08/06/2026
Sagaalka qodob ee lamaanaha nolosha ku guulaystay.
7. Waxay Mideeyan ra’yigooda
They are Aligning Their Thoughts.
Lammaanaha Nolosha ku guulaystay waxaa ka mid ah astaamahooda inay yihiin inay mideeyaan Aragtidooda ku aadan dhacdooyinka maalin-laha ah ee qoyska. ala ah, hadafkooduna waa dhowridda Dhismaha qoyskooda waxaana ku badan isu- tanaasulka .
Lammanaha isku liibaanay waxaay xakameeyaan naftooda waxayna xor ka yihiin cadaadiska, nafta, shaydaanka, bulshadda iyo kan mediayaha.
Dadka Dunidda ku nool qof kasta wuxuu leeyahay aragti u gaar ah, taasoo qof walba uu si gaar ah u arko waxyaabaha ka dhacaya dunida; deegaanka uu ku noolyahay iyo qoyskiisaba. Guud ahaan waxaan oran karaa aragtida dadka inta badan waa laba qaybood, Same -arag iyo Xumme arag.
Inta badan waa yar tahay inay nolosha wadaagan dad isku aragti ka ah Nolosha, dabeecadda iyo fahamka qoyskaba, waxaase badan in labada qof mid ka mid ah uu saldhig u yahay wada noolaashahooda oo lagu wada joogo samirkiisa, tanaaasulkiisa iyo dulqaadkiisa.
Aragtidu waa faham maskaxda boos ku yeesha oo kuu fasira dhacdooyinka dhacaya. Waxaad arkaysaa duniddan ballaaran qof ay ciriiri ku tahay oo noloshiii oo dhan culays iyo dhibaato ku tahay, qofkaasi wax kastaa dhinca xun ayuu ka fiirinyaaa, dhinaca wanaagsan uma muuqato. Dadka qaarkii aragtidaas waxy ku riday cuduro xaga dareenka ah waxaana ku dhacay shaki , walaac wareer diidmo iyo dudmo joogta ah.
Lamanaha aan xumme- araga ah waxay inta baddan raadiyaan meelaha dhaliillaha kan kale ku leeyahay markaasuu mid walba buun buuniyaa oo bal balaariyaa ilaa waxaan macno wayn lahayn uu ka dhigo dhacdo ay ogaadaan dad ka baxsan qoyskooda sida dariska, qaraabadda. Iwm.
Lamaanah xumo- araga ah inta badan waxay abuuraan dhibaatooyin iyo isku dhac, mar walba iyo xaalad kasta waxaa u muuqda wax qaloocan oo aan toosnayn, taasoo keenta inay mar kasta dareenkoodu kacsan yahay oo naftooda dagaal kula jiraan iyo dhammaan intay mas,uulka ka yihiin.
Lamaanuhu intay guryaha ka maqan yihiin ama shaqo hayaan naftooda ayay u sheekeeyaan oo way haminayaaan, sheekadaa naftaada aad la qaadato maalin walba waxay keentaa in qofku iskula sheekaysta fikrad xumaan araga ah oo ku aadan qoyskiisa, kadibna uu isagoo iska soo buuxiyay fikrad qaldan u gurigiisa yimaado oo halkaa iyadoo ficil ah ku soo bandhigo. Mar walba oo aad dareentid in Aragti khaldan ku gasho xasuuuso in naf iyo shaydaan buun buuninayaan, cayilinayaan oo ay ka dhigayaan wax wayn oo keeni kara inuu qoyskaagu si fudud ku dumo.
Dhinaca kale Arigtida quman waxay kuu sheegaysaa duni quruxbadan, ifaysa oo carfoon, taasoo kugu riixaysa inaad qoyskaaga ku fiirisid indho qabow oo dareen taban la socdo, taasoo keenta inaad arimmaha qoyskaaga si faham iyo fiiro wanaagsan le u eegto, isla markaana aad u xaliso si wanaagsan oo xal u ah qoyskaaga, waxaana sabab u ah fahamka quman ee aad ka qaadatay.
Lammaha arigtidooda toosan tahay waxay xaliyaan dhibaatoyinka iyo mushkiladaha, waa toosiyayaal, bar baariyeyaal, waana is kaalmeeyan, qoyskaasna waxay u hor-seedaan nololo farxad iyo barwaaqa ah
Lamamanah fikir wadaaga noqda oo mideeya hab- fikirkooda nolosha ciriiri kalama kulman, wax walba dhinca fiican ayay ka fiirinayaan markaasay u wanaagsanaataa, kuma mashquulaan inay dhibaato dhacday baar baaraan ceebeheeda ee xalkay ku deg degaan, sababtoo ah aragtidooda ayaa tusaysa duni qabow, deggen oo isfaham iyo raaxo ah.
Lamaanahasi aragtidoodu toosan tahay wuxay dhacdooyinka u arkaan inay yihiin waxaan la hurayn, waxayna fahamsanyahiin inay dhinaca fiican doortaan si aysan ugu noqon dhibaato iyo uur-ku taalo.
Ugu damybayn, Soomaaliddu waxay ku maah maahadaa,“wax hubso hal dhan baa la siistaa” xikmaddaan waa muhiim inaad qalbigaaga ku haysid mar kasta.
Nafta iyo shaydaanku waxay ku soo tuuraan qalbigaaga wax jira iyo waxaan jirinba, waxaa laga yaabaa arin aad qalbiga ku haysay inuu ka faaidaysto oo uu kuu qurxiyo ama kuu foolxumeeyo ka dibna adigoon hubsan aad go,aan ka gaartid.
waxaad ogaataa inuusan jirin qof ka liita qof ku go,aan qaatay arrin uusan hoos u baarin oo uusan hubsan, waxaa intaa dheer , waxyaabaha ka dhacaya qoyskaaga waxay u baahan yihiin inaad ku fiiriso indho iyo qalbi aad ka xoreysay arigtida togan , isla markaana aysan hogaan u hayn raali galinta naftaaada iyo shaydaan.
La soco qormadda xigta.