27/07/2026
Wasaarada Waxbrashada ayaa shaacisay iyana sidii aynu h**e u sheegnay Dharka Cusub Ee Sannad Dugsiyeedka 2026/2027 ka bilaabanaya.
WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE EE PUNTLAND OO HIRGELISAY HABRAACA LABBISKA MIDAYSAN EE ARDAYDA
Garoowe, Luuliyo 27, 2026 – Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxa ay go'aamisay hirgelinta Habraaca Labbiska Dugsiyada, kaas oo lagu mideynayo labbiska dhammaan heerarka waxbarashada ee dugsiyada dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn ee Puntland.
Habraacan ayaa lagu xoojinayaa aqoonsiga dugsiyada, anshaxa iyo sinnaanta ardayda, tayada deegaanka waxbarashada iyo fayo-dhowrka caafimaad, iyadoo la tixgelinayo dhaqanka, diinta iyo duruufaha bulshada Puntland.
Wasaaraddu waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan maamullada dugsiyada, waalidiinta iyo dhammaan bahda waxbarashada in ay u hoggaansamaan habraacan, kana wada shaqeeyaan hirgelintiisa muddada ay Wasaaraddu go'aamisay.
Habraaca cusub oo lala wadaagay Guddoonnada Waxbarashada heer Gobol, heer Degmo iyo maamuleyaasha iskuullada waxa uu qeexayaa midabbada rasmiga ah ee labbiska heer kasta oo waxbarasho, waajibaadka dugsiyada iyo waalidiinta iyo habraacyada dabagalka ee Wasaaradda.
DHAMMAAD