20/06/2026
๐ Hambalyo Ardayda Fasalka 8-aad ee Silver Bridge Schools
Maamulka, macallimiinta iyo dhammaan bahda Silver Bridge Schools waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan ardaydeenna Fasalka 8-aad ee si guul leh u soo dhammaystay Imtixaanka Dowladda ee Dugsiga Dhexe ee sannad-dugsiyeedka 2025โ2026.
Muuqaalkan wuxuu xambaarsan yahay xusuus iyo farxad laga diiwaangeliyey maalintii ay ardaydu soo gabagabeeyeen safarkoodii dugsiga dhexe, iyagoo rajo iyo kalsooni ku wajahaya heerka xiga ee waxbarashadooda. Waxaan idiin rajaynaynaa natiijooyin wanaagsan iyo mustaqbal ifaya. Alle ha idiin sahlo dadaalkii aad gasheen, hana idiinka dhigo mid miro-dhal noqda. Guul iyo horumar ayaan idiin rajaynaynaa.
Fariin ku Socota Ardayda Fasalka 4-aad ee Dugsiga Sare (Form Four)
Maanta waxaa bilowday Imtixaanka Dowladda ee Dugsiga Sare, waxaana duco iyo dhiirrigelin u diraynaa dhammaan ardayda Fasalka 4-aad, gaar ahaan ardayda Silver Bridge Schools.
Waa maalmo muhiim ah oo goโaamin doona wejiga xiga ee waxbarashadiinna iyo himilooyinka aad hiigsanaysaan. Ku dadaala kalsooni, degganaan iyo adkaysi, kana faaโiidaysta aqoontii iyo tababarkii aad sannadaha badan soo urursateen. Waxaan idiin rajaynaynaa guul buuxda, natiijooyin lagu farxo, iyo in Alle idinku guuleeyo imtixaankiinna, idinkana gaarsiiyo himilooyinka iyo hamiga aad higsanaysaan. Aamiin.