23/08/2026
Ardayda ku jira sannadkooda ugu dambeeya ee Kalkaaliyenimada iyo Umulisada ee Kulliyadda Daawada, Qalliinka iyo Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda SIMAD - Faculty of Medicine and Health Sciences-SIMAD University ayaa dhammaystay Imtixaanka Xirfadaha Caafimaadka ee Objective Structured Clinical Examination (OSCE).
Imtixaankan oo ka kooban qaybo kala duwan ayaa ardayda lagu qiimeeyay aqoontooda, xirfadaha gacanta, go'aan-qaadashada xaaladaha caafimaad, habka ay bukaanka ula macaamilaan, iyo anshaxa xirfadeed ee looga baahan yahay kalkaaliyayaasha iyo umulisooyinka mustaqbalka.
Qiimeynta waxaa si wadajir ah uga qayb qaatay macallimiinta Kulliyadda iyo khubaro kale oo ka kala socday isbitaallada iyo ururrada xirfadlayaasha caafimaadka, taas oo gacan ka geysanaysa in aqoonta ardayda lagu qiimeeyo heerarka looga baahan yahay goobaha caafimaadka.
Waxaan hambalyo u diraynaa ardaydeenna gaartay marxaladdan muhiimka ah, waxaana u mahadcelinaynaa macallimiinta, tababarayaasha caafimaadka, qiimeeyayaasha iyo dhammaan shaqaalihii ka qayb qaatay habsami hirgelinta imtixaanka.
Tani, waa tallaabo kale oo ay ugu sii dhowaanayaan u adeegidda bulshada iyagoo ah xirfadlayaal caafimaad, door muuqdana ka qaadanaya badqabka bulshada.
*******
Our Final-year Nursing and Midwifery students at the Faculty of Medicine and Health Sciences have completed their Objective Structured Clinical Examinations (OSCEs), putting into practice the knowledge and skills developed throughout their studies.
Across a series of clinical stations, students were assessed on their clinical judgement, practical skills, communication, and professionalism, all essential competencies for future nurses and midwives.
The examinations brought together SIMAD faculty and external examiners from hospitals and professional associations, helping ensure that academic assessment reflects the standards and expectations of clinical practice.
We congratulate our future nurses and midwives on reaching this important stage and thank the faculty, clinical instructors, external examiners, and staff who contributed to the process.
One step closer to serving their communities as healthcare professionals.