31/08/2026
Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Midowga Ardayda Kulliyadda Culuumta Maamulka (FMSSA), Mudane Abdirizak Abukar Gedi oo uu wehelinayay Madaxa Golaha Fulinta, Mudane Abdulahi Ali Abdulahi , ayaa booqasho rasmi ah ku tagay IBS Bank .
Booqashadan oo ahayd barnaamij isku dhafayay Theory Training iyo Field Visit, waxaa ka qayb galay ardayda Waaxda Banking and Finance ee Kulliyadda Culuumta Maamulka ee JamacadaSIMAD (FMS).
Soo-bandhigayaasha barnaamijka ayaa kala ahaa Ustaad Yusuf Socdaal, Madaxa SME-ga ee IBS Bank, iyo Ustaad Mohamed Said, Madaxa Corporate-ka ee IBS Bank. Waxay ardayda la wadaageen aqoon iyo khibrado muhiim ah oo ku saabsan hawlaha bangiyada, adeegyada maaliyadeed, iyo sida ay u shaqeeyaan qaybaha kala duwan ee bangiga.
Barnaamijkani wuxuu ardayda u ahaa fursad muhiim ah oo ay ku xiriirinayaan aqoonta ay fasallada ku bartaan iyo waayo-aragnimada dhabta ah ee goobta shaqada. Sidoo kale, ardaydu waxay fursad u heleen inay si dhow u fahmaan sida aqoonta Banking and Finance loogu dabaqo jawiga shaqo ee dhabta ah.
FMSSA waxay mar walba ka shaqeysaa horumarinta aqoonta, xirfadaha iyo khibradda ardayda, iyadoo abuuraysa fursado waxbarasho oo isku xira Theory-ga iyo Practical-ka, si ardaydu ugu diyaar garoobaan mustaqbalkooda xirfadeed iyo suuqa shaqada.
Waxaan si weyn ugu mahadcelinaynaa maamulka iyo bahda IBS bank martigelinta wanaagsan, gaar ahaan soo-bandhigayaashii barnaamijka oo ardaydeena la wadaagay waqtigooda, aqoontooda iyo khibraddooda qiimaha leh.
FMSSA – Bridging Academic Knowledge with Practical Experience.
Faculty of Management Science - SIMAD University SIMAD University