Central University for Science and Technology

Central University for Science and Technology central university for science and technology

Faculty of Computer Science New intake is open 2026-2027Central University for Science and Technology
03/09/2026

Faculty of Computer Science
New intake is open 2026-2027
Central University for Science and Technology

Please Enrol now 2025-2026Central University for Science and Technology
02/09/2026

Please Enrol now
2025-2026
Central University for Science and Technology

Medicine and Surgery Kuliyada daaweynta iyo qaliimada Admission is Open 2026-2027Central University for Science and Tech...
31/08/2026

Medicine and Surgery
Kuliyada daaweynta iyo qaliimada

Admission is Open 2026-2027
Central University for Science and Technology

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay imtixaankii semesterada 3aad iyo 4aad ee u socday ardayda ka faa’iideysata Mashru...
31/08/2026

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay imtixaankii semesterada 3aad iyo 4aad ee u socday ardayda ka faa’iideysata Mashruuca Rajo-Kaabo ee jaamacadda Central.

Imtixaanka ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu qiimeynayo heerka waxbarasho iyo aqoonta ay gaareen ardayda ka faa’iideysanaysa mashruuca.

Ardayda ayaa muujiyay dadaal iyo diyaar-garow wanaagsan intii uu imtixaanku socday, iyadoo maamulka iyo macallimiintuna ay door muhiim ah ka qaateen habsami-u-socodka imtixaanka.

Madaxa Xiriirinta Mashruuca Rajo-Kaabo ee Hirshabelle, Dr Salah Abas oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan waaxda badqa...
31/08/2026

Madaxa Xiriirinta Mashruuca Rajo-Kaabo ee Hirshabelle, Dr Salah Abas oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan waaxda badqabka, Mr Omar Mohamud Ali ayaa shalay kormeer ku tagay Jaamacadda Central University, halkaas oo ay kula kulmeen ardayda ka faa’iideysata Mashruuca Rajo-Kaabo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda ardayda ka faa’iideysanaysa mashruuca, horumarka waxbarashadooda iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada iyo fursadaha uu Mashruuca Rajo-Kaabo u fidiyo ardayda.

Masuuliyiintu waxay sidoo kale dhageysteen ardayda, iyagoo ka xog-wareystay waayo-aragnimadooda iyo caqabadaha ay la kulmaan, si loo hubiyo in mashruucu si hufan uga jawaabo baahiyaha ka faa’iideystayaasha.

Mashruuca Rajo-Kaabo ayaa kaalin muhiim ah ka qaadanaya taageerada waxbarashada gabdhaha iyo horumarinta fursadaha dhallinyarada.

24/08/2026

Ku: Dhamaan Ardayda, Waalidiinta iyo Bulsho weynta Tacliinta Sare ee Soomaaliya

Mowduuca: Ogeysiis ku saabsan muddada Diiwaangelinta Ardayda cusub iyo beddeleashada ardayda ee Jaamaxcadaha Dalka, Sannad Dusgsiyeedka 2026-2027

Salaan qiima badan ka dib,
Iyadoo la tixgelinaayo baahida loo qabo in ay caddaato muddada ay soconayso diiwaangelinta arday cusub ee Jaamacadaha dalka ee Sannad Dugsiyeedka 2026-2027, iyo muddada la oggolyahay beddelashada ardayda ee Jka dhexeeya Jaamacadaha kala duwan iyo takhasusyada kala duwan ee Jaamacadda gudaheeda. Guddiga Qaran ee tacliinta sare waxa uu Ardayda, Waalidiinta & Bahda Tacliinta Sare si xushmad leh ula wadagayaan in:
1) Muddada diiwaangelinta ardayda cusub ay ku egtahay 15 November 2026.
2) Muddadada Beddelashada ardaydu u kala beddelanayaan jaamacadaha kala duwan ee dalka, iyo beddelashada ay u kala beddelanayaan kulliyadaha kala duwan ee jaamacadaha ay dhigtaan, ay billaabanayso 1 Sebtembar 2026, kuna egtahay 15-ka Oktoobar, 2026.
3) Ardayda iyo Waalidiinta waxa aan ku boorrinaynaa inaysan dib u dhigin is-ka diiwaangelinta jaamacadaha (oo haddaba socota) si aysan casharro u dhaafin, ugana badbaadaan culaysyada ka dhalan kara dib u dhigga is-diiwaangelinta.

FIIRO GAAR AH:
• Arday hal maado ka badan lugu leeyahay uma beddelan karo jaamacad kale.
• Ardayda aan Isku diiwaan gelin muddada la asteeyey, waxay sugi doonaan Sannadka soo socda, si ay isu diiwaangeliyaan.

Mahadsanidiin
Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare
Tel: +252610864444
Imayl: [email protected]/ [email protected]

ADMISSION IS OPEN! | AQBALAADDA ARDAYDA CUSUBCentral University waxay ugu bishaaraynaysaa dhammaan ardayda ka soo gudubt...
15/08/2026

ADMISSION IS OPEN! | AQBALAADDA ARDAYDA CUSUB

Central University waxay ugu bishaaraynaysaa dhammaan ardayda ka soo gudubtay imtixaanka Form Four in ay si rasmi ah u furantahay aqbalaadda iyo diiwaangelinta ardayda cusub.

📚 Haddii aad tahay arday ka soo gudbay Form Four oo diyaar u ah inaad sii wadato waxbarashada jaamacadeed, fursaddaadu waa hadda!

✅ Admission-ka waa furan yahay
✅ Diiwaangelinta ardayda cusub waa socotaa
🎓 Ku biir Central University oo bilow mustaqbalkaaga waxbarasho.

📢 Ha seegin fursaddan — isdiiwaangeli maanta

07/08/2026

Waxaa si rasmi ah uga bilowday Hall-ka Jaamacadda Central soo bandhigista buugaagta cilmi-baarista (Thesis) ee ay diyaariyeen ardayda ka qalin-jabinaysa sanadkan, kuwaas oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee jaamacadda. Bandhiggan ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu soo bandhigo natiijooyinka cilmi-baarista ee ardaydu qabteen intii ay waxbarashada ku jireen.

Maamulka Jaamacadda Central Dr Hassan Omar ayaa bogaadiyey dadaalka iyo hal-abuurka ardayda, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan cilmi-baarista iyo horumarinta aqoonta si ay uga qeyb qaataan xal u helidda caqabadaha bulshada iyo horumarka dalka.

Central University for Science and Technology (CUST) ayaa  u qabatay ardayda Foundation Year practical ku saabsan Blood ...
03/08/2026

Central University for Science and Technology (CUST) ayaa u qabatay ardayda Foundation Year practical ku saabsan Blood Group Determination (ABO & Rh Typing).

Practical-kan ayaa ujeeddadiisu ahayd in ardaydu bartaan habka saxda ah ee lagu aqoonsado kooxaha dhiigga (ABO & Rh), iyagoo adeegsanaya Anti-A, Anti-B, iyo Anti-D sera. Ardaydu waxay sidoo kale barteen muhiimadda blood grouping-ka ee dhiig-shubista, qalliinnada, daryeelka haweenka uurka leh, iyo xaaladaha kale ee caafimaadka.

Tababarkan wuxuu qayb ka yahay dadaalka CUST ee lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha shaybaarka ee ardayda Foundation Year, si loogu diyaariyo waxbarashadooda iyo mustaqbalkooda xirfadeed ee dhinaca caafimaadka iyo cilmiga sayniska.

Waxaan u hambalyeynaynaa dhammaan ardaydii ka qayb qaadatay practical-kan, waxaana u rajaynaynaa guul iyo horumar joogto ah.

19/06/2026

Jaamacadda Central waxey u rajeyneysaa ardayda form 4 ka ee sabtiga oo bari ah imtixaanka shahaadiga u fariisinaayo guul iyo natiijo wanaagsan

Address

Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+252617588130

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Central University for Science and Technology posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Central University for Science and Technology:

Shortcuts

Share