๐ƒ๐„๐๐€๐‘๐“๐Œ๐„๐๐“๐’):

1. Department of Sharia & Law

๐™†๐™๐™‡๐™„๐™”๐˜ผ๐˜ฟ๐˜ฟ๐˜ผ ๐™’๐˜ผ๐™“๐˜ฝ๐˜ผ๐™๐˜ผ๐™Ž๐™ƒ๐˜ผ๐˜ฟ๐˜ฟ๐˜ผ (๐™๐˜ผ๐˜พ๐™๐™‡๐™๐™” ๐™Š๐™ ๐™€๐˜ฟ๐™๐˜พ๐˜ผ๐™๐™„๐™Š๐™‰), ๐™’๐˜ผ๐™“๐˜ผ ๐™ƒ๐™Š๐™Š๐™Ž ๐™„๐™ˆ๐˜ผ๐˜ผ๐™‰๐˜ผ๐™”๐˜ผ ๐™’๐˜ผ๐˜ผ๐™“๐™”๐˜ผ๐™ƒ๐˜ผ (๐˜ฟ๐™€๐™‹๐˜ผ๐™๐™๐™ˆ๐™€๐™‰๐™๐™Ž):

1. Bachelor of Educational Administration(Maamulka waxbarashadda)
2. Bachelor of Math & Physics(Xisaab & Fiisigis)
3. Bachelor of Bio & Chemistry

๐—ž๐—จ๐—Ÿ๐—œ๐—ฌ๐—”๐——๐——๐—” ๐—–๐—จ๐—Ÿ๐—จ๐—จ๐— ๐—ง๐—” ๐—•๐—”๐——๐—”๐—›๐—” & ๐—ž๐—”๐—Ÿ๐—จ๐—จ๐— ๐—˜๐—ฌ๐—ฆ๐—œ๐—š๐—” (๐—™๐—”๐—–๐—จ๐—Ÿ๐—ง๐—ฌ ๐—ข๐—™ ๐— ๐—”๐—ฅ๐—œ๐—ง๐—œ๐— ๐—˜ ๐—ฆ๐—ง๐—จ๐——๐—œ๐—˜๐—ฆ & ๐— ๐—”๐—ฅ๐—œ๐—ก๐—˜ ๐—ฆ๐—–๐—œ๐—ก๐—˜๐—–๐—˜), ๐—ช๐—”๐—ซ๐—” ๐—›๐—ข๐—ข๐—ฆ ๐—œ๐— ๐—”๐—”๐—ก๐—”๐—ฌ๐—” ๐—ช๐—”๐—”๐—ซ๐—ฌ๐—”๐—›๐—”๐—”๐—ก (๐——๐—˜๐—ฃ๐—”๐—ฅ๐—ง๐— ๐—˜๐—ก๐—ง๐—ฆ):

1. Department of Maritime management(Maareynta howlaha marinadda badda/marakibta)
2. Department of Fishery(Kalluumeysiga)
3. Department of Nautical Science and Maritime Transportation

๐™†๐™๐™‡๐™„๐™”๐˜ผ๐˜ฟ๐˜ฟ๐˜ผ ๐˜ฟ๐™ƒ๐˜ผ๐™Œ๐˜ผ๐˜ผ๐™‡๐˜ผ๐™ƒ๐˜ผ & ๐™ˆ๐˜ผ๐˜ผ๐™ˆ๐™๐™‡๐™†๐˜ผ (๐™๐˜ผ๐˜พ๐™๐™‡๐™๐™” ๐™Š๐™ ๐™€๐˜พ๐™Š๐™‰๐™Š๐™ˆ๐™„๐˜พ๐™Ž & ๐™ˆ๐˜ผ๐™‰๐˜ผ๐™‚๐™€๐™ˆ๐™€๐™‰๐™), ๐™’๐˜ผ๐™“๐˜ผ ๐™ƒ๐™Š๐™Š๐™Ž ๐™„๐™ˆ๐˜ผ๐˜ผ๐™‰๐˜ผ๐™”๐˜ผ ๐™’๐˜ผ๐˜ผ๐™“๐™”๐˜ผ๐™ƒ๐˜ผ๐™‰ (๐˜ฟ๐™€๐™‹๐˜ผ๐™๐™๐™ˆ๐™€๐™‰๐™๐™Ž):

