Dr xidig

Dr xidig GENERAL SURGERY

CUDURKA WARAABOWGA(SYPHILIS = ISFIILITO)    Cudurka waraabowga waa mid ka mid ah cudurrada galmada la isugu gudbiyo,waxa...
18/06/2024

CUDURKA WARAABOWGA(SYPHILIS = ISFIILITO)
Cudurka waraabowga waa mid ka mid ah cudurrada galmada la isugu gudbiyo,waxaana keena bakteeriyada loo yaqaano Trepenema pallidum.
Cudurkaan waxa la isugu gudbiyaa xariir galmood ka dhex dhaca laba qof oo midkood uu qabo nabar xubnaha taranka oo cudurka gudbi kara.sidoo kale hooya qabta cudurkaan oo u gudbisa cunuga caloosheeda ku jira iyo in dhiig sida cudurkaan lagu shubo qof kale.
Waxyaabaha lagu garto cudurkaan
Saddax heer ayuu soo maraa waraabowga oo kale ah:
Heerka koowaad(primary syphilis)
Waxaa la arkaa saddax isbuuc ka dib marka qofka uu xariir la sameeyo qof cudurka qaba,waxaana la arkaa nabar kasoo baxa xubnaha taranka dushiisa oo xanuun la aan ah
Sidoo kale waxaa lagu arkaa ciddiyaha, dabada,carabka,dhuunta gudaha iyo dhinacyada naasaha ibtooda
Qanjirada oo barara xanuun la aan ah
Heerka labaad (secondary syphilis)
Waxaa lagu arkaa finan(nabarra) jirka kasoo yaaca 2 ilaa 10 isbuuc ka dib marka la arkay nabarka xubnaha taranka kasoo baxay
Waxaa la arkaa sidoo kale finanka oo afka gudihiisa kasoo baxa
Qanjiradda oo barara
Timaha oo ka dhamaada meelaha qaar madaxa(bidaar)
Madax xannuun,daal badan,raashin xumo,lafa xanuun,qoorta oo adkaatta marmar iyo qandho ayaa la arkaa
Waraabowga xelliga danbe
Marxaladaani waa soo gocasho qeybta koowaad ama labaad kadib reysaho,taasoo la arko dhowr sano ka dib qeyba aan soo sheegnay ,waxa eyna isu badashaa heerka saddaxaad ee wa raabow.
Heerka saddaxaad(tertiary syphilis)
Xubin waliba oo jirka ayey saameyn kartaa
Waxa ey caan ku tahay wax loo yaqaanno GUMMA oo ah nabar kasoo baxaya jirka oo bararsan ka dibne af yeesha
Waxa lagu arkaa calaamadahan: ogaalka qofka oo is badala
Maqal ka oo luma iyo araga
Xusuus la aan
Dhibaato gaarta wadnaha iyo neerfaha
Waraabowga ilmaha iyagoo qaba lagu dhalo(congenital syphilis)
• Hooya qabta cudurkan ayaa u gudbisa ilmaha caloosheeda ku jira
• Calaamadaha cudurka waxaa lagu arkaa marka laba sano uu gaaro cunuga

DAWEYNTA CUDURKAAN.

Daawada PENICILLIN ka ayaa ahay daawada la doortay ee heer waliba ee cudurkani.

TALO CAAFIMAAD.

Kadib marki aan ogaannay cudurkani iyo qaababka uu ku gudbo iyo wax yaabaha lagu garto ayaa waxa habboon in la qaatto talooyinka aqoonyahanadda caafimaad ka ey ku siinayaan.
Sida aan la socono waxaa jira fahan qaldan oo cudurkaan eey ka qabaan bulshadeenna soomaaliyeed kaasoo ah in xanaaq badan iyo madax xanuun badan uu yahay calaamadaha lagu garto cudurkaan , sidoo kale nabar waliba oo kasoo baxa jirka uu yahay waraabow.sidoo kale cudurkani waa la daaweyn karaa marka dad ayaa ku leh aniga reera waraabow ayaan ahay ama waraabow igama baxo iyo haddalla la nuuc ah.
Ugu danbeyn waxaan kula talinaa dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan in marka koowaad qof aqoonteeda leh ey tala weydisstaan ka dibne ey maqlaan taladooda.

Cagaarshowga: Waa maxay cagaarshow?Cagaarshowga nuucyadiisaFaafidda cagaarshowgaCalaamadaha CagaarshowgaOgaanshaha cagaa...
07/10/2023

Cagaarshowga:

Waa maxay cagaarshow?

Cagaarshowga nuucyadiisa

Faafidda cagaarshowga

Calaamadaha Cagaarshowga

Ogaanshaha cagaarshowga

Daaweynta cagaarshowga

Ka hortagga cagaarshowga

Dhibaatooyinka cagaarshowga

Waa maxay cagaarshow?

Cagaarshowga waa caabuq ku dhaca beerka. Waxaa cudurkaan loo yaqaannaa ‘Hepatitis’. Caadi ahaan waxaa keeno fayras, laakiin daawooyinka qaar, sunta, iyo cudurrada qaarkood, oo ay ku jiraan cudurrada difaaca jirka, ayaa sidoo kale keeni karo cudurka.

Cagaarshowga wuxuu leeyahay nuucyo badan, shanta nuuc ee ugu waaweyn waa nuucyada A, B, C, D, iyo E. Fayrasyo kala duwan ayaa sababo nuuc kasta oo cagaarshowga ka mid ah.

