Faculty of Health Sciences and Tropical Medicine,Somali National University

  • Home
  • Somalia
  • Mogadishu
  • Faculty of Health Sciences and Tropical Medicine,Somali National University
Directions Contact the university

Faculty of Health Sciences and Tropical Medicine,Somali National University School of Public Health and Research, Somali National University(SNU-SPHR) is the only national public health institution in Somalia.

The Faculty of Health Science and Tropical Medicine at Somali National University has an approximate enrollment of 1,900 students as of 2025–2026 academic calendar year, distributed across its branches in Mogadishu, Badhan, and Abudwaq. SPHR was established in 2017 as one of the Schools affiliated to the Somali National University.

Kulliyadda Culuumta Caafimaadka iyo Cudurrada Trobikada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay hambalyo u diraysaa Zak...
16/09/2026

Kulliyadda Culuumta Caafimaadka iyo Cudurrada Trobikada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay hambalyo u diraysaa Zakaria Abdi Abdullahi iyo kooxda cilmi-baarayaasha ah ee kala qayb qaatay daabacaada maqaal cilmi-baaris ah cinwaankisune yahay:
​“𝐏𝐫𝐞𝐯𝐞𝐧𝐭𝐢𝐧𝐠 𝐦𝐚𝐭𝐞𝐫𝐧𝐚𝐥 𝐝𝐞𝐚𝐭𝐡𝐬 𝐢𝐧 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐫𝐞𝐪𝐮𝐢𝐫𝐞𝐬 𝐬𝐭𝐫𝐨𝐧𝐠𝐞𝐫 𝐩𝐫𝐢𝐦𝐚𝐫𝐲 𝐡𝐞𝐚𝐥𝐭𝐡 𝐜𝐚𝐫𝐞 𝐚𝐧𝐝 𝐟𝐮𝐧𝐜𝐭𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥 𝐞𝐦𝐞𝐫𝐠𝐞𝐧𝐜𝐲 𝐫𝐞𝐟𝐞𝐫𝐫𝐚𝐥 𝐬𝐲𝐬𝐭𝐞𝐦𝐬.”
​Maqaalkan waxaa lagu daabacay joornaalka caalamiga ah ee Preventive Medicine Reports.
​🔗 Halkaan ka akhri maqaalka: https://doi.org/10.1016/j.pmedr.2026.103634
​Hambalyo cilmi-baarayaasheenna! 👏
​

16/09/2026
08/09/2026

Kulliyada Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa si wadajir ah u qabtay barnaamij wacyigelin caafimaad oo kusaabsan Doorka Physiotherapyga ee ka hortaga, maaraynta iyo baxnaanintaa xanuunada Ku dhaca Wadnaha iyo Faaliga(Starooga), kaas oo ay ka qaybgaleen dhakhaatiir iyo physiotherapists ka hawlgala magaalada Muqdisho.


Just one day left until the big day— celebratory!
07/09/2026

Just one day left until the big day— celebratory!

Physiotherapy: Moving You Toward a Healthier Life.
21/08/2026

Physiotherapy: Moving You Toward a Healthier Life.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay qabanaysaa munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Physiotherapy-ga (World Physiotherapy Day), oo ku beegan 08 Sebteembar 2026. Ujeeddada munaasabaddan ayaa ah in kor loo qaado wacyiga bulshada ee ku saabsan muhiimadda Physiotherapy-ga, doorka uu ku leeyahay daryeelka caafimaadka, iyo baahida loo qabo horumarinta takhasuskan.

Sanadkan, waxaa si gaar ah diiradda loo saarayaa doorka Physiotherapy-gu ku leeyahay ka-hortagga, maaraynta iyo baxnaaninta cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga (Cardiovascular Diseases) iyo Faaligga (Stroke), iyadoo la dhiirrigelinayo dhaqdhaqaaqa jirka, ka-hortagga khataraha cudurradan, iyo helitaanka adeegyo baxnaanineed oo tayo leh.



# Somali National University




09/08/2026

Undergraduate admission is now open

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo xiray wejigii koowaad ee Mashruuca CURIOUS, kaas oo diiradda lagu saarayo horumarinta i...
02/08/2026

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo xiray wejigii koowaad ee Mashruuca CURIOUS, kaas oo diiradda lagu saarayo horumarinta iyo dib-u-habaynta manhajka waxbarasho ee Kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Aqoon-is-weydaarsigan oo socday laba maalmood waxaa si rasmi ah u furay Ku-simaha Rektorka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Fu’aad Mire Xasan, waxaana ka qeybgalay maamulka, macallimiinta iyo khubaro ku howlan horumarinta manhajka waxbarashada caafimaadka.
Ujeeddada aqoon-is-weydaarsigan ayaa ah dhisidda manhaj casri ah, tayo leh, oo la jaanqaadi kara heerarka caalamiga ah ee waxbarashada caafimaadka, isla markaana ka jawaabi kara baahiyaha isbeddelaya ee nidaamka caafimaadka iyo suuqa shaqada.
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxaa ka go’an in ay sii waddo dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada sare, gaar ahaan dhinaca culuumta caafimaadka, iyadoo la adeegsanayo habab waxbarasho oo casri ah iyo manhajyo ku saleysan baahida dalka iyo heerarka caalamiga ah.

🩺 Ololaha Baaritaanka iyo Talaalka Cagaarshowga:Kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyad...
28/07/2026

🩺 Ololaha Baaritaanka iyo Talaalka Cagaarshowga:

Kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo kaashanaysa Isbitaalka Wadajir ayaa si guul leh u fuliyay olole isugu jiray baaritaan caafimaad iyo tallaal, kaas oo loogu talagalay ka hortagga cuduraka Cagaarshowga.
Waxaan u mahadcelineynaa maamulka iyo shaqaalaha Wadajir Hospital oo fududeyay fulinta olalahan qiimaha leh.

Waxaan sii wadi doonnaa iskaashiyada noocan oo kale ah si loo horumariyo caafimaadka bulshada loona diyaariyo xirfadlayaal caafimaad oo u adeega bulshada si hufan.

26/07/2026

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH | SEMINAR KU SAABSAN WACYIGELINTA IYO KA HORTAGGA HEPATITIS B

Midowga Ardayda Kuliyadda Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (SNUHSSA), oo kaashanaya Wadajir Hospital, ayaa qabanaya Seminar gaar u ah ardayda Kuliyadda Health Science, kaas oo diiradda lagu saarayo wacyigelinta iyo ka hortagga cudurka Hepatitis B.

Seminaarkan waxaa loogu talagalay in ardayda caafimaadka lagu xoojiyo aqoontooda ku saabsan cudurkan, si ay mustaqbalka door muuqda uga qaataan wacyigelinta bulshada, ka hortagga cudurrada faafa, iyo horumarinta caafimaadka bulshada Soomaaliyeed.

Waxyaabaha laga baran doono:

Waa maxay Hepatitis B?
Sidee ayuu ku faafo?
Calaamadaha iyo dhibaatooyinka uu sababo.
Ka hortagga iyo muhiimadda tallaalka
Sida aad u ilaalin karto naftaada iyo dadka kale.

🎙️ Martida Barnaamijka:
Mr. Anwar Haji

📅 Taariikh: 27 July 2026
🕙 Waqtiga: 10:00 AM
📍 Goobta: Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed – KM4, Muqdisho

📌 Fiiro Gaar Ah:
Seminaarkan waxaa si gaar ah loogu talagalay ardayda Kuliyadda Health Science ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

📢 Ha seegin fursaddan muhiimka ah! Ka soo qaybgal seminaarkan si aad u hesho aqoon qiimo leh oo ku saabsan cudurka Hepatitis B, una noqoto qayb ka mid ah dadaallada lagu xoojinayo wacyiga iyo ka hortagga cudurkan.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:
Midowga Ardayda Kuliyadda Culuumta Caafimaadka (SNUHSSA) – JUS
📧 E-mail: [email protected]

Madaxa warbaahinta bySacdia Dhicisow Mohamed ✍️❤️

26/07/2026

Address

Vina Uta Street
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 09:00 - 16:00
Tuesday 09:00 - 16:00
Wednesday 09:00 - 16:00
Thursday 09:00 - 16:00
Saturday 09:00 - 16:00
Sunday 09:00 - 16:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Faculty of Health Sciences and Tropical Medicine,Somali National University posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Faculty of Health Sciences and Tropical Medicine,Somali National University:

Shortcuts

Share