23/09/2026
𝐗𝐀𝐅𝐀𝐋𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐗𝐈𝐑𝐈𝐓𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐓𝐀𝐁𝐀𝐁𝐀𝐑𝐊𝐀 𝐀𝐑𝐃𝐀𝐘𝐃𝐀 𝐍𝐔𝐑𝐒𝐈𝐍𝐆 𝐤𝐚
Jaamacadda Salaam ayaa qabatay xaflad xiritaan ah oo lagu maamuusayay ardayda 𝐊𝐮𝐥𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐥𝐮𝐮𝐦𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚, gaar ahaan qeyb ka mid waaxda 𝐍𝐮𝐫𝐬𝐢𝐧𝐠, ka kuwaas oo soo dhammaystay tababarkoodii wax-ku-oolka ahaa ee ay ku qaateen Royal Hospital.
Xafladdu waxay ahayd fursad lagu muujiyay mahadcelin iyo qadarin loo hayo maamulka iyo shaqaalaha Royal Hospital, oo si joogto ah u taageera waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha ardayda.
Royal Hospital wuxuu si gaar ah ugaalin muhiim ah ka qaataa tababarka ardayda, isagoo fursado tababar oo wax-ku-ool ah siiya dufcad kasta oo ardayda Nursing-ka ah ee Jaamacadda Salaam, taas oo u suuragelisa ardayda inay aqoontooda fasalka ku bartaan si dhab ah ugu dabaqaan goobaha caafimaadka.
Jaamacadda Salaam iyo Royal Hospital waxay sidoo kale adkeeyeen xiriirka iyo iskaashiga labada hay’adood, si loo sii xoojiyo fursadaha tababarka, horumarinta xirfadaha iyo tayeynta waxbarashada caafimaadka.
Hambalyo dhammaan ardayda Nursing-ka ee soo dhammaystay tababarkooda!
Waxaan idiin rajaynaynaa horumar waara, guul iyo mustaqbal ifaya, anagoo inku dhiirra gelinayna inaad aqoontii iyo xirfadihii aad barateen ugu adeegtaan bulshada.