Saynisyahannada waxa ay dhawaan heleen nuuc cusub oo cagaarshowga ka mid ah oo loo yaqaanno Hepatitis G (HGV) ama nuuca G, illaa iyo hadda wax badan lagama oga nuucaan.

Maqaalkaan, waxaan ku faahfaahin doonnaa nuucyada kala duwan ee cudurka cagaarshowga, calaamadahooda caadiga ah, sida ay ku gudbaan, iyo sida loo daweeyo loogana hortago.

Cagaarshowga nuucyadiisa

Sida aan horay usoo sheegnay waxaa jiro dhowr nuuc oo cudurka cagaarshowga ah, shanta ugu waaweyn nuucyadaas waa A, B, C, D, E. Nuucyadaan waxa ay ku kala duwanyihiin:

Nuuca fayraska sababay

Muddada ay sii jiraan

Siyaabaha ay ku faafaan

Daaweynta

Tallaalka

Nuucyada qaar daawo maleh, balse waxaa jiro tallaal looga hortagi karo, halka kuwa qaarna ay leeyihiin tallaal iyo daawo labadaba.

Labada nuuc ee ugu badan waddankeenna uguna khatarta badan waa nuucyada B iyo C.

Nuuca A

Nuucaan waa nuuca ugu horreeyo ee cudurka cagaarshowga, waxaa sababo fayraska loo yaqaanno (HAV), nuucaan marka uu qofka ku dhoco waxa uu si daran u qabtaa muddo gaaban gudeheeda, balse masii jiro waqti dheer, muddo kaddibna waa uu baaba’aa.

Nuuca B

Nuucaan waxa uu ka mid yahay nuucyada ugu halista badan cagaarshowga, waxaa sababo fayraska loo yaqaanno (Hepatitis B Virus), marka uu qofka ku dhoco waxa uu marka h**e u qabtaa si daran.

Kaddib dadka qaar ayuu ka baab’aa, balse mararka qaar nuucaan waxa uu sii jiri karaa muddo dheer, waxa uuna dhaawac weyn u geysan karaa beerka, ugu dambeyntiinna waxa uu sababi karaa kansarka beerka.

Nuuca C

Nuucaan wuxuu sidoo kale ku jiraa nuucyada ugu halista badan cagaarshowga, waxaa sababo fayraska loo yaqaanno (Hepatitis C Virus). Nuucaan waxa uu la mid yahay nuuca B, waxa uu jiri karaa muddo dheer asagoo ugu dambayn sababi karo kansarka beerka.

Nuuca D

Nuucaan waxaa sababo fayraska loo yaqaanno (Hepatitis D Virus), nuucaan ayaa ka duwan nuucyada kale, sababtoo ah waxa uu ku xiranyahay nuuca B, taas oo macneheeda tahay in nuucaan kaliya uu ku dhici karo dadka uu horray ugu dhacay nuuca B ee cagaarshowga.

Si la mid ah nuucyada B iyo C, nuucaan ayaa sidoo kale sii jiri kara muddo dheer.

Nuuca E

Nuucaan waxaa sababo fayraska loo yaqaanno (Hepatitis E Virus ), waxaa uu ka ag dhowyahay nuuca A, maadaama labadooda aysan sii jirin muddo dheer ayna ku faafaan si isla mid ah.

Faafidda cagaarshowga

1. Biyaha iyo cuntada

Biyaha iyo cuntada uu ku jiro fayraska ayaa dadka u gudbin karo cudurka cagaarshowga, nuucyada fayrasyada ku gudbi karo habkaan waaa nuucyada A iyo E.

2. Dhiigga

Dhiigga uu ku jiro fayraska ayaa qofka u gudbin karo cudurka, nuucyada fayrasyada ku gudbi karo habkaan waa nuucyada B, C iyo D.

Hababka ay ku gudbi karaan waxaa ka mid ah:

Cirbadaha la isla isticmaalo

In qofka lagu shubo dhiig uu ku jiro fayraska

3. Galmada aan difaaca lahayn

U galmoodka qof qabo nuucyada cagaarshowga ee B, C iyo D ayaa waxa ka dhalan karo inay qofka kale u gudbaan fayrasyada.

Isticmaalka ‘Condoms’ ayaa hoos u dhigi karo halista gudbidda cudurka.

4. Xilliga uurka iyo dhalmada

Hooyada qabto cudurka cagaarshowga nuucyadiisa B, C iyo D ayaa uur-ku-jirta u gudbin karto fayraska, inta ay uurka leedahay ama marka ay dhalayso.

5. Xilliga naas-nuujinta

Hooyada qabto cudurka cagaarshowga nuucyadiisa B iyo D ayaa ilmaha u gudbin karto fayraska xilliga naas-nuujinta lagu guda jiro.

Calaamadaha Cagaarshowga

Dadka qaar ee uu ku dhoco cudurka cagaarshowga iskuma arkaan wax calaamado ah, halka kuwa kale ay isku arkaan calaamado iska fudud. Calaamadaha cudurka waxay soo muuqan karaan 2 isbuuc ilaa 5 bilood ka dib marka qofka uu gudbo caabuqa ama infekshanka.

Cagaarshowga bilowga ah

Inta lagu jiro marxaladda deg degga ama bilowga ah ee caabuqa cagaarshowga, qofka waxaa laga yaabaa inuu la kulmo calaamado ay ka mid yihiin:

Daal

Saxaro caddaad ah

Amateed la’aan iyo miisaan lumis

Qandho

Murqo xanuun ama kalagoysyo xanuun

Lalabbo iyo matag

Calool xanuun

Indhaha oo jaalle noqda

Kor cun-cun

Wajac guud

Marxaladda deg degga ama bilowga ah inta badan ma aha khatar, laakiin marxaladaha dambe ee daba-dheeraada ayaa dhibaatooyin u keeni karo beerka, calaamadahana waxay soo bixi karaan muddo dheer kaddib oo ah illaa iyo 10 sanno. Calaamadahaan waxaa ka mid ah:

Barar dhanka lugaha ah

Wareer

Matag uu dhiig la socdo

Saxaro uu dhiig la socdo

Kaadida oo mugdi noqoto

Saxarada oo caddaad noqoto

Indhaha, maqaarka iyo carabka oo jaalle noqdo

Ogaanshaha cagaarshowga

Waa muhiim in la fahmo waxa keenay cagaarshowga si cudurka loogu daaweeyo sida ugu habboon. Dhakhaatiirtana waxay sameeyaan tijaabooyin taxane ah si ay si sax ah u ogaadaan xaaladdaada.

1. Warbixinta qofka iyo baaritaanka jirka

Si loo ogaado dhammaan nuucyada cagaarshowga, dhakhtarkaaga wuxuu marka h**e qaadi doonaa warbixintaada ku saabsan cudurka si uu u go’aamiyo wax kasta oo khatar ah oo aad yeelan karto.

Wuxuu kaloo dhakhtarka kugu sameyn doonnaa baaritaan jirka ah, Inta lagu jiro baaritaanka jirka, dhakhtarkaaga wuxuu si tartiib ah u taaban karaa una cadaadin karaa calooshaada si uu u eego haddii ay jiraan xanuun ama damqasho.

Dhakhtarkaaga waxa kale oo laga yaabaa inuu hubiyo inuu jiro barar dhanka beerka ah iyo is beddel dhanka midabka ah oo ku imaado indhahaaga ama maqaarkaaga.

2. Baaritaannada shaqada beerka

Baaritaannada shaqada beerka ayaa la sameeyaa ayadoo la isticmaalaayo muunado dhiig ah si loo go’aamiyo sida hufan ee uu beerkaagu u shaqeeyo iyo inay jiraan wax is beddel dhanka shaqada beerka ah.

Natiijooyinka aan noormalka ahayn ee baaritaannadaan waxay noqon karaan calaamadda ugu horreysa ee ah in ay jirto dhibaato dhanka beerka ah, gaar ahaan haddii aadan horay u lahayn wax calaamado ah marka dhakhtarka uu sameenaayey baaritaanka jirka.

Beerka waxa uu soo saaraa waxyaabo ka qaybqaata howlaha jirka ka socdo sida dheefshiidka oo kale, waxyaabahaan waxaa loo yaqaanaa enzymes “Inzaaymis”.

Heerarka (enzymes) ka beerka ee sarreeya ayaa laga yaabaa inay muujiyaan in beerkaaga uu cadaadis saaran yahay, dhaawacmay, ama uusan si sax ah u shaqayneynin.

3. Baaritaannada kale ee dhiigga

Haddii baaritaannada shaqada beerka ay yihiin kuwo aan caadi ahayn( abnormal), dhakhtarkaagu waxay u badan tahay inuu amri doono baaritaanno kale oo dhiig ah si loo ogaado meesha ay dhibaatada ka timid.

Baaritaannadaan waxay go’aamin karaan haddii aad qabtid caabuqa cagaarshowga iyadoo la hubinaayo in dhiigga uu ku jiro mid ka mid ah fayrasyada keeno cagaarshowga ama inay dhiigga ku jiraan unugyada difaaca jirkaaga ee la dagaallamo fayrasyada keeno cagaarshowga.

4. Cadka(Biopsy) beerka

Marka la baaro cagaarshowga, dhakhaatiirtu waxay sidoo kale qiimeyn doonaan in beerkaaga ay ku imaan karaan dhaawacyo. Baaritaanka beerka waxaa loola jeedaa in cad aad u yar laga soo qaado beerka kaddibna loo diro baaritaan.

Xirfadle caafimaad ayaa laga yaabaa inuu cadkaan kasoo bixiyo asagoo isticmaalaayo cirbad loogu tala galay oo jirka laga galiyo meel ku aaddan beerka, taasoo la macno ah inaan loo baahnayn qaliin.

Baaritaankaan ayaa sidoo kale waxaa la sameeyaa ayadoo la isticmaalaayo iskaan ama kombiyuutar si loogu hago hawsha. Baaritaankaan wuxuu u oggolaanayaa dhakhtarkaaga inuu go’aamiyo sida caabuqa uu u saameeyay beerkaaga.

5. Iskaan ama kombiyuutar

Iskaanka caloosha ayaa lagu fiiriyaa xubnaha ku jiro gudaha calooshaada. Baaritaankaan wuxuu u ogolaanayaa dhakhtarkaaga inuu si dhow u eego beerkaaga iyo xubnaha u dhow. Iskaanka wuxuu muujin karaa:

In dareere uu ku jiro gudaha

Dhaawaca beerka ama weynaanta beerka

Burooyinka beerka

Cilladaha xameetidaada

Mararka qaarkood ganaca ayaa sidoo kale ka muuqda sawirrada uu iskaanka muujinaayo, waxayna muhiim u tahay in la go’aamiyo sababta keentay cilladaha ka jiro shaqada beerka.

