14/09/2026
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) oo Daahfurtay Tababar ku Saabsan Nidaamka Maareynta Waxbarashada (LMS)
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay tababar laba maalmood ah oo ku saabsan Nidaamka Maareynta Waxbarashada (Learning Management System – LMS), kaas oo loogu talagalay macallimiinta Jaamacadda.
Tababarka waxaa si rasmi ah u daahfuray Guddoomiye Ku-xigeenka Qorshaynta iyo Horumarinta JUS, Prof. Dr. Fu’aad Mire Xasan.
Inta uu socdo tababarku, macallimiintu waxay ku baranayaan aqoon iyo xirfado la xiriira:
* Adeegsiga iyo maaraynta LMS
* Maareynta koorsooyinka online-ka ah
* Diyaarinta iyo gelinta agabka waxbarashada
* Maareynta assignments-ka iyo hawlaha ardayda
* Qiimeynta iyo imtixaannada
* La socodka horumarka iyo waxqabadka ardayda
Si gaar ah, tababarkan waxaa mudnaan loogu siinayaa macallimiinta wax ka dhiga Kulliyadda Takhasusyada iyo Cilmi-baarista (Faculty of Graduate Studies and Research), iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo awoodda macallimiinta ee bixinta casharro iyo agab waxbarasho oo online ah.
Tallaabadan ayaa muhiim u ah ardayda iska diiwaangelisay barnaamijyada Master-ka, si ay u helaan casharro, agab waxbarasho, hawlo iyo adeegyo waxbarasho oo dijitaal ah, taas oo fududeynaysa helitaanka waxbarashada iyo xiriirka u dhexeeya macallimiinta iyo ardayda.
Tababarkan waxaa soo qabanqaabiyey Xafiiska E-Learning-ka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee JUS ay ku horumarinayso waxbarashada dhijitaalka ah, tayada waxbarashada, iyo adeegyada ay siiso ardayda.
JUS – Tacliin loo simanyahay, qof walbana awoodo.