16/07/2026
๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐-๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ (๐๐๐) โ ๐๐๐๐๐๐ ๐
Safar aqoon, hal-abuur iyo xirfad-dhis ku saleysan oo socday muddo ku dhow saddex bilood ayaa maanta si guul leh u soo geba-gaboobay. Laga soo bilaabo 19 ๐ด๐๐๐๐ ๐๐๐๐ 16 ๐ฝ๐ข๐๐ฆ 2026, 25 arday oo ka kala yimid kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Benadir ayaa si guul leh u dhammaystay barnaamijka NextGen (MSI) โ Cohort 1, oo ay soo agaasimeen Xafiiska Warbaahinta Jaamacadda Benadir. Barnaamijkan ayaa ujeeddadiisu ahayd horumarinta xirfadaha warbaahinta casriga ah iyo diyaarinta arday ku qalabeysan xirfado uu maanta si weyn suuqa shaqada looga baahan yahay.
Intii uu socday tababarka, ardaydu waxay heleen aqoon iyo tababar ku saabsan (๐๐ซ๐๐๐ญ๐ข๐ฏ๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ญ๐ข๐ฆ๐๐๐ข๐ ๐๐ซ๐จ๐๐ฎ๐๐ญ๐ข๐จ๐ง & ๐๐ข๐ ๐ข๐ญ๐๐ฅ ๐๐จ๐ฆ๐ฆ๐ฎ๐ง๐ข๐๐๐ญ๐ข๐จ๐ง), oo ay ka mid yihiin naqshadeynta, sawir-qaadista, duubista iyo tafatirka muuqaalada, (Content Creation), suuq-geynta dijitaalka ah iyo aasaaska saxaafadda & anshaxa warbaahinta, iyagoo hagid ka helay macallimiin iyo xirfadlayaal ku aqoon u leh.
Mahadnaq gaar ah waxaan u jeedinaynaa Xafiiska Warbaahinta Jaamacadda Benadir oo soo agaasimay, isku dubbariday, isla markaana hirgeliyay barnaamijkan, iyo dhammaan macallimiintii aqoontooda, waqtigooda, iyo waayo-aragnimadooda si hagar laโaan ah ula wadaagay ardayda, kuwaa oo kala ah: Hossein Abdi Wehliye, Ayub Haji Ahmed, Abdiweli Omar Mohamed, Mohamed Osman iyo Abdirizak Ibrahim.
Hambalyo 25-ka arday ee qalin-jebisay! Waxaan rajaynaynaa inay noqdaan jiil cusub oo aqoontooda iyo xirfadahooda u beddela saameyn wax ku ool ah, kana dhex iftiima suuqa shaqada, isla markaana door hoggaamineed ka qaata horumarinta warbaahinta Soomaaliyeed.