Daaweynta cagaarshowga

Daaweynta waxay ku xirantahay nuuca cagaarshowga ee qofka haayo iyo in caabuqa uu yahay mid biloow ah ama uu waqti dheer soo jiray.

Daaweynta nuuca A

Nuuca A waxa uu ka mid yahay nuucyada aan sii daba dheeraanin, badanaa uma baahno daawo, balse mararka qaar calaamadihiisa markay qofka kasoo muuqdaan waxaa lagu taliyaa in qofka uu nasto.

Daaweynta nuuca B

Ma jirto daawo gaar ah oo loogu talagalay cagaarshowga nuuciisa B ee deg degga ama bilowga ah, si kastaba ha ahaatee, haddii qofka uu qabo nuuca B ee raaga ama sii daba dheeraada, wuxuu u baahan doonaa daawooyin looga hortago fayraska.

Daaweynta nuucaan ah waxa ay noqon kartaa mid kharash badan, waayo waxa laga yaabaa in qofka uu sii isticmaalo dhawr bilood ama sannado.

Daawaynta cagaarshowga nuuciisa B ee dabadheeraada waxay sidoo kale u baahan tahay qiimayn caafimaad oo joogto ah iyo la socod si loo go’aamiyo in fayraska ka falcelinaayo daawaynta.

Daaweynta nuuca C

Dawooyinka ka hortaga fayraska ayaa loo isticmaali karaa in lagula dagaallamo fayraska keeno cagaarshowga nuuciisa C midkiisa deg degga ah iyo midkiisa daba-dheeraada labadaba.

Caadi ahaan, dadka uu ku dhoco cagaarshowga nuuciisa C ee daba-dheeraada waxay isticmaali doonaan daawooyin fara badan oo la isku daray.

Dadka uu ku dhoco cirrhosis ama cudurka beerka ee uu keeno cagaarshowga nuuciisa C ee daba-dheeraada ayaa laga yaabaa inay u baahdaan in laga beddelo beerka loona galiyo mid cusub.

Daaweynta nuuca D

Nuucaan waxa uu leeyahahy daawo lagula dagaallo fayraska sababo, daawadaan ayaa loo yaqaanaa (pegylated interferon alpha), si kastaba ha ahaatee, dawadaan waxay yeelan kartaa waxyeello daran.

Sidaa darteed, kuma habboona dadka qaba dhaawaca beerka ee cirrhosis, kuwa qaba xaaladaha dhimirka, iyo dadka qaba cudurrada difaaca jirka.

Daaweynta nuuca E

Ilaa iyo hadda ma jiraan daawayn caafimaad oo gaar ah oo lagu daaweeyo cagaarshowga nuuciisa E. Sababtoo ah caabuqa uu keeno nuucaan badanaa waa mid deg deg ah, caadi ahaanna iskii ayuu isaga baxaa.

Dhakhaatiirta waxay caadi ahaan kula talinayaan dadka qaba caabuqaan inay helaan nasasho ku filan, cabaan cabitaanno badan, helaan nafaqo ku filan.
Si kastaba ha ahaatee, haweenka uurka leh ee uu ku dhoco caabuqaan waxay u baahan yihiin dabagal iyo daryeel dhow.

Daaweynta nuuca uu sababo difaaca jirka

Daawooyinka corticosteroids-ka, sida prednisone ama budesonide, ayaa aad muhiim ugu ah daawaynta h**e ee cagaarshowga nuuca uu sababo difaaca jirka, waxay wax ku ool u yihiin boqolkiiba 80 dadka xaaladdan qaba.

Azthioprine (Imuran), oo ah daawada xakameysa habka difaaca jirka, ayaa sidoo kale laga yaabaa inay qayb ka noqoto ikhtiyaaraadka daaweynta, dadka qaar waxay daawadaan la isticmaali karaan daawooyinka steroids.

Ka hortagga cagaarshowga

Waxaa jiro tallaalo kaa caawin kara ka hortagga fayrasyada ugu badan ee keeno cagaarshowga. Yaraynta khatarta ah in aad la kulanto waxyaabaha ay ku jiraan fayrasyadaan ayaa sidoo kale noqon karto tallaabo ka hortag oo muhiim ah.

1. Isticmaalka tallaallada

Tallaalka cagaarshowga nuuciisa A ayaa la heli karaa kaasoo kaa caawin kara ka hortagga fayraska keeno nuuca A.

Tallaalka cagaarshowga nuuciisa A waa taxane laba qiyaasood ah, carruurta badankooda waxay bilaabaan qaadashada tallaalkaan markay da’doodu u dhaxayso 12 ilaa 23 bilood. Dadka waaweyn ayaa sidoo kale qaada karo tallaalkaan. Waxaa sidoo kale jiro tallaal loogu tala galay cagaarshowga nuuciisa B, tallaallada cagaarshowga nuuciisa B ayaa waxaa fiican in la siiyo dhammaan caruurta markay dhashaan.

Tallaalkaan ayaa ah saddex tallaal oo taxane ah, midka 1-aad waxaa la qaataa marka uu qofka dhasho, midka 2-aad waxaa la qaataa 1 bil ka dib kan tallaalka 1-aad, kan 3-aadna waxaa la qaataa 6 bil ka dib tallaalka 1-aad.

Waxaa lagu taliyaa in tallaalka nuuca B ay qaataan dhammaan shaqaalaha ka shaqeeyo daryeelka caafimaadka. Tallaalka cagaarshowga nuuciisa B wuxuu sidoo kale ka hortagi karaa cagaarshowga nuuciisa D, maadaama nuuca D uu ku dhoco kaliya dadka uu horay ugu dhacay nuuca B.

Hadda ma jiraan wax tallaal ah oo loogu talagalay cagaarshowga nuucyadiisa C ama E.

2. Iska ilaalinta fayraska

Fayrasyada keeno cagaarshowga waxay u gudbi karaan qofkasta oo:

Cabo biyo uu ku jiro fayraska

Cunno cunto uu ku jiro fayraska

Sameeyo galmo aan difaac lahayn

Yaraynta khatarta ah inaad la kulanto walxahaan waxay kaa caawin kartaa inaad ka hortagto qaadista fayraska cagaarshowga.Nadaafadda cuntada, biyaha iyo in cuntada si fiican loo kariyo ayaa looga hortagi karaa qaadista fayrasyada A iyo E.Cagaarshowga nuucyadiisa B, C, iyo D ayaa fayrasyada sababo waxaa lagu kala qaadaa taabashada dareeraha jirka ee ay ku jiraan fayrasyada.

Waxaad hoos u dhigi kartaa halista ah in aad la kulanto fayrasyadaan adigoo:

Aan la wadaagin cirbadaha qof

Aan la wadaagin sakiinta qof

Isticmaalin burushka cadayga ee qof kale

Aan taaban dhiig daatay

Cagaarshowga nuuciisa B iyo C waxaa sidoo kale lagu kala qaadi karaa xiriirka galmada. Isticmaalka waxyaabaha loo isticmaalo difaac ahaan xilliga galmada la sameeyo sida condoms-ka ayaa yarayn karo halista cagaarshowga.

Dhibaatooyinka cagaarshowga

Cagaarshowga nuucyadiisa B ama C ee daba-dheeraada waxay horseedi karaan dhibaatooyin caafimaad oo aad u daran. Sababtoo ah fayraska wuxuu saameeyaa beerka, dadka qaba cagaarshowga nuuca B ama C ee daba-dheeraada waxay halis ugu jiraan:

Cudurka beerka ee raaga

Cirrhosis (dhaawac daran ee beerka)

Kansarka beerka

Cagaarshowga ayaa keeni karo in shaqada beerka ay joogsato, dhibaatooyinka ka dhalan karo marka shaqada beerka uu u haayey jirka ay joogsato waxaa ka mid ah:

Dhiig bax

Dareere ku uruura calooshaada, oo loo yaqaan ascites (barar)

Cadaadiska dhiigga oo kordha

Kilyaha oo istaaga

Daal, xasuus la’aan, iyo awooddaha maskaxda oo yaraada

kansarka beerka

Dhimasho

Dheegasho: Healthter Mustafa terso.
References

Healthline Media

WHO (World Health Organization)

CDC (Center for Disease Control)

NIH (National Institutes of Health)

MayoClinic

WebMD

04/07/2023

MAXAA SABABI KARA STROKE!?😵😵‍💫🥴 Atherosclerosis: oo ku ururta huurada atherosclerotic ee halbowlayaasha dhiigga siiya ma...
13/06/2023

MAXAA SABABI KARA STROKE!?😵😵‍💫🥴

Atherosclerosis: oo ku ururta huurada atherosclerotic ee halbowlayaasha dhiigga siiya maskaxda. Tani waxay keeni kartaa in halbowlaha uu yaraado ama xannibmo.

- Aneurysm rupture: aan caadi ahayn, daciif ah oo furfuran halbowlaha maskaxda kaas oo dillaaci kara oo sababi kara dhiigbax maskaxda ah.

- Dhiig karka: dhiigkarka oo dhaawac u geysta gidaarada halbowlaha, kordhiyana khatarta ah in ay samaysmaan huurada atherosclerotic.

- Sonkorowga: kaas oo kor u qaada atherosclerosis iyo hypertension.

- Sigaar cabista: taas oo kordhisa khatarta ah in uu ku dhaco atherosclerosis iyo hypertension.

Dyslipidemia: heerarka sare ee triglycerides ama LDL ("xun") kolestarool oo gacan ka geysta atherosclerosis.

- Fibrillation Atrial: wadna garaac aan caadi ahayn oo kordhiya halista xinjirowga dhiigga maskaxda.

- Isticmaalka khamriga oo aad u badan: oo ku xidhan dhiig karka iyo xinjirowga dhiigga oo aan caadi ahayn.

- Qaadashada daawooyinka qaarkood: hormoonnada ka hortagga uurka, daaweynta niyad-jabka, iwm.

- Da' wayn: khatarta istaroogga ayaa si aad ah u kordheysa ka dib 55-60 sano jir.
Inta badan, istarooggu wuxuu ka yimaadaa isdhexgalka dhowr ka mid ah arrimahan khatarta ah. Ogaanshaha h**e iyo daawaynta cudurada sida hypertension ama sonkorowga ayaa aad u yareyn kara halista.

*Caafimaadka waa hantida dhabta ah*

27/05/2023

.

Atrial Fibrillation (Wadna Gariirka 1. Wadne gariirka loo yaqaanno (Atrial Fibrillation ama A-fib amase atrial fib) waa ...
11/05/2023

Atrial Fibrillation (Wadna Gariirka

1. Wadne gariirka loo yaqaanno (Atrial Fibrillation ama A-fib amase atrial fib) waa wadne garaac Aan caadi ahayn Oo halis ah Oo u baahan daryeel degdeg ah, Garaaca wadnaha waxaa suga signallo ama seenyaale koronto ah Oo wadnuhu leeyahay.
Guntin Dalqada wadnaha ku talla ayaa u dirta seenyaalo koronto ah inta kale Ee wadnaha, waxaana la yiraahdaa (SA Node).

2. Seenyaaladaasi waa kuwa sameeya in wadnuhu isku noqdo Oo kala baxo haddana si Uu dhiigga usoo tuuro, Sida caadiga ah wadnuhu isaga ayaa marna kala baxa marna isku noqda si Uu u habeeyo inta loo baahan yahay Ee dhiigga ah Ee jirka kale la gaarsiinayo.

3. Wadne gariirku markuu yimaaddo guntinta dalqada wadnaha ku talla–ayaan bilaabin inay dirto signalka, sidaa darteed signallada ayaa kasoo bilaabma qaybaha sare midig ama bidix Taasina waxay keentaa in wadnuhu u garaacmo si qayrul caadi ah, Oo mararka qaarkood Uu Aad u gariiro, Gariirka wadnaha iyo garaaca ama boodboodka wadnaha waa kala duwan yihiin, Garaaca ama boodboodka siyaadada Ee wadnaha waxay dhacdaa xaalado qaar ah, waana ku meel gaar, dhibaato wayne uma keento qofka.

4. Xilliyadaha Uu wadnaha boodboodo waxaa ka mid ah naxtinta, welwelka, gaaska, hormoonada jirka qaar Oo kacsan sida thyroid-ka Oo kale, cadaadiska dhiiga Oo dhacsan ama dhiig yari jirto, Gariirka wadnaha waa cudur halis ah, wuxuuna Astaan u yahay in garaaca wadnaha Uu qaldan yahay ama isdhaaf Uu yahay, taasoo tilmaamaysa in wadnaha qeybhiisa kala duwan aysan garaaca isla haysan.

5. Calaamadaha wadne-gariirka Waxaa ka mid ah, Wadnaha Oo si Aan caadi ahayn u garaacma, Dareenka garaac xoog ah Oo laabta gudeheeda ah, Oo la yiraahdo wadne gariir, Hawada neefsiga Oo kugu yaraata, in Aad si fudud ugu daasho dhaqdhaqaaqa, inaad dareento itaal darro, diidmo (wareer), iyo madax wareeg.

6. Baaritaanka Dhaqtarka wuxuu eegi doonaa garaaca wadnahaaga Oo ku dhegeysan doonaa qalab baaritaan wuxuuna kuu diri karaa mid ka mid ah baaritaanadan:
• Electrocardiogram (ECG or EKG)—in la daabaco garaaca dhaqdhaqaaq korontada ee wadnahaaga
• Fiirsashada Holter—in la duubo heerka garaaca wadnahaaga Ee 24-48 saacadood
• Baaritaanno kale Oo xanuunka wadnaha la xiriira.

7. Dawooyinka lagu siiyo waxay noqon karaan kuwa kaa caawiya inay xukumaan garaaca wadnahaaga Oo heer caadi ah ka dhigan, Waxaa laga yaabaa inaad u baahato Qafiifiye dhiig la yiraahdo Anticoagulant Oo ka hor taga in dhiiggaaga ay ku samaysmaan guntimo ama xinjiro, taasoo ka dhalata in dhiigu ku dhex xinjiroobo wadnaha maadaama garaaca wadnaha Uu qaldan yahay, dhiigane Uusan si sahlan uga bixi karin wadnaha.

8. Wadne garaace Artafiishal ah haddii Aanay daawo ku caawin karin, Waa mishiin yar Oo leh layr diciif ah Oo lagu dhejiyo jirka hoostiisa si Uu wadnaha uga caawiyo in Uu garaaciisu noqdo caadi,Dawooyin lagugu suuxiyo ayaa lagu siin doonaa ka hor intaan lagu gelin mishiinkaan, Dadka wadna xanuunkan leh waxay halis xoog leh ugu jiraan inuu faalig ku dhaco ama dibaatooyin halis ah Oo wadnaha ah haddii Aan si fiican loo baarin Oo Aan loola socon xaalkooda, Waa muhiim in dhaqtar uu arrinkaaga mar kasta la socdaa.

Talo:-

Haddii Aad leedahay wadne garaac ama gariir ama Aad dubaaxin ka dareentid naaska bidix dushiisa Ama hoostiisa mararka qaar waxaad u baahan tahay in Aad dhaqtar la xiriirtid si loo ogaado in Aad qabtid wadne gariirkaan halista ah iyo inay tahay arrin dabiici ah ama Uu keenay xanuun la daaweyn karo.

Haddii xanuunkaan lagaa helay, waa muhiim in Aad si joogto ah dhaqtarka ula xiriirtid, daawooyinka laguu qorayne Aadan joojin si Aad uga badbaadid cilladaha ka dhasha wadne gariirkaan "Atrial Fibrillation".

Akhriste haddii Aad akhrisatay qormadaan waad Ku Mahadsantahay.

Haddii Aad garaysana way kasii fiican tahay, walalahaa kale ayay faa'iido u tahay Anigana dhiiragalin ayay ii tahay.

Mahadsanid.

   symptoms
29/04/2023

symptoms

APPENDICITIS. ,  ,  ,  ,  ,   Lifaaqa? Lifaaqa waa shandad farta u samaysan oo dhererkeedu yahay 4 inji oo ku taal meesh...
21/04/2023

APPENDICITIS.

, , , , ,

Lifaaqa?
Lifaaqa waa shandad farta u samaysan oo dhererkeedu yahay 4 inji oo ku taal meesha ay iska galaan mindhicirka yar iyo kan wayn. Waxay caadi ahaan ku jirtaa caloosha hoose ee midig.
Shaqada saxda ah ee lifaaqa lama garanayo. Qaar waxay aaminsan yihiin in ay hayso bakteeriyada wanaagsan, taas oo ka caawisa in ay dib u kiciso habka dheef-shiidka shubanka ka dib. Qaarna waxay aaminsan yihiin inay tahay xubin vestigial (xubnaha aan lahayn wax shaqo ah oo muuqda). Laakin ka saarida qaliinka ee lifaaqa ma keenayso dhibaato caafimaad oo muuqda.

Appendicitis:
Caabuqa ama caabuqa ku dhaca lifaaqa waxaa loo yaqaan 'appendicitis'. Waa mid ka mid ah sababaha ugu badan ee xanuunka caloosha. Xanuunka waxaa weheliya lallabbo iyo matag. Xanuunku wuu ka sii daraa marka uu bararku bato oo qabsinku dillaaco. Qof kastaa wuu ku dhici karaa xanuunka loo yaqaan 'appendicitis', laakiin wuxuu ku badan yahay dadka da'doodu u dhaxayso 10 ilaa 30 sano. Caadi ahaan waxa sababa caabuqa caloosha oo u guura qabsinka ama marka saxaro ay ku xayirto lifaaqa.

Noocyada:
Labada nooc ee xanuunka loo yaqaan 'appendicitis' waxay ku xiran tahay bilawga, kuwaas oo kala ah:
1)Acute Appendicitis- Waxa uu si degdeg ah ugu soo baxaa dhowr maalmood ilaa saacado gudahood,waxana uu u baahan yahay daaweyn degdeg ah ama qaliin.
2)Chronic Appendicitis - Halkan, caabuqu wuxuu socdaa waqti dheer. Waa xaalad naadir ah.
Iyadoo ku xiran dhibaatooyinka:
1) Appendicitis fudud - Kiisaska aan wax dhib ah lahayn.
2) Appendicitis-ka adag - Kiisaska ku lug leh dhibaatooyinka sida dillaaca lifaaqa ama nabarka.

Calaamadaha iyo Calaamadaha:
•) Xanuunku wuu ka sii daraa oo u dhaqaaqaa dhinaca midig ee hoose ee caloosha.
•)Xanuunku wuxuu ku kordhaa qufaca, socodka, iyo samaynta dhaqdhaqaaq degdeg ah.
•)Kaadi xanuun badan.
•) cunto xumo
•) dheefshiidka
•) lalabo
•)matagid
•) shuban
•) calool istaag
•) bararka caloosha
•) awood la'aanta in ay dhaafaan gaaska
•) xumad heer hoose ah

Sababaha:
Marar badan, sababta saxda ah ee xanuunka loo yaqaan 'appendicitis' lama garanayo.
Waxyaabo badan ayaa laga yaabaa inay xannibaan lifaaqaaga, oo ay ku jiraan:
•) saxaro adag oo urursan
•) unugyada lymphoid-ka oo weynaada
•) Gooryaanka xiidmaha
•) dhaawac halis ah
•) burooyin

Sababaha Khatarta:
Qaar ka mid ah arrimaha khatarta ah waxaa ka mid ah:
•) Dadka da'doodu u dhaxayso 15 iyo 30 sano.
•) Ku badan ragga.
•) Taariikhda qoyska.

Tijaabooyin:
•) Caabuqa bakteeriyada ee mareenka kaadi mareenka iyo xubnaha caloosha ayaa sidoo kale keena calaamado la mid ah.
•) Baadhitaanka kaadida - Kaadi waxa loo sameeyaa si meesha looga saaro caabuqa kaadi mareenka iyo dhagxaan kelyaha.
•) Baaritaanka Uurka - Si meesha looga saaro uur-ku-jirka ectopic.
•) Imtixaanka Misigta - Dumarka, baarista miskaha ayaa la sameeyaa si meesha looga saaro xaaladaha saameeya xubnaha taranka sida cudurka bararka miskaha.
•) Tijaabooyin sawir - Si meesha looga saaro nabar caloosha ama saxarada, baaritaanada sawirka sida ultrasound caloosha, raajada, CT scan, ama sawirka MRI ayaa la sameeyaa.
•) Sawirka laabta - Sawirka laabta sida raajada laabta ama CT scan ayaa la sameeyaa si loo eego oof-wareen.

Ikhtiyaarada daawaynta:
Caadi ahaan, ka saarista qaliinka ee qabsiga (appendectomy) ayaa la sameeyaa si meesha looga saaro lifaaqa bararsan. Si looga hortago faafidda caabuqa, antibiyootiga ayaa la bixiyaa ka hor qaliinka.
1) Qalliin:
Appendectomy waxaa lagu samayn karaa:
•) Laparotomy - Qalliin furan ayaa la sameeyaa ka dib marka la jeexo 2 ilaa 4 inji oo dheer.
•) Laparoscopic - Qalliin ayaa la sameeyaa ka dib marka la geliyo dhowr jeexitaan caloosha oo yaryar iyadoo la kaashanayo qalab qalliin oo gaar ah iyo kamarad.
2)Diritaanka Abscess-ka Qalliinka ka hor:
Lacalla haddii qabsinku dilaaco oo nassku ka samaysmo hareerihiisa, malabku waa la miiraa ka hor appendectomy. Nabarrada waxaa ka soo baxa iyadoo tuubo la mariyo maqaarka.

Waqtiga Soo kabashada:
Waqtiga soo kabashada waxay kuxirantahay nooca qaliinka iyo xanuunka loo yaqaan 'appendicitis'. Caadi ahaan waxay qaadataa 1 ilaa 3 toddobaad in laga soo kabsado qalliinka laparoscopic iyo 2 ilaa 4 toddobaad qalliinka furan. Haddii qabsinku dilaaco, markaa waa inaad sugtaa malaxda iyo caabuqa marka h**e laga soo saaro, taas oo qaadan doonta waqti dheer.
Qaar ka mid ah talooyinka ku saabsan soo kabashada degdega ah qalliinka ka dib waa:
•Ka fogow dhaq-dhaqaaq culus labada toddobaad ee ugu horreeya.
•Si loo yareeyo xanuunka, barkin caloosha saar oo cadaadis ka hor intaadan qoslin, qufacin, oo aanad bedelin booska.
U sheeg dhakhtarkaaga haddii aad dareento xanuun xitaa ka dib markaad qaadato xanuun baabi'iyeyaal.
•Naso marka aad daalan tahay.

Dhibaatooyinka
Dhibaatooyinku waa:
•) Malax - ururinta malax ee lifaaqa.
Lifaaqa dillaacay - wuxuu ku daadiyaa arrimaha saxarada iyo bakteeriyada gudaha daloolka caloosha.
•) Peritonitis - bakteeriyadu waxay keeni kartaa caabuq ku dhaca dahaarka caloosha, taasoo noqon karta dhimasho.
•) Faafidda Caabuqa - infekshanku wuxuu dhex maraa dhiigga wuxuuna ku dhici karaa xubnaha kale.

Waa maxay cillada naaso bararka ama (Gynocemastia)?Cilladaan waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Gynecomastia" oo ah ma...
18/04/2023

Waa maxay cillada naaso bararka ama (Gynocemastia)?
Cilladaan waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Gynecomastia" oo ah macnaheeda naasaha oo weynaada ragga intaba.
Cilladaan waxay ka timaadaa khalal ku dhaca hormoonnada ragga khaas ahaan labada hormoon ee loo kala yaqaanno "
1)Estrogen" 2) Testosterone".
Naaso bararka wuxuu ku dhici kartaa hal ama labada naas, marmarka qaar way kala weynaan karaan, qofkane wuxuu dareemi karaa daqnasho naasaha ah.
Marmarka qaar waxaa dhici karto in ibta naasaha ay ka yimaadaan dheecaan ama qoyaan yar.

✅Maxay dhibaato caafimaad ay keeni karaan?
Cilladaan ma ahan mid halis oo qofka caafimaadkiisa dhibaato u geysan karto laakiin waxay qofka u saameyn kartaa nafsiyyan maadaama uusan qofka fikrad ka heysan cilladaan, badanaa dhalinyarada way ka xishoodaan inay qof u sheegaan ama takhtar ay la tashtaan.
Badanaa xilliga qaangaarka ayay ku badan tahay wiilasha, wayna iska baaba'daa daawo la'aan laakiin haddii ay sii jirto ama joogto noqoto waa in daawo loo raadsado.
Cillada ugu weyn waxay ka timaadaa markii uu yaraado hormoonka loo yaqaanno "Testosterone" ama uu bato hormoonka "Estrogen".
✅Waa maxay xanuunada naasaha barariya?
Xanuunada ay la socon karaan naaso bararka ragga waxaa ka mid ah:
1- Cillad lagu dhasho ee hormoonnada la xiriirto
2- Cayilka iyo duqnimada, ragga da'da ah oo cayilan waa lagu arkaa xaaladdaan.
3- Burooyinka ka soo baxo xiniinyaha ama qanjirrada hormoonnada kontoroola
4- Kacsanaanta qanjirka thyroid-ka,
5- Howlgabka kilyaha,
6- Howlgabka beerka,
7- Nafaqo-darrada iyo gaajada

✅Sidee loo baaraa naaso bararka?
Dhakhtarka wuu ku waraysan doonaa, haddii ay jiraan wax daawo ah aad isticmaashay ama haddii aad xanuuno kale aad qabtid oo keeni kara cilladaan, kadib wuxuu kuu diri doonaa baaritaanno dhiig iyo qalabka computer oo naasaha la saaro, way dhici kartaa in uu takhtarka u baahdo baaritaanno dheeraad ah sida in xaniinyaha la baaro, maskaxda qanjirrada ku jiro la fiiriyo.
Waa muhiim in la kala sooco waxyaabah u ekaan karo bararkaan sida kansarka ku dhaca naasaha, naasaha baruurta leh iyo caabuq barariyay naaska intaba.

Fadlan saar like comment and share si aad ula socoto cashir waliba aan soo gelin doonno
Anigana like waxey ii tahay dhiira gelin
MAHADSANIDIIN

Dr xidig

Address

Mogadishu

Telephone

+252610994035

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr xidig posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share