31/01/2026
Tababar aqooneed oo loo qabtay macallimiinta wax ka dhiga Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Daaru Rahman, kaas oo ujeeddadiisu ahayd kor u qaadista tayada waxbarashada iyo tayeynta xirfadaha macallimiinta, ayaa maanta si guul leh loo soo gabagabeeyey. Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta waajibaadka macallinka, horumarinta xiriirka macallin iyo arday, diyaarinta casharrada si nidaamsan, iyo habraaca saxda ah ee loo diyaariyo imtixaannada, taas oo la filayo inay door weyn ka qaadato horumarinta tayada waxbarasho ee dugsiga.
Madaxa Daraasaadka Sare ee Jaamacadda Daaru Salaam, Prof. Ismaaciil Qalinle, ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka. Isagoo hadal ka jeediyay munaasabadda xiritaanka, wuxuu ku bogaadiyey macallimiinta dadaalkooda, wuxuuna ku dhiirrigeliyay inay si dhab ah ugu dabaqaan aqoonta ay tababarka ka heleen, si loo gaaro horumar waxbarasho oo muuqda.