1. Department of Accounting (Xisaabiyanimadda)
2. Department of Economics(Dhaqaalaha)
3. Department of Business Administration(Maamulka Ganacsiyada)
4. Department of Business Information Technology(Ganacsiga tiknolojiyadda)
5. Department of Public Administration(Maamulka Guud/Hayadaha Dowladda)
6. Department of Banking & Finance(Bangiyadda & Maaliyadda)
7. Department of International Relations & Diplomacy(Xiriirada Caalamiga & Diblomaasiyada)
8. Department of Project Managements(Maareynta Mashaariicda)
9. Department of Procurement & Logistics(Lojistikadda)
10. Department of Social Work(Addeegga Bulshada)

๐Š๐”๐‹๐ˆ๐˜๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐ˆ๐๐‰๐ˆ๐๐„๐„๐‘๐ˆ๐˜๐€๐ƒ๐ƒ๐€, ๐Š๐Ž๐Œ๐I๐˜UT๐„๐‘๐Š๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐“๐ˆ๐Š๐๐Ž๐Ž๐‹๐Ž๐‰๐ˆ๐˜๐€๐ƒ๐ƒ๐€ (๐…๐€๐‚๐”๐‹๐“๐˜ ๐Ž๐… ๐„๐๐†๐ˆ๐๐„๐„๐‘๐ˆ๐๐†, ๐‚๐Ž๐Œ๐๐”๐“๐ˆ๐๐† & ๐ˆ๐“) ๐–๐€๐—๐€ ๐‡๐Ž๐Ž๐’ ๐ˆ๐Œ๐€๐€๐๐€๐˜๐€ ๐–๐€๐€๐—๐˜๐€๐‡๐€๐€๐ (๐ƒ๐„๐๐€๐‘๐“๐Œ๐„๐๐“๐’) ๐’๐Ž๐Ž ๐’๐Ž๐‚๐ƒ๐€:

1. Department of Civil Engineering (Dhismaha ayaa lagu bartaa)
2. Department of Electrical & Electronics Engineering(Korantada & Qalabka kushaqeya)
3. Department of Mechanical Engineering(Makaanikadda iyo Mashiinada)
4. Department of Telecommunication Engineering(Isgaarsiinta)
5. Department of Computer Sciences (Culuumta Kombiyuutarka & Sooftuweerada)
6. Department of Information Technology(Tiknoolojiyadda & Ablikayshinada)

๐™†๐™๐™‡๐™„๐™”๐˜ผ๐˜ฟ๐˜ฟ๐˜ผ ๐˜ฟ๐˜ผ๐™’๐™€๐™”๐™‰๐™๐˜ผ & ๐˜พ๐™๐™‡๐™๐™๐™ˆ๐™๐˜ผ ๐˜พ๐˜ผ๐˜ผ๐™๐™„๐™ˆ๐˜ผ๐˜ผ๐˜ฟ๐™†๐˜ผ(๐™๐˜ผ๐˜พ๐™๐™‡๐™๐™” ๐™Š๐™ ๐™ˆ๐™€๐˜ฟ๐™„๐˜พ๐™„๐™‰๐™€ & ๐™ƒ๐™€๐˜ผ๐™‡๐™๐™ƒ ๐™Ž๐˜พ๐™„๐™‰๐™€๐˜พ๐™€๐™Ž), ๐™’๐˜ผ๐™“๐˜ผ ๐™ƒ๐™Š๐™Š๐™Ž ๐™„๐™ˆ๐˜ผ๐˜ผ๐™‰๐˜ผ๐™”๐˜ผ ๐™’๐˜ผ๐˜ผ๐™“๐™”๐˜ผ๐™ƒ๐˜ผ๐˜ผ๐™‰ (๐˜ฟ๐™€๐™‹๐˜ผ๐™๐™๐™ˆ๐™€๐™‰๐™๐™Ž) ๐™Ž๐™Š๐™Š ๐™Ž๐™Š๐˜พ๐˜ฟ๐˜ผ:

1. Department of Medicine & Surgery(Dhaqtarnimadda)
2. Bachelor of Medical Laboratory (Shaybaarka)
3. Department of Public Health(Faya-dhowrka)
4. Department of Midwifery(Umulisanimadda)
5. Department of Nursing (Kaalkaaliye-nimada)
6. Department of Nutrition(Nafaqada)
7. Department of Pharmacy(Daawooyinka)
8. Department of Optometry(Taqasuska Indhaha)
9. Department of Dental sciences(Culuumta Ilkaha).

Dhamaan kuliyadahaas iyo taqasusyadda hoos imaanaya, waxa si rasmi ah u bixiya jaamacaddo kala duwan oo dalka ah. Sidoo kale waxa jira kara, taqasusyo dheeri ah oo aynaan halkaan ku xusin. Haddaba, xogta aan halkani idinkula wadaageyno waa mid aan in badan hubinay sidaa daraadeed ardayda iyo daneeyayaasha kale oo kuliyadaha iyo taqasusyadda kala duwan daneynaya waxa aan rajeyneynaa in xogtani ay caawin doonto.

Waxa aan idiin rajeyneynaa xulasho wacan iyo safar waxbarasho oo guuleysta inshaa allah. Guuleysta i.a

Somali Students Training Association - SOSTA .

Waxa ay hambalyo hawada u marineysaa dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee kasoo gudubtay dugsiga sare isla markaana helay nat...
24/08/2025

Waxa ay hambalyo hawada u marineysaa dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee kasoo gudubtay dugsiga sare isla markaana helay natiijooyinka imtixaankii qaran ee ay galeen.

Waxa aan si gaar ah hambalyo u leenahay ardayda kaalmaha sare ka galay imtixaanka qaran. Dhamaan ardayda iyo waalidiinta waxa aan ugu hambalyeyneynaa guusha iyo dadaalka ay ardaydu bixiyeen, waxana ardayda u rajeyneynaa in eebbe u sahlo safarada waxbarasho ee xiga iyo umuurahooda.

SOSTA, waxa ay dhiirigelineysa ardayda waxa ayna fursad siineysaa sidii ay usii wadan lahaayeen safarkooda tacliinta sare, waxa aan lagarab istaageynaa talo, tusaaleyn iyo fursado waxbarasho oo gudaha ah.

Markale hambalyo dhamaan ardayda, waxa aan idin rajeyneynaa guulo waxbarasho iyo hormar waara. Guuleysta idam alle.

Hambalyo ๐ŸŽ‰๐ŸŽ‰.

25/07/2025

OGEYSIIS

Dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee sanadkani kasoo qalin jabisay dugsiyadda sare ee dalka, Ururkani SOSTA waxa uu la wadaagayaa fursado waxbarasho heer jaamaceed, tababaro iyo barnaamijyo la talino ah si ay horey ugu sii wataan safarkooda waxbarashadda sare.

Nagala soo xiir wixii faahfaahin ah
๐Ÿ‘‰ https://wa.me/252618558456

Sidoo kale kusoo biir groupka Fursadaha ama Deeqaha Waxabarasho ee SOSTA๐Ÿ‘‡

https://chat.whatsapp.com/EW7FAkmYvHW4cjeZWa9Lz2?mode=ac_t

Ha halmaamin in saaxibadda aad lawadaagto fursadaan, mahadsanid.

Ogeysiis OgeysiisDhamaan ardayda kaso qalin jabisay dugsiyadda sare, ardayda caafimadka iyo cidkasta oo daneyneysaa waxa...
21/07/2025

Ogeysiis Ogeysiis

Dhamaan ardayda kaso qalin jabisay dugsiyadda sare, ardayda caafimadka iyo cidkasta oo daneyneysaa waxa aan ku wargelineynaa in aan qabaneyno tababar ku saabsan daryeel ufidinta bukaanadda caawimadda caafimaad oo degdeg ah ubaahan "BASIC LIFE SUPPORT". Tababarka Khamiis 24, July 2025 saacduna tahay 2:00 duhurnimo ka qabsomaya xarunta Jamacadda Salaam ee Taleeh, Degmada Hodan.

Tababarku shahado ayuu leyahay, si aad isku diwangelisana nagala so xirir 0618558456 ama Whatsappka hoose๐Ÿ‘‡.

Waxa aan bilaabeynaa dufcad cusub oo koorsadda XIRFADAHA XOGHEYNTA IYO MAAREYNTA SHAQOOYINKA XAFIISYADDA AH, taas oo aan...
15/07/2025

Waxa aan bilaabeynaa dufcad cusub oo koorsadda XIRFADAHA XOGHEYNTA IYO MAAREYNTA SHAQOOYINKA XAFIISYADDA AH, taas oo aanu u diyaarinay si casri ah isla markaana ay ka faa'iideysan karaan ardayda, shaqalaha xafiisyadda shirkadaha, hayadaha, wasaaraddaha iyo cidkasta oo daneyneysa iney sare u qaado xirfadahoda xogheynta iyo maareynta shaqooyinka xafiisyadda.

Wixi faahfaahin dheeri ah, nagala so xirir
๐Ÿ‘‰ https://wa.me/252618558456


Sawiro: Munaasabadda furitaanka Hay'adda Caalamiyeynta waxbarashadda Soomaaliya - IEASO.          .
03/07/2025

Sawiro: Munaasabadda furitaanka Hay'adda Caalamiyeynta waxbarashadda Soomaaliya - IEASO.


.

Waxaa si rasmi ah u socda munaasabadda furintaanka Hay'adda Caalamiyeynta Waxbarashadda Soomaaliya ee IEASO. Munaasabadd...
03/07/2025

Waxaa si rasmi ah u socda munaasabadda furintaanka Hay'adda Caalamiyeynta Waxbarashadda Soomaaliya ee IEASO.

Munaasabadda waxa furitaankeedda qeyb ka ah, aqoonyahanno iyo xeel dheerayaal waxbarasho oo ka kala socda dalalka Koonfur Afrika ๐Ÿ‡ฟ๐Ÿ‡ฆ, Kenya ๐Ÿ‡ฐ๐Ÿ‡ช iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด oo matalaya Jaamacadda Umadda, Jaamacaddaha gaarka loo leeyahay iyo Ururadda waxbarashadda.

Gudoomiyaha Ururkani SOSTA, ๐ƒ๐ซ. ๐€๐›๐๐ข๐ก๐š๐ค๐ข๐ฆ ๐€๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐ก๐ข ayaa kamid ah xubnaha qeybta ka ah munaasabadda furitaanka Hay'adda Caalamiyeynta Waxbarashadda Soomaaliya ee IEASO.

Ujeedadda hay'adani waxbarasho ayaa ah sidii waxbarashadda Soomaaliya loogu xiri lahaa mida caalamiga ah isla markaana ardayda iyo aqoonyahanadda Soomaaliyeed ay sare ugu qaadi lahaayeen hormarinta waxbarashadda, cilmibaarista iyo tababaradda aqooneed si loo helo hayaddo waxbarasho oo soo saara aqoonyahanno iyo arday la jaanqaadda waxbarashadda caalamiga.


.

Address

Wadnaha Road
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+252618558456

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Students Training Association - SOSTA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Somali Students Training Association - SOSTA:

Share