03/07/2026
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Kulliyadda Injineeriyada, ๐๐ง๐ . ๐๐ฎ๐๐๐๐ฐ๐ข๐ฒ๐ ๐๐๐๐๐ข ๐๐๐ฅ๐ข , isaga oo matalaya Kulliyadda Injineeriyada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa ka qeyb galay kulan ka dhacay ๐๐๐๐๐ฑ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐๐๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐, ๐ค๐๐๐ฌ ๐จ๐จ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐
๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐, ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐ก๐๐๐ค๐ก ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐, uu ugu mahadcelinayay masuuliyiintii, hayโadihii iyo dhammaan dadkii ka qeyb qaatay qabanqaabada iyo hirgelinta munaasabadda dabaal-degga Xorriyadda Soomaaliya.
Ka qeybgalka munaasabaddan wuxuu muujinayaa doorka firfircoon ee Kulliyadda Injineeriyada ay ku leedahay ka qeybqaadashada munaasabadaha qaran iyo matalaadda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Eng. Mucaawiye Cabdi Cali, isagoo ku hadlaya magaca Kulliyadda Injineeriyada, wuxuu uga mahadcelinayaa dhammaan intii ka qeyb qaadatay munaasabaddan qaran ee qiimaha badan, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada, wadajirka iyo horumarinta dalka.
Abdinur Mohamed Mohamud
Xoghayaha Midowga Ardayda Kulliyadda Injineeriya Ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed .