06/01/2026
Xaggee Ahayn , Hadddase Xaggee Nahay ? Maxaan Ku Fekeri Jirnay, Haddana Sideen u Fekernaa ?
Maxaad ka og tahay Mashruucii Biyo-Xireenka Faanoole ee Somalia (1963-1982) ?
Mashruuca biyo xireenka Faanoole wuxuu ahaa mid ka mid ah mashruucyadii guuleestay ee Somalia laga fuliyay kadib xornimadii. Waxaa la sheegaa fikirka mashruucaan biyo xireenka inuu lahaa madaxweynihii h**e ee Somalia Abdirashid Ali Sharmake. Biyo xireenka Faanoole ayaa waxaa heshiis ku galay in la dhiso dowladaha Somalia iyo midowga suufiyeet (USSR) sanadkii 1963. Waxaa la isku raacay kadib qiimeyn la sameeyay in mashruuca biyo xireenka laga fuliyo deegaanka Faanoole oo 22 km ka xigto dhanka waqooyi degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.
Waxaa waqti badan qaatay in la helo maalgalin,quburo aqoon u leh dhisida biyo xireenada sidoo kale waxaa jiray caqabado kale oo saameeyay mashruucaan sida Somalia oo gashay marxalad siyaasadeed oo dalka ay la wareegeen militariga sanadkii 1969 iyo dagaalkii Somalia ay la gashay Ethiopia sanadkii 1977. Arimahaan oo is biirsaday ayaa ka dhigay in mashruucaan uu dabo dheeraado waqti badan ilaa ay baxday ooraahda caanka ah ee "Faanoole Fari K**a Qodno".
Dowladii uu hogaaminayay Mohamed Siad Barre ee dalka la wareegtay sanadkii 1969 waxay qaadatay nidaamka shuuciyada ee ku saleysanaa hantiwadaaga ayadoo xariir wanaagsan la yeelatay dowladii midowga suufiyeet (USSR). Waxaa sii socday fikirka mashruuca biyo xireenka Faanoole oo ugu dambeyn sanadkii 1974 toos u bilowday.
Dhismaha mashruuca biyo xireenka Faanoole waxaa saameyn ku yeeshay dagaalkii Somalia iyo Ethiopia sanadkii 1977. Waxaa isku dhacay dowladii Somalia iyo USSR ayadoo dalka laga saaray midowga suufiyeet oo ugu dambeyn Ethiopia soo garab istaagay. Waxaa halkaas ku istaagay dhismihii biyo xireenka Faanoole.
Somalia ayaa heshiis kula gashay dowlada Shiinaha (China) inay la wareegto mashruuca biyo xireenka faanoole oo ay dhamestirto mashruucaan sanadkii 1978.
HADAFKA LAGA LAHAA BIYO XIREENKA FAANOOLE