Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi.

Call Directions Website Contact the university

Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi. SIMAD Student platform, a place where all SIMAD fraternity can see what their leaders can do

Golaha Fulinta Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD ayaa yeeshay shirkii khamiislaha, kaas oo uu shir guddoomiyay Madaxwe...
24/09/2026

Golaha Fulinta Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD ayaa yeeshay shirkii khamiislaha, kaas oo uu shir guddoomiyay Madaxweynaha Xukuumadda Mudane Omar Abdullahi Abdi.

Shirka ayaa looga ansixiyay qabashada laba barnaamij oo wacyigelin ah, kuwaas oo ay Xukuumaddu ugu talagashay in ay qabato bisha Oktoobar, kadib marka ay ardayda ku soo laabtaan jaamacadda.

Sidoo kale, shirka waxaa lagu muddeeyay in bisha Oktoobar dib internet-ka loogu soo celiyo Website-ka Xukuumadda, kaas oo muddo laba sano ah aan shaqaynayn.

DHAMMAAD

───
XAJSi OFFICE
[email protected]
Mogadishu — Somalia

Meet Our Guest Speakers 🎙️Wasaaradda Haweenka ee Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD (XAJSi) waxay idiin soo bandhigaysa...
24/09/2026

Meet Our Guest Speakers 🎙️

Wasaaradda Haweenka ee Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD (XAJSi) waxay idiin soo bandhigaysaa martida gaarka ah ee kulanka:

Mulki Yakub Abdow
Zeinab Sh. Abdirahman
Mohamed Ibraahim Adan

Martidu waxay gabdhaha Class of 2026 la wadaagi doonaan khibrado, talooyin iyo aragtiyo ku saabsan is-barashada, doorashada waddada waxbarasho ee ku habboon, iyo sida loo dhiso mustaqbal wanaagsan.

📅 Taariikhda: 24 September 2026
⏰ Saacadda: 1:30 PM
📍 Goobta: SIMAD Town Campus

Isdiiwaangelintu waa furan tahay:
👉 [https://forms.gle/EQG1jPMkqfHy1naSA](https://forms.gle/EQG1jPMkqfHy1naSA)

Waxaan rajaynaynaa kulan aqoon, dhiirrigelin iyo waayo-aragnimo qiimo leh.

22/09/2026
22/09/2026

International Day Of Peace 2026.


Kadib furitaankii Barnaamijka Maalinta Nabadda Adduunka 2026, oo ay iska kaashadeen Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD ...
21/09/2026

Kadib furitaankii Barnaamijka Maalinta Nabadda Adduunka 2026, oo ay iska kaashadeen Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD (XAJSi), Elman Peace iyo Youth Development & Empowerment Club (YDE), waxaa si rasmi ah u qabsoontay dood cilmiyeed (Dialogue) oo diiradda lagu saaray mowduuca:

“Sidee Soomaaliya uga bixi kartaa khilaafka siyaasadeed ee doorashada, iyada oo aan khilaafkaasi isu beddelin mid sababa kala-qaybsanaan bulsho?”

Doodda waxaa ka qaybgalay khubaro, aqoonyahanno iyo dhalinyaro, kuwaas oo si furan u wadaagay aragtiyo, fikrado iyo talooyin ku saabsan muhiimadda **wada-hadalka, is-fahamka, nabad-dhisidda iyo xal-u-helidda khilaafaadka siyaasadeed**.

Kulanka ayaa sidoo kale fursad muhiim ah u noqday dhalinyarada inay si toos ah uga qaybqaataan doodda, su’aalo weydiiyaan khubarada, isla markaana soo bandhigaan aragtiyahooda ku aaddan nabadda, midnimada bulshada iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Barnaamijkan oo ay si wadajir ah u qabteen XAJSi, Elman Peace iyo YDE, wuxuu xoojiyay muhiimadda ay leedahay in dhalinyaradu door muuqda ku yeeshaan wada-hadallada ku saabsan nabadda iyo isku-xirka bulshada.

Madaxwaynaha Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD (XAJSi) Mudane Omar abdulahi Abdi  ayaa si rasmi ah u daahfuray Barnaam...
21/09/2026

Madaxwaynaha Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD (XAJSi) Mudane Omar abdulahi Abdi ayaa si rasmi ah u daahfuray Barnaamijka Maalinta Nabadda Adduunka, oo sanadkan diiradda lagu saarayo muhiimadda nabadda, wada-hadalka iyo xal-u-helidda khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Barnaamijka ayaa lagu qabtay kulan-dood cilmiyeed (Dialogue) oo looga hadlay mowduuca:

“Sidee Soomaaliya uga bixi kartaa khilaafka siyaasadeed ee doorashada, iyada oo aan khilaafkaasi isu beddelin mid abuura kala-qaybsanaan bulsho?”

Maalinta Nabadda Adduunka waxay xusuusinaysaa muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal, is-faham iyo hannaan nabadeed, iyadoo dhalinyaraduna ay door muhiim ah ka qaadanayaan ka qaybqaadashada doodaha iyo dadaallada lagu dhisayo Soomaaliya nabad, midnimo iyo xasillooni leh.

21/09/2026

8th Graduate School Convocation.

Xafladda Qalin-jabinta Dufcaddii 8aad ee SIMAD Graduate School iyo soo gaaristii Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, goobta ay ka socotay xafladda.

Madaxweynaha Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD, Mudane Omar Abdullahi Abdi, ayaa qayb ka ah munaasabadda qalin-jabinta...
21/09/2026

Madaxweynaha Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD, Mudane Omar Abdullahi Abdi, ayaa qayb ka ah munaasabadda qalin-jabinta Dufcadda 8-aad ee SIMAD Graduate School 2026.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa soo gaaray goobta ay ka socoto xa...
21/09/2026

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa soo gaaray goobta ay ka socoto xafladda qalin-jabinta.

21/09/2026

Graduate School Convocation

Address

Warshadaha Street, SIMAD University Main Campus
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi.:

Shortcuts